0

tororog

m dh

Hadal badan oo aan macna lahayn.

0

tororoglee

f mg2 (-leeyay, -leysay)

Hadal badan oo aan macna lahayn sheegid.

0

tororogleyn

m dh

Eeg: tororoglee

0

tortor

f mg1 (-ray, -rtay)

Wax tortor ah noqosho.

0

tortorid

m f dh

ld tortor¹ (2).

0

tow

f g1 (-way, -wday)

Eeg: teb

0

towid

m dh

Eeg: tebid

0

towtow

m dh

War aan murti lahayn.

0

towxiid

m l

Eeg: tawxiid

0

toxob

m dh (-bo/-byo, m.l)

1. Cadad yaryar oo xalxalleefsan oo dusha iska saarsaaran oo kalluunka iyo haqa qaarkii dhawraarin ahaan, korka kaga rogan. 2. Dadka dubkiisa hollob ka kacda. 3. Lakab taxane ah oo xabagaysan: kaas oo daboola qaybta hawada u baxsan ee geedka. Waxa dhiijiya dubduleedka, shaqadeeda ugu muhiimsanina waxa weeye ka hortagga biyo lunka geedaha.

0

trobosfeer

m l

Eeg: torobosfeer

0

tu

mu ac dh (kuwo, w)

Magacuyaal aan cayinnayn oo dhaddig ah oo cid ama wax 814 maqan tilmaamaya; mid. Tus. “Tu wanaagsan baan ku toosay”.

0

tu'

m dh

1. Cudur xoolaha ku dhaca. 2. ld tuu.

0

tu'i

f g2 (-iyay, -isay)

Awr fadhiisin. ld ju'i, tuji.

0

tu'in

m f dh

'i. ld ju'in, tu'is, tujin.

0

tu'is

m l

'in.

0

tu'sasho

m f dh

'so.

0

tu'so

f g3 (-saday, -satay)

Awr fadhiisisasho.

0

tub

f g1 (-bay, -btay)

Wax badan meel isugu keenid.

0

tub-qorraxeed

m l (-bbo ..., m.l)

Jidka qorraxdu ay u muuqanayso inay marayso.

0

tubaako

m dh

Buuri. ld tabaako, toonbaakh.

0

tubaal

m l (-llo, m.dh)

1. Wax badan oo meel wada tuban. 2. Dab aad u weyn.

0

tuban

f mg1 (-bmay, -bantay)

Wax la tubay ahaansho.

0

tubayn

m f dh

Eeg: tubee

0

tubbasho

m f dh

Eeg: tubbo

0

tubbo

f mg3 (-baday, -batay)

Ku t.: meel ku hagaagid.

0

tubee

f g2 (-beeyay, -baysay)

1. Wax meel dhoobid. 2. Xoolo badan meel marid.

0

tubi

f g2 (-iyay, -isay)

Xoolo wadid.

0

tubid

m f dh

Eeg: tub³

0

tubiiste

m l (-tayaal, m.l/dh)

Farsamoyaqaanka tubooyinka.

0

tubin

m f dh

Eeg: tubi

0

tubkujoog

m l kh

1. T. ah: qof socdaal ah oo aan dhabbaha ka leexanayn. 2. T. ah: Qof safar ku jira oo weli aan gaarin meeshii uu u safraayay; jid-kujoog.

0

tubnaan

m f dh

ld tubnaansho.

0

tubnaansho

m l

/dh ld tubnaan.

0

tubsi

m l

Meesha ugu fog oo wax laga nishaabo.

0

tubul

m l

Wax ama dad isu tegey oo meel dheer ka muuqda oo aan si fiican loo arkin.

0

tuduc

m dh (-dco, m.l)

1. Harag la soohay oo laba ama saddex la isugu qabto middood. 2. Dhawr tix oo gabay ah oo isku mowduuc ka hadlaya.

0

tuf

m dh (daaw.)

Cudur aalaaba caruurta ku dhaca iyo dhallinyarada wuxuuna ka kacaa infekshin qaybta neefsashada inteeda sare oo uu keeno baktiiriyada “haemolitic streptococci”. Astaamo: qandho, xubnoholac, marbamarka ka dambeysa xubin saameynaya, baro cascas ee maqaar ka kuuskuus yaryar oo aan xanuun lahayn ama lafo soo baxsan sida xusulka, dhaqdhaqaaq ogaan la'aan oo aan caadi ahayn ee addimadatulux² iyo madaxa (chorea) iyo hallamacood wadnaha gufafkiisa iyo xuubka ku daboolan (pericardium).

0

tuf-xubno-holac

m l (daaw.)

Nooc xubnoholac, kan labaad ee ugu badan cudurrada tufta waxa ka horreeya lafoxubnoholac (osteo artritis) waxay gaar ahaan saameysa xubnaha faraha, xubin isgoyska gacanta iyo dhudhunka, lugaha, canqowyada, miskaha iyo garbaha: xubnoisgoysyada si siman ayaa labada dhinacba cudurku ugu dhacaa waana kala silloonyihiin.

0

tufaax

m l

Geed dhalo miro aad u macaan oo midadbkiisu guduudyahay ama cagaar iyo cillaan isku darsan.

