tawaan
1. Karti wax lagu bixiyo ama lagu sameeyo. 2. Ujeeddo.
tawaawac
Cabasho, calaacal.
tawaawil
Bari idaad iyo dhir la isku shiilay oo dawo ahaan loo isticmaalo.
tawakal
Ilaah si buuxda isugu hallayn (qof).
tawakalid
ld tawakal¹.
tawal
Welwel, walbahaar.
tawfiiq
Talada san oo laysku raacay; talada roon.
tawin
Cudur muddo dheer haya dadka.
tawl
1. T. ah: wax qaab wanaagsan leh. 2. T. ah: qof firfircoon ama shaqo badan. 3. Isir, waalid.
tawllan
1. Wax qaab wanaagsan leh ahaansho. 2. Qof shaqo badan ama firfircoon ahaansho.
tawllanaan
ld tawllanaansho.
tawllanaansho
/dh ld tawllanaan.
tawrad
Isbeddel siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho oo qaran gudihiisa ka dhaca; ka-caan.
tawreed
Kitaabkii Nebi Muuse (Naxariis korkiisa ha ahaato).
tawri
T. ah: qof isbeddel horumar leh jecel.
tawrinnimo
Tawri ahaansho.
taws
1. Calaamad cudurka lagu garto. 2. Tabar yari.
tawtawle
T. ah: qof hadal badan oo warkiisu uusan murti lahayn.
tawtawlee
War aan murti lahayn sheegid.
tawtiiq
Doorad; go'aan.
tawxiid
Qiritaanka la qiro in Ilaah kali yahay cibaadadana isaga mudan yahay in la caabudo. ld towxiid.
tax
Wax iniino ah oo la taxay ama wax xiriirsan (xoolo ama dad).
tax-firfircoonaanta
(kiim.) Tax muujinaya sida biruhu ugu kala firfircoonyihiin dhinaca falgallada la xiriira ayoonnada ku jira milan.
tax-homoologada
(kiim.) Tax ka kooban iskudhisyo kiimikaad oo leh naanays molikuyuulleed guud; halkaas oo molikuyuul kasta oo ka mid ah taxaha kooxdaas uu midka ka horreeya kaga duwan koox atammo ah oo madoorsoome go'an ah;sida taxa baarafiinnada.
taxa
Hab maamul oo ku shaqeeya sharci rasmi ah, oo la raaco, ayna ka hawlgalaan hawlwadeeno.
taxaabid
ld taxaabo.
taxaddar
Digtooni; feejigni.
taxalluji
Isku t.: wax helitaankooda ku dadaalid.
taxalluq
Ku t.: wax, wax kale ku saabsan noqosho.
taxalluqid
ld taxalluq¹.
taxalluqsan
Ku t.: wax, wax kale ku saabsan ahaansho.
taxalluqsanaan
ld taxalluqsanaansho.
taxalluqsanaansho
/dh ld taxalluq-sanaan.
taxambaysasho
ld taxambaysad, taxambaysi, taxamboo-laysad.
taxambayso
Taxambo samayn. ld taxamboolayso.
taxambo
Taabashada gacan furan si tartiib ah ruux loogu taabto.
taxan
1. Wax iniino ah oo dhexda ka daloola oo dun la iskula xiriiriyay noqosho. 2. Tiro wax siday isugu xigeen isu daba yaal noqosho. ld tixan¹.
taxane
1. (xis.) Teed tirooyin maangal ah (ama waxyaabo kale) oo qaab laydi leh. 2. (kiim.) Urur xaddiyo ah oo u habaysan dhinac u taxyo iyo joog u taxyo si ay u sameeyaan qaab teed laydisan. tireed Badanaaba waxa lagu dhex xiraa laba bilood ama laba sakal. Taxaneyaasha ma aha qiime sida sugayaasha. Waxaa loo adeegsadaa in lagu muujiyo xiriirka ka dhexeeya xaddiyada.
taxane-hiddo
(baay.) Dariiqadda warka hiddo-side ee ku jira DNA-du ay ku xukunto soo saaridda borotiinno gaar u ah unugga.
taxar
1. T. ah: caano neef dhaqayo ah laga lisay. 2. T. ah: macaan la'aan; kharaar.
taxliil
Qaab loo raadiyo xallinta mas'alo (xisaab iwm).
taxmid
ld tixmid.
taxnaan
ld taxnaansho, tixnaan, tixnaansho.
taxnaansho
/dh ld taxnaan.
taxo
Wax iniino ah, dhexda ka daloola dun iskula xiriirasho.
taxooran
1. Qof dadka kala ka soocan ahaansho. 2. Ku t.: qof wax caan ku ah ahaansho.
taxow
1. Fardaha jare ku wadid ama ku garqaadid, iyadoo la soconayo, la lugaynayo. 2. Qof xoog ku wadid.
taxriif
Wax siduu ahaa mooyee si kale loo fasiro.
taxriifi
Wax siduu ahaa si kadduwan u fasirid.
tayda
Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax anigu (qofka koowaad ee kelida ah ee hadlaha ah) aan leeyahay. Tus. “Taydu waay caddahay”.
tayfuun
Duufaanka kulaalayda ee badaha shiinaha.
tayga
Dhulka kaymaha caleen irbadleyda Siberiya, xadka waqooyiga tunduraha aad u qabow ee aan dhirta lahayn, koonfurtana istebiska. Noocyada dhirta ee ugu muhiimsanina waa “pine, fir, spruce iyo larch”. Waxay ka koobantahay meelo badan oo dhasheeg ah, waqtiga gu'gana dhulka intiisa badan waxa fatihiya biyo ka yimaadda wabiyada oogada sare ee woqooyi xiga kuwaas oo dacalladdooda hoose weli sarafyihiin.
tayiiso
Karti; awood.
taymas
Qanjir ku yaal lafta shafka xaggeeda gudaha xigta, caruurta keliya ayaa leh, dadka waaweyn waa ka baaba'a, wuxuuna ka tirsanyahay qaybta difaaca jirka.
tayo
Sifo lagu garto dhalanka ama abuurta wax kale leeyihiin oo waxyaale kale kaga duwanyihiin; nooc; jaad.
tayrotogsikoosis
Xaaladda cudureed oo ay keento hormooniska qanjirka taayroodka oo si dheeraad ah oo aanteeriyotambuur caadi ahayn ugu jira dhiigga, taasu waxay keentaa wadne garaac dhakhso badan, dhidid, gariir, kacsanan maskaxda, cunno badni, culeyska oo is dhima, u dulqaadasho la'aan kulka.
tayruuf
Geel meel fog u daaq tegid.
tayse
Barwaaqo badan.
teb
Wax maqnaanshahooda dareemid. ld tow.
tebbed
Qori hoos irridda looga xiro; qataar.
tebediin
Kalluun weyn oo badda ku nool oo hilib macaan. ld tabadiin.
tebi
/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Gudbin, gaarsiin. 2. (f.mg) Xoolihii rimi lahaa oo aan rimin ama beer waqtigii ay bixi lahayd aan la beerin; waqti ka boodid.
tebid
ld towid.
tebis
Aan rimin waqtigii ay rimi lahayd (xoolo).
tee
Magacuyaal weyddiimeed oo dhaddig, oo iskii u taagan, oo wax ama qof lagu hubsado. tus. “Waa tee midda hadlaysa imminka?”.
teed
1. Qoryo gaagaaban oo meel la dhisayo la sii saarsaaro. 2. Ood loo dhigo ugaar si ay u marto meel loogu talaggalay. 3. ld teedin.
teeda
Magacuyaal lahaansho oo dhaddig ah oo tilmaamaya wax iyadu (qofka saddexaad ee kelida ah ee dheddig) ay leedahay. eeg keeda. Tus. “Weyddii halka ay teeda uga tagtay”.

