tafiiran
Ka t.: wax ka soo farcamid (cid).
tafiirgo'
Wax ciribtirmid.
tafiirgoo
Wax cirib-tirid.
tafiirgoyn
takh¹
tafniid
Wax sida ay u kala fiican yihiin u kala saarid.
tafsiir
Quraan fasirid; micnayn.
taftaaf
1. Cudur nafley uu ku dhacay ku raagid. 2. Cid sixrid.
taftaafan
1. Wax jirro ku raagtay ahaansho. 2. Wax la sixray ahaansho.
taftaafnaan
ld taftaafnaansho.
taftaafnaansho
/dh ld taftaafnaan.
tafwareemad,
tafwareemid.
tafwareemo
1. Xoolo la soo dhacay bar goosasho. 2. Col dhinac ka weerarid. ld tafwareen.
tag
/dh 1. Guur. 2. Nasiib.
tagaabee
Cid taageerid.
tagaabeyn
ld tagaabo (2).
tagaabo
1. Kaalmo; waxtar; taageero; macaawino. 2. ld tagaabeyn.
tagagsi
Nolol xun oo maceeshaddu ciriiri tahay. ld fagagsi.
tagfi
Booddo.
tagoog
Xubinta cududda iyo majinta u dhaxaysa. ld tagoogo.
tagrifal
Ku t.: wax aan la lahayn idan la'aan isticmaalid.
tagrifalid
ld tagrifal¹.
tagsasho
ld tagsi.
tagsi
1. ld taksi. (-iyo, m.dh) Baabuur yar oo la kireysto. 2. ld tagsasho. Guur; tag.
tagso
1. Gabar guur dartiis ula bixid. 2. Ku t.: wax lunsasho.
tagto
Waqti la soo dhaafay.
tahal
Wax isku dayid.
tahan
1. Xoog. 2. Aan waxba lagala harin.
tahantoog
1. Xisaab qaldan. 2. ld tahantoogid.
tahantoogid
ld tahan-toog¹ (2).
tahar
1. Hilib aan baruur iyo jiir midna lahayn oo adag. 2. Hilib weyd ah.
taharow
Soohyada oo adkaada si dadban waxay ka timaaddaa dhaawac buskooday ama raystay.
taharowga-halbowlayaasha
Qayb xididka gudihiisa ka mid ah oo adkaatay ka dib markay xayri fariisatay, taasu waxay yaraynaysaa wareegga dhiigga waxayna keenta in xididku xirmo.
tahbiib
Ku t.: cid wax inay samayso ku qasbid.
tahbiibid
ld tahbiib¹.
tahdiid
U cagajuglayn (cid), u dhaarasho, bajin.
tahliil
Biyo quraan lagu akhriyey oo la cabbo ama lagu mayrto si barako ama fayoobi looga helo. ld taxliil².
tahliili
U t.: cid tahliil u tufid.
tahliilin
ld taxliilin.
tahluuko
Dhibaato weyn.
tahna
fk. Waxyarna; inyarna; inna.
tahniyad
Hadallo qof wax uu ku farxo helay loo jeediyo; hambalyo.
tajwiid
Cod aad u qurxoon oo quraanka lagu akhriyo.
takar
Gendi.
takaradhabasho
ld takaradhabad.
takaradhabo
Xoolo seynta, afka iyo galgalasho takar isaga celin.
takfi
Qaniin yaryar, dhiig ku nool ah, boodbooda, oo dharka, furaashyada ama darmooyinka lagu seexdo gala; booddo.
takh
Badbadka soorta. ld takhid. 793takh²
takhaatir
ld dhakhaatiir.
takhallus
Ka t.: 1. Cid ama wax khaarijin. 2. Arrin faro ka qaadid.
takhantakhayn
ld takhantakhin, tukhuntukhayn, tukhun-tukhin.
takhantakhee
Cid iyadoo jeegada la hayo hore u ridid. ld takhantakhi, tukhuntukhee, tukhuntukhi.
takhantakho
Qof isxejinaya oo xoog horay loogu wado, loo harbiyo. ld tukhun-tukho.
takhantakhoo
Qof la harbiyay hore u turunturrood. ld tukhun-tukhoo.
takhantakhood
ld tukhuntukhood.
takhasus
Ku t.: maaddo ama farsamo si gaar ah u barasho.
takhasusid
ld takhasus¹.
takhid
ld takh¹.
takhsiir
Ganaax, ciqaab.
takhtad
Alwaax sida santuuqa u samaysan oo alaabta la dhoo-finayo lagu rido.
takhtar
Cid daawayn.
takhtaran
Daawaysan.
takhtarnaan
ld takhtarnaansho.
takhtarnaansho
/dh ld takhtarnaan.
takhtarnimo
Takhtar ahaansho. ld dhakhtarnimo.
takhti
T. ah: shay aan wax kale ku labnayn; saafi.
takoor
1. Wax gardarro lagu qaato ama lagu doono. 2. Inta kale wax ka baxsan, ka soocan. 3. vr. takoorid.
takooran
Qof la takooray ahaansho.
takoore
Tibixda (b2-4ac) ee isle'eg saabley ee leh sansaanka ax2+bx+c=0. Haddii xididdada isle'egtu ay isle'egyihiin, takooraha waa eber. Tusaale ahaan, isle'egta x2-4x-6=0, b2-4ac=25 xididdaduna waa 2 iyo -3. Haddii takooruhu yahay tabane, xididdada isle'egtu waa tirooyin murakab ah. Tusaale ahaan, isle'egta x2+x+1=0 waxa ay leedahay xididdada [-1/2-(V3/2)]i iyo [-1+(V3/2)]i.
takoorid
ld takoor¹ (3).
takoorin
Lafta misigta madaxeeda.
takoornaan
ld takoornaansho.
takoornaansho
/dh ld takoornaan.
taksi
(1).
tal
1. Dun xariir ah oo maryaha lagu qurxiyo. 2. T. ah: qof aad u marqaansan ama u sarqaansan.
talaado
Todobaadka maalin ka mid ah oo u dhaxaysa isniinta iyo arbacada. ld salaasa.
talaammiin
Dadka inta aan birta tumin.
talaggal
1. T. ah: qof talo bixin kara; ujedda; qorshe. 2. ld talaggelid.
talaggeli
Qof wax kala tashasho.
talaggelid
ld talaggal¹ (2).
talajeedin
Soo t.: fikrad laga dhiibto arrin.
talajir
Ku t.: wax samayntooda ku talaggelid.