0

tufan

f mg4 (-fnaa, -fnayd)

Wax la hibeeyey ahaansho.

0

tufid

m f dh

Eeg: tuf³

0

tufnaan

m f dh

ld tufnaansho.

0

tufnaansho

m l

/dh ld tufnaan.

0

tugaar

m l

Shillin.

0

tugumbee

f g2 (-beeyay, -beysay)

Cid tugumbo la dhicid.

0

tugumbeyn

m f dh

Eeg: tugumbee

0

tugumbo

m dh

Faraha gacanta oo hoos isku duuban oo wax loogu dhufto; tantoonyo.

0

tuhman

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax la tuhmay ahaansho.

0

tuhmanaan

m f dh

ld tuhmanaansho.

0

tuhmanaansho

m l

/dh ld tuhmanaan.

0

tuhmee

f g2 (-meeyay, -maysay)

Eeg: tuhun²

0

tuhmeyn

m dh

Eeg: tuhmid

0

tuhmeysii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Cid tuhun ku abuurid.

0

tuhmeysiin

m f dh

Eeg: tuhmeysii

0

tuhmid

m f dh

ld tuhmeyn.

0

tuhun

m l

Shaki; male; bidaal; dareen.

0

tuhunsan

f g4 (-naa, -nayd)

Cid wax tuhun ku jiro ahaansho.

0

tuhunsanaan

m f dh

ld tuhunsanaansho.

0

tuhunsanaansho

m l

/dh ld tuhunsanaan.

0

tuhunsii

f lg2 (-iiyay, -iisay)

Cid tuhun ku abuurid.

0

tuhunsiin

m f dh

Eeg: tuhunsii

0

tuji

f g2 (-iyay, -isay)

1. (dii.) Dad dukanaya imaan u noqosho. 2. ld tu'i. ld duji, tuki.

0

tujin

m dh

1. ld dujin, dujis, tukin. eeg tuji. 2. ld tu'in.

0

tujis

m l

Eeg: tujin

0

tukad

m l

Eeg: tukasho

0

tukadhaamis

m l u

Qaajer.

0

tukahariye

m l u

Riciraha tunka oo u dhexeeya afweynta iyo araxda.

0

tukallalmis

m l

Geed miracaska ka mid ah; odajecel.

0

tukanuug

m l

Hal hebed ah oo qof kasta iska maali karo; hayaaye. ld tukenuug.

0

tukasho

m f dh

ld dukad, dukasho, tukad.

0

tuke

m dh (-kayaal, m.l/dh)

Shimbir madow oo hilibka cuna.

0

tuke-ku-xaar

m l

Kuruska geela meesha ugu sarreysa oo baarka ku yaal; haadfuul.

0

tukenuug

m l

Eeg: tukanuug

0

tukhaan

m dh u

Dhiqle. ld kutaan.

0

tukhuntukhayn

m dh

Eeg: takhantakhayn

0

tukhuntukhee

f g2 (-kheeyay, -khaysay)

Eeg: takhantakhee

0

tukhuntukhi

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: takhantakhee

0

tukhuntukhin

m dh

Eeg: takhantakhayn

0

tukhuntukho

m dh

Eeg: takhantakho

0

tukhuntukhoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Eeg: takhantakhoo

0

tukhuntukhood

m l

Eeg: takhantakhood

0

tuki

f g2

Eeg: tuji

0

tukin

m dh

Eeg: tujin

0

tuko

f mg3 (-kaday, -katay)

(dii.) Cid waajib salaad gudasho. ld duko.

0

tukub

m l

Eeg: tukubid

0

tukube

m l (-bayaal, m.l/dh)

Ul lagu tukubo.

0

tukubid

m f dh

ld tukub¹.

0

tukulush

m l

Dabaggaalle; uunrays; soongur.

0

tulima(a)d

m l

Eeg: tulimaad

0

tulimaad

m l

Waa dhigidda uu dhigo wakiil dabiici ihi adke uu sidey oo uu ka keenay meel kale ama fog. Tusaale, webiyadu waxa ay tuulaan dhoobo iyo quruurux, dabayluhuna ciid badan iyo boodh.

0

tulud

m dh (-ddo, m.l)

Neef geel ah.

0

tulux

m dh

Buro weyn oo oogada ka baxda.

0

tulux-ugxeeye

m l (daaw.)

Kiish biyo ka buuxaan, mid ama ka badan, oo ka dhex sameysma ugxeeyaha.

0

tuma

mu we dh (kuwama, w)

Magacuyaal weyddiimeed oo dhaddig oo wax ama qof lagu hubsado; waa ayo? yaa waaye?.

0

tumaal

m l (-llo, m.dh)

1. Qof biraha farsameeya. 2. Sab.

0

tumaali

m dh kh (-iyaal, m.l/dh)

T. ah: wax gacan lagu farsameeyay (bir).

0

tuman

f mg4 (-mnaa, -mnayd)

Wax la tumay ahaansho (bir, qof, xiniinyo iwm).

0

tumasho

m f dh

Eeg: tumo

0

tumay

m l (-yo, m.dh)

1. Orgi ama wan la dhufaanay. 2. Caws la tumay oo dirmaha laga sameeyo. 3. Roob aan xoog lahayn.