0

tillaabso

f mg3 (-saday, -satay)

Eeg: tallaabso

0

tilmaaman

f mg4 (-mnaa, -mnayd)

1. Wax la

0

tilmaamay

ahaansho. 2. Wax, wax caan ku ah ahaansho.

0

tilmaame

m l (-mayaal, m.l/dh)

(nax.) Wuxuu tilmaamaa qof ama shay rugtiisa.

0

tilmaamid

m f dh

ld tilmaanid.

0

tilmaamid,

f mg

) Wax u tarid.

0

tilmaamnaan

m f dh

ld tilmaamnaansho, tilmaansanaan, til-maansanaansho.

0

tilmaamnaansho

m l

/dh ld tilmaamnaan.

0

tilmaan

f g1 (-aamay,-aantay;-aami)

1. U t.: wax tilmaantooda cid u sheegid. 2. Cid meel ayan aqoon akhbaar iyo macluumaad ka siin.

0

tilmaanid

m dh

Eeg: tilmaamid

0

tilmaansad

m l

Eeg: tilmaansasho

0

tilmaansan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: tilmaaman

0

tilmaansanaan

m dh

Eeg: tilmaamnaan

0

tilmaansanaansho

m l

/dh ld tilmaamnaan.

0

tilmaansasho

m f dh

ld til- maansad.

0

tilmaanso

f mg3 (-saday, -satay)

1. Wax tilmaan u yeelasho. 2. Meel ama wax tilmaantooda xafidid. 3. Meel tilmaanteeda qaadasho.

0

timaaddo

m dh (nax.)

Ammin faleed tilmaama fal aan weli dhicin.

0

timajarid

m dh

Habka timaha loo jaro ama loo qurxiyo. ld timajar.

0

timanaagoodle

m l (-layaal, m.l/dh)

Jaad cawska ka mid ah.

0

timaxiir

m l

Eeg: timaxiirid

0

timaxiirid

m dh

Hab xiiridda timaha loo qurxiyo. ld timaxiir.

0

timil

m dh

1. Xoog; awood. 2. Karti. 3. Eed; godob.

0

timir

m dh

1. Geed u eg geedaha baarta. 2. Miraha geedkaas ka baxa, sonkor baa ka buuxda, laf yar oo adagna way ku dhex- jirtaa.

0

timo

iwm hab gaar ah isugu soohid.

0

tin

m l

/dh (-imo, m.l) Daliigo jillicsan oo dunta u eg oo oogada dadka iyo nafleeyda kale qaarkeed ka soo baxa, mid ka mid ah.

0

tinhawleed

m l u (-dyo, m.dh)

Guudka fardaha in ka mid ah.

0

tiniin

m l (-nno, m.dh)

Imbili dhexda dun laga gashay oo carruurtu ku ciyaarto.

0

tiniinix

m l (-xyo, m.dh)

1. Bocoosha badda kuwo ka mid ah oo midabyo badan. 2. Midabyo badan.

0

tininig

m dh sh r

Cod lagu muujiyo shagagax ama shanqar dab.

0

tinmood

m l

1. Cudur timaha ku dhaca. 2. (u) Marka timaha la shanleeyo tintinta soo go'da.

0

tinnaar

m l (-rro, m.dh)

Weel qaab aashuun leh oo dhoobo ka samaysan muufadana lagu dubo.

0

tintaafyo

m dh (daaw.)

(kabillariyada) Xidid- dhiigyo aad iyo aad u yaryar, sida timaha oo magacoodu ka yimid. Tintaafyadu waxay ku sameeyaan shabaag soohyada (xubnaha) oo dhan waxa dhiigga u keena halbowlayasha yaryar, waxaana ka qaada xididdada yaryar. Tintafyadu jirmigoodu wuxu ka sameysanyahay hal unug, taasoo suuro gelineysa. Kala bedelka: oksijiinka (O2), karbondiyok-saydka (C)2), biyaha (H20), cusbooyinka, iwm oo ka dhex dhacaya jirka iyo soohyada.

0

tintaf

m l (-fyo, m.dh)

(c.nafl.) Nooca ugu dhuudhuuban dhuumaha dhiigga ee habdhiska wareegga dhiigga ee lafdhabar-leyda.

0

tintafid

m l

Raad la xiriira gigsanaanta dusha ee dareere, waana tan keenta inuu dareere kor u raaco ama hoos uga soo dego dhuunyaro ligan.

0

tiqraar

f g1 (-ray, rtay)

Shay adag laba wax kala dhex gelin si ayan isu qabsan. ld taqraar².

0

tiqraaran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Wax la tiqraaray ahaansho. ld taqraarqan.

0

tiqraarid

m f dh

ld taqraarid.

0

tiqraarnaan

m f dh

ld taqraarnaan, taqraarnaansho, tiqraar- naansho.

0

tiqraarnaansho

m l

/dh ld tiqraarnaan.

