0

tammuujad

m dh (-do, m.l)

Bastoolad.

0

tamuumid

m f dh

Eeg: tamuun

0

tamuun

f mg1 (-uumay, -uuntay; -uumi)

Meel abbaarid.

0

tamuunsii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Cid meel ku toosin.

0

tamuunsiin

m f dh

Eeg: tamuunsii

0

tamuux

m dh

Carro shawle ah oo aan habaas lahayn sida tan xeebta; xaano; xaani.

0

tan

m l

1. Culays dhan 1000 kg. 2. Mug.

0

tan4

fk. Ilaa; T. ama taniyo: mar laga bilaabo; jeer laga gaaro. Tus. “Tan iyo intii uu halkaan yimid wuu bukay”.

0

tanaad

m l (-ddo, m.dh)

Qof hanti badan leh.

0

tanaadi

f g2 (-iyay, -isay)

Cid tanaad ka dhigid.

0

tanaadid

m f dh

Eeg: tanaad²

0

tanaadin

m f dh

Eeg: tanaadi

0

tanaasