warjeef
warjaafid, warjeefid.
warjeefid
ld warjeef¹.
warlalis
Aaladda wararka baahisa.
warnaan
ld warnaansho.
warnaansho
/dh ld warnaan.
waro
1. Dhar ama wax la mid ah oo qoyan meel qorrax ah si uu u engego ku kala baxsasho. 2. Badeeco si loo gato dibad dhigasho.
warqab
1. Ka w.: wax xaaladda ay ku sugan yihiin ogaasho. 2. Ka w.: cid dhaqaalayn ama daryeelid.
warqabe
warrame.
warqad
1. Baalal xalxalleefsan oo jiljilicsan oo wax lagu qorto. 2. Xaashi qoran oo la isu diro. ld waraaq, warqaad.
warra'
/dh 1. Fal samayntiisa laga xishoodo oo qofka sharaf dhaca u keena; ceebi. 2. Luggooyo; hungo. 3. Garabmar; dhinac ka dhaaf.
warra'i
Cid sharaf dhac gayeysiin.
warra'id
'².
warra'in
'i. ld warra'is.
warra'is
'in.
warraaq
Liidasho ka tmid daal, caato, jirro iwm.
warrame
Kitaab farguri ah oo ka hadlaayo falka iyo waxyaalihii ay dadkii hore ku dhaqmi jireen; warqabe.
warramid
ld warran¹.
warran
1. Hadal; war la sheego. 2. ld warramid.
warriile
Gorayada teeda yar.
warriiq
Jirriqaa.
warroon
U w.: qof, qof kale arrin uga xogogaalsan ahaansho.
warroonaan
ld warroonaansho.
warroonaansho
/dh ld warroonaan.
warshad
Dhis makiinado waaweyn yaalliin oo alaabta ceeriin lagu farsameeyo. ld wershad.
warshadaysan
Wax la warshadeeyey ahaansho.
warshadaysnaan
ld warshadaysnaansho.
warshadaysnaansho
/dh ld warshadays-naan.
warshadee
Alaab ceeriin warshad gelin.
warsheeg
War qarsoon sheegid.
warsheegid
ld warsheeg¹.
warsheeko
War in la qariyo layska ogaa oo dibadda loo saro.
warside
Wargeys.
warso
Cid arrin xog ka haysa wax weyddiin.
wartebi
War tebin.
wartebin
ld wartebis.
warwacso
Ku w.: dhibaato dhacday cid u eersasho.
warwarin
waxaa
warwarsanaansho
/dh ld walwalsanaan.
warxungee
1. Jaad ka mid ah jaadadka caarada oo waa weyn, sun aad u xun ayuuna leeyahay. 2. Diradiraale; basaas; gogle; jaajuus.
warxunsheeg
Qofka warka xun buunbuuniya.
waryaa
Erey lala hadle labood ah dareenkiisa lagu soo jeediyo. ld ar, aryaa, waar, war³, waryee.
waryahaad
Afarta nooc ee xoolaha la dhaqdo ah, geela, lo'da, ariga iyo gammaan- ka; meesi.
waryeelo
Ku w.: wax yar oo aan nafac lahayn ku eedoobid.
waryoon
W. ah: safar aan joogsi iyo nasiinyo lahayn.
was
Nin naag u galmood.
wasaarad
Qaybaha waaweyn ee taliska dawlad u qaybsamo oo wasiir u madax yahay middood; wasaaro.
wasaayad
1. Dardaaran qoran. 2. Wakiilashada cid la wakiisho. ld wisaayad.
wasac
W. ah: meel aan ciriiri ahayn. ld waasac.
wasakh
Uskag; dhusuq.
wasakhaysan
Wax wasakh leh ahaansho.
wasakhaysnaan
ld wasakhaysnaansho.
wasakhaysnaansho
/dh ld wasakhaysnaan.
wasakhee
Wax wasakh gaarsiin.
wasakhow
Wax wasakh leh noqosho.
wasan
Wax la wasay ahaansho.
washaaqo
Dhul biyabaxo ah oo ceelal gaaggaaban laga qoto. ld warshaaqo.
washensi
Badow; qashiin.
washiran
Wax la washiray ahaansho.
washirid
ld washir¹.
washirnaan
washiran. ld washir- naansho.
washirnaansho
/dh ld washirnaan.
wasiilo
Wax wax kale loogu dhowaado ama lagu gaaro.
wasiir
Qof wasaarad u madax ah.
wasiirnimo
Wasiir ahaansho.
waslad
In yar oo is-haysata; cad (hilib).
wasladee
1. Hilib waslado u jarjarid. 2. Wax qaybo u jarjarid.
wasmo
Galmo; isutag.
wasnaan
ld wasnaansho.
wasnaansho
/dh ld wasnaan.
wastaad
Macallinka daaraha dhisa.
wastaadnimo
Wastaad ahaansho.
waswaas
Qof wax uu samayn lahaa ka shakiyid. Tus. “Cali muufadii uu lahaa buu ka waswaasay”. ld wiswis².
waswaasi
Cid waswaas ku abuurid. ld wiswisi.
waswaasid
ld wiswisid.
waswaasin
ld wiswisin.
watabbiir
Caano raagay oo aad dhanaan u noqday.