0

tir

f g1 (-ray, rtay)

1. Wax muuqooda baabi'in. 2. Ka t.: wax wasakh ka sifayn.

0

tiraab

f mg1 (-bay, -btay)

Hadlid.

0

tiraabid

m f dh

ld tiraab¹ (2).

0

tiraale

m l

1. (nax.) Tirooyinka cayima inta ay la egtahay tirada shayga laga hadlayo. Tus. “3 buug; 6 nin, iwm”. 2. (nax.) T. jago: tiro tilmaanta sida ay u kala sarreeyaan ama darajada ka dhexeeysa noolayaal ama ashyaa. Tus. “koobaad, labaad iwm”.

0

tirabbadan

f mg4 (-dnaa, -dnayd)

Wax mahiigaan ah ahaansho.

0

tirabbadnaan

m f dh

ld tirabbadnaansho.

0

tirabbadnaansho

m l

/dh ld tirabbadnaan.

0

tirabbeel

m l

Wax tiradoodu xadkii dhaaftay.

0

tirabbuur

m l

Wax ama dad meel wada jooga dhanka tiradoodu u badantahay.

0

tirada-dadka

m l (-oyin, ml.)

1. Ikoolajii ahaan, koox isku sinji ah oo meel ku wada nool. 2. Tirada wadarta sinjiyo ama bah kale oo noole ah oo ku nool meel la yaqaan.

0

tiradhaaf

m l kh

T. ah: wax xadkii tiradooda dhaafay.

0

tirakoob

m l

/dh (-byo, m.dh) Habka loo helo ama lo tirsho tira guud.

0

tirakoobid

m f dh

Eeg: tirakoob²

0

tiran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Wax tirmo leh ahaansho.

0

tirasho

m f dh

Eeg: tiro²

0

tiratoomi

f g2 (-iyay, -isay)

Wax tiradooda qaldid.

0

tiratoomin

m f dh

ld tira-toomis.

0

tiratoomis

m l

Eeg: tiratoomin

0

tirbi

m dh

Asluub.

0

tirci

f g2 (-iyay, -isay)

Nafley si tartiib ah u wadid. ld turci.

0

tircid

m f dh

ld turcid.

0

tircin

m f dh

ld turcin.

0

tiri

f g2 (-iyay, -isay)

1. Wax inta ay ka koobanyihiin xisaabid. 2. Gabay, hees iwm curin. 3. Ku t.: wax meel in ay ku sugan yihiin u malayn. 4. Ku t.: wax rasaas ku furid.

0

tiric

f mg1 (-rcay, -ricday; -rci)

Tartiib u socosho. ld turuc.

0

tirid

m f dh

ld tiris², tirniin.

0

tirigonometeri

m l (xis.)

Laanta xisaabta ee ku saabsan furfurista saddex-xagallada iyada oo la adeegsanaayo fansaarro tirignometiyeed. tirignometeriga Waxa ay qiime aad waxtar leh u leedahay maadooyinka sida: injineeriya, nakhsha- daynta, sahminta badmaax, cilmifalag iwm, waxaa loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah: sallaxa oo ku saabsan saddex- xagallo sallaxaha iyo tirignome-tiriga kubbadeed oo ku saabsan saddex-xagallo kubbadeed. Fansaarrada tirigo-nometeriyeed waxaay kaalin muhiim ah ka qaataan saafidda waxaana loo adeegsadaa in lagu muujiyo birar iyo finoomino.

0

tirigsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Xarig si tirjis ah loo sameeyay ahaansho.tirosin aritmatig

0

tirigsanaan

m f dh

ld tirigsanaansho.

0

tirigsanaansho

m l

/dh ld tirigsanaan.

0

tirigsasho

m f dh

Eeg: tirigso

0

tirigso

f g3 (-saday, -satay)

Xarig saddex dhudood ah soohasho. ld tirjiso.

0

tiriig

m l (-gyo, m.l)

1. Koronto. 2. Siraad gaas lagu shubo oo la neefiyo oo iftiin xoog badan bixiyo. 3. T. ah: xarig saddex dhudood ah oo isku soohan.

0

tirin

m f dh

ld tiris¹.

0

tiris

m dh

Eeg: tirid

0

tirji

f g2 (-iyay, -isay)

Xarig iwm oo xoog leh samayn.

0

tirjin

m f dh

ld tirjis.

0

tirjis

m l

Eeg: tirjin

0

tirjiso

f g3 (-stay, -satay)

Eeg: tirigso

0

tirnaan

m f dh

ld tirnaansho.

0

tirnaansho

m l

/dh ld tirnaan.

0

tirniin

m l

Eeg: tirid

0

tiro

m dh (-ooyin, m.l)

1. Hab lagu garto kolka mid mid loo soo qaado kaddib, inta inood oo wax ka koobanyahay. 2. Ari ka kooban boqol (100) neef. 3. T. iyo tayo: caddad iyo qaayo.

