0

tiftifsii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Hoore dhibic- dhibic u sii deyn.

0

tiftifsiin

m f dh

Eeg: tiftifsii

0

tig

m dh

1. Bahal jiirka u eg oo leh lugo dhaadheer iyo jeenyo aad u gaagaaban. 2. (- go, m.l) Gaari yar oo saddex garan-garood (mid hore iyo labo dambe).

0

tigaad

m dh (-dyo, m.dh)

Meel doogatay oo naq badani ka baxay.

0

tigaysasho

m f dh

Eeg: tigayso

0

tigayso

f mg3 (-stay, -satay)

Hal lug ku boodid.

0

tigid

m l (-dyo, m.dh)

Warqad hab gaar ah u samaysan oo ay ku qorantahay lacagta qofku baxsho oo dano badan loo istic-maalo. ld tikid.

0

tigin

m l (-nno, m.dh)

Qori dhulka lagu aaso si loogu adkeeyo wax la dhisayo.

0

tiglawilig

m dh

Cayaar carruurtu dheesho oo inta lug kaliya ku istaagaan wareega ca- deeyaan.

0

tigtig

f g1 (-gay, -gtay)

Wax la tolayo ama la xirayo dhuujin.

0

tigtigan

f mg4 (-gnaa, -gnayd)

Weel wax la tigtigay ahaansho.

0

tigtigasho

m f dh

Eeg: tigtigo

0

tigtigid

m f dh

ld tigtig¹.

0

tigtignaan

m f dh

ld tigtig- naansho.

0

tigtignaansho

m l

/dh ld tigtignaan.

0

tigtigo

f g3 (-gtay, -gatay)

Weel iwm xarig ku dhuujin.

0

tii

q dh

Qodobka 'ta' oo noqda 'tii' kolka uu ka dabadhaco magac dhaddig, qof ka hadlaya iyo qofka lala hadlayo isla ogyihiin ama yaqaanniin. Tus. “Aaway baastadii aad karisay?”.

0

tiic

f mg1 (-cay, -cday)

Nafley xarrago, xanuuun iwm la dheeldheeliyid.

0

tiici

f g2 (-iyay, -isay)

Cid luudin.

0

tiicid

m f dh

Eeg: tiic

0

tiicin

m f dh

ld tiicis.

0

tiicis

m l

Eeg: tiicin

0

tiico

m dh

Jaad ama nooc geedaha ka mid ah.

0

tiif

m l (-faf, m.l)

Kolay maqaar ama maro ka samaysan oo badarka iwm lagu shubto.

0

tiifid

m f dh

Eeg: tiif²

0

tiifowga-maqaarka

m l (daaw.)

Mid kasta oo ka tirsan koox infekshin ah oo uu keeno “Rickettsiae”. Astaamo: madax xanuun daran, finan jirko dhan ku faafsan, qandho badan oo muddo dheer socota iyo isku-daran.

0

tiig

m dh

1. Socod degdeg ah oo meel lagu gaaro. 2. ld tiigsahso.

0

tiigaal

m dh

Eeg: tiigsasho

0

tiigasho

m f dh

Eeg: tiigo

0

tiigo

f mg3 (-gtay, -gatay)

1. Cid socod ku fogaansho. 2. Ku t.: cid aad ugu xadgudbid.

0

tiigsad

m l

Eeg: tiigsasho

0

tiigsasho

m f dh

ld tiig (2), tiigaal, tiigsad, tiigsi.

0

tiigsi

m l

Eeg: tiigsasho

0

tiigsin

m dh (-imo, m.l)

1. Ul weyn oo dheer. 2. ld tiig¹.

0

tiigso

f g3 (-saday, -satay)

Wax durugsan gaaritaankooda ku dadaalid.

0

tiil

m l

Daal iyo xoog aan jirin oo la iska doono.

0

tiilid

m f dh

Eeg: tiil²

0

tiim

m l (-mam, m.l)

1. Koox cayaartoy ah. 2. Koox dad ah oo hawl gaar ah fulisa.

0

tiimbad

m l

Eeg: tiimbasho

0

tiimbasho

m f dh

ld tiimbad.

0

tiimbi

f lg2 (-iyay, -isay)

Wax biyo quusin.

0

tiimbin

m f dh

Eeg: tiimbi

0

tiimbo

f g3 (-baday, -batay)

Biyo is quusin.

0

tiimis

m l

Gabay la soo diyaariyey

0

tiin

m l

1. Geed aan caleemo lahayn oo korkiisa qodxo ku wada rogon; miraha geedkaas. 2. Macdan.

0

tiingaa

m dh

Garannuug dheddig oo qaan-gaar ah.

0

tiingaarasho

m f dh

Eeg: tiingaaro

0

tiingaaro

f mg3 (-rtay, -ratay)

Cunto ama sharaab aad uga dhergid.

0

tiiniya

m dh (c.nafl.)

Nooc gooryaanka ka mid ah oo qaarkood ay ku dul noolyihiin xiidmaha dadka.

0

tiinna

mu lh dh (kuwiinna, w)

Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax idinku (qofka labaad ee wadarta ah) aad leedihiin.

0

tiiqtiiqsasho

m f dh

ld tiiq-tiiqsi.

0

tiiqtiiqsi

m l

Eeg: tiiqtiiqsasho

0

tiiqtiiqso

f mg3 (-saday, -satay)

1. Cid ku digasho. 2. Arrin si qeexan uga hadlid.

0

tiir

m l (-rar, m.l)

1. (-rar,m.l) Qori sida usha u toosan oo xoog badan oo badanaa dheer 806 oo inta dhulka lagu mudo wax celiya ama xoog tara; udub. 2. Dhis kasta oo qaabka iyo waxtarka tiirka leh. 3. T.ka kalabbarka mara oo caaradda iyo salka isu haya (caleen, waran iwm). 4. Kan u dhexeeya sanka labadiisa dul.

0

tiiraanyayn

m f dh

Eeg: tiiraanyee

0

tiiraanyaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Qof murugsan ahaansho.

0

tiiraanyaysnaan

m f dh

ld tiiraanyaysnaansho.

0

tiiraanyaysnaansho

m l

/dh ld tiiraanyays- naan.

0

tiiraanyee

f g2 (-yeeyay, -yaysay)

Cid tiiraanyo ku abuurid.

0

tiiraanyo

m dh

Arrin lala murugoodo, caloolxumo, uurkutaallo.

0

tiiraanyoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Tiiraanyo dareemid.

0

tiiraanyood

m f l

Eeg: tiiraanyoo

0

tiire

m l (-rayaal, m.l/dh)

Geed iskiisa isaga baxa oo xididdadiisa u ah dawo nooc ka mid ah dhiigyarida carruurta.

0

tiirfoorara

m l (jool.)

Kolon walax macdaneed ah oo ka soo lulata bar kore, muuqaal ahaan waxay u egtahay ul-baraf, Tusaalaha ugu caansani waa didibka oo inta badan laga helo isagoo ka soo lusha dedka god dhagax nuuradeed.

0

tiiri

f g2 (-iyay, -isay)

1. Wax meel ku santeecin. 2. Wax xoojin.

0

tiirid

m f dh

Eeg: tiir²

0

tiirin

m f dh

ld tiiris.

0

tiiris

m l

Eeg: tiirin

0

tiirisboor

m l (-ryo, m.dh)

Gaadiid.

0

tiiro

m dh

1. (xis.) Xagasha ay xarriiqi la sammeyso dhidibka-x. 2. (xis.) Tiirada xarriiq marta baraha (x,y) iyo x2,y2) waa tiirada (y2-y1)/(x2-x1). 3. (xis.) Tiirada xood halkabar B waa tiirada xarriiqda taabtaha ah ee xoodka halka barta B.

0

tiiro-qaaradeed

m l (-dyo, m.dh)

(juqr.) Janjeerka u dhexeeya raso qaaradeedka iyo salka hoose ee badweynta.

0

tiirri

m dh

1. Xoog aad u badan. 2. Dad aad u xoog badnaa oo Soomaaliya ku noolaa waa hore. 3. Waran tiir xooggan leh iyo samayo gaaban.

0

tiirsan

f mg4 (-naa, -nayd)

1. Wax la tiiriyey ahaansho. 2. Ku t.: cid, cid kale kaalmo ka hesha ahaansho.

0

tiirsanaan

m f dh

ld tiirsa-naansho.

0

tiirsanaansho

m l

/dh ld tiirsanaan.

0

tiirsasho

m f dh

ld tiirsimaad.tininig

0

tiirsimaad

m l

Eeg: tiirsasho

0

tiirso

f g

/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Wax meel cuskasho. 2. (f.mg) Ku t.: wax ku santeecsasho. 3. (f.mg) Ku t.: kaalmo darteed cid ugu xirraansho.

0

tiirtaagan

m l (tiirotaagan, m.l)

(jool.) Kolon didib ah oo ay biyo ku sameeyeen dedka god, oo uu ku jiro milan-didibeed saqafka ka soo da'ya.

0

tiis

dk lh dh

Eeg: tiisa²

0

tiisa

dk lh dh

Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee lab) uu leeyahay. Tus. “Cali beryahan bartiisa lama arkin”. ld ti, tii³, tiis.

0

tiix

m l

Roob yar oo dhibco yaryar.

0

tiixid

m f dh

Eeg: tiix²

0

tijaabi

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: jitaabi

0

tijaabin

m dh

Eeg: jitaabin

0

tijaabo

m dh

Eeg: jitaabo

0

tijaabogal

m l

Waxay ku qotantaa ama ku abbaaran tahay fiirsasho iyo tijaabo aan ahayn aragti.

0

tijaarad

m dh

Eeg: tijaaro

0

tijaaro

m dh

Ganacsi. ld tijaarad.

0

tikid

m l

Eeg: tigid

0

tiknooloojiyada

m dh

Shaqo, ama barasho farsamo, ama aqoon cilmiyeed ee hawl gacmeed u gaar ah warshadaha, beeraha, daawada, iyo ganacsiga.

0

tillaab

f mg1 (-bay, -btay)

Eeg: tallaab

0

tillaabi

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: tallaabi

0

tillaabid

m dh

Eeg: tallaabid

0

tillaabin

m dh

Eeg: tallaabin

0

tillaabis

m l

Eeg: tallaabin

0

tillaabo

m dh

Eeg: tallaabo

0

tillaabsad

m l

Eeg: tallaabsasho

0

tillaabsasho

m dh

Eeg: tallaabsasho

0

tillaabsi

m l

Eeg: tallaabsasho