0

tiro-Afogaadro

m dh (kiim.)

Tirada atamada ama molikuyuulada ee ku jira hal mool oo walax ah. Qiimaheeduna waa 6.022 x 10 ; waxa hore loo oran jiray tirada Afogaadaro, waxaana lagu asteeyaa sum-madda NA ama L.

0

tiro-atameed

m dh (-dyo, m.dh)

Summad Z. Tirada borotoonno ee ku jira bu'da atam, le'egna tirada elektaroonnada ku dul wareegaya bu'da, marka atamku uu yahay dhexdhexaad.

0

tiro-dhaban

m dh (xis)

Abyoone haraa la'aan u qaybsama tirada laba; ama waa tiro idil oo aan ahayn kisi. Tusaale ahaan 6, 14 ama 24 waa tirooyin dhaban ah, waayo, 2 haraa la'aan bay qaybisaa tirooyinkaasi.

0

tiro-dhimasho

m dh

Tirada dhimashada dadweynaha ee muddo cayinan dhexdeed. Tirada dhimasho sanadeedka waa tirada inta dhimatay oo diiwaangashan ee sannad gudihiis oo lagu dhuftay (x) 1000 loona qaybshay tirada dadka uu le'egyahay sannadka bartamihiisa.

0

tiro-kisi

m dh (xis.)

Haraa la'aan tirada aan u qaybsami karin labo.

0

tiro-lakab

m dh (xis.)

Tiro maangal ah oo loo qori karo abyoone ahaan ama qaybta laba abyone. Tusaale ahaan, 1, 7, 540, 1/2 iyo 3/4 waa tirooyin lakab ah. (Barbardhig tiro lakab la').

0

tiro-maangal

m dh (xis.)

Summad R: urur ka kooban dhammaan tirooyinka lakab ah iyo kuwa lakabka la'.

0

tiro-murakab

m dh (xis.)

Tiro leh sansaanka a + ib, taas oo a iyo b ay yihiin tirooyin maangal ah oo i=V-1 (ama i2=-1) a waxa la yiraahdaa qaybta maangalka ah, ib-na qaybta khayaaliga ah.

0

tirobeel

m l

1. (xis.) (Summad '8') xadla'aan ka weyn tiro ama soohdin kasta oo maguuraan ah. Tusaale ahaan, ururka tirooyinka idil. 2. (xis.) Qiimaha xaddi oo u kordha xad la'aan. Tusaale ahaan, haddii y = 1/x, markaa y waxa ay sigaysa tirobeel marka x ay siqdo 0.

0

tirobeel-yare

m l (xis.)

Doorsoome uu xadkiisu yahay eber. Laba doorsoome sida x iyo y oo mid kasta ku dhowaado eber, waa tirobeel yare oo isku heer ah haddii saamiga x uu yahay koobane oo aan ku dhowaan eber. tiro-dhalasho Haddii x/y --> o, x waxa ay leeyahay tirobeel yare heerkiisa ka sarreeya kan y iyo haddii x/y --> '8?', xi waxay leedahay heer ka hooseeya kan y. y m.dh Lambarka dhallaanka nool oo sannad gudihiis dhasha 1000 kii naagood da'doodu u dhexeysa (15-44) sano da'da dhalidda.

0

tirooyin-khayaali

m l (xis.)

Tiro murakab ah oo leh sansanka a+bi oo b aan la' ekayn eber, aas oo, a iyo b yihiin tirooyin maangal ah, iyo i = -1. Ama waa tiro labajibbaarkeedu uu yahay tabane.

0

tirooyinka-lakab-la'

m l (xis.)

Tiro maangal ah oo aan loo qori karin abyoone ahaan ama aan loo qori karin qaybta la'aa abyoone. tobanle Tirooyinka lakabka la' waa akoobane, jajab aan soo noqnoqon.

0

tirosin-aritmatig

m dh (xis.)

Tirosinka aritmatig ee urur ka kooban n-tiro waa 809tirsame wadarta n-da tiro oo loo qaybiyey tirada tirooyinka. Tusaale ahaan, tirosinka aritmatig ee ururka {1, 4, 3, 0, 1, 2,ì 1, 4} waa (1+4+3+0+1+2+1+4): 8 = 16 : 8 = 2.

0

tirsame

m l

Magac oggolaada in uu noqdo wadar, wuxuuna tilmaamaa wax tirsama. Tus. “buug, qalin, qof, iwm”.

0

tirsan

f mg4 (-naa, -nayd)

1. Wax la tiriyey ahaansho. 2. Ka t.: wax, wax kale ka mid ah ahaansho. 3. Ku t.: wax, wax kale ku jira ahaansho.

0

tirsanaan

m f dh

ld tirsanaansho.

0

tirsanaansho

m l

/dh ld tirsanaan.

0

tirsasho

m f dh

ld tirsi (2).

0

tirsi

m l

1. Tiro taxan mid ka mid ah. 2. ld tirsasho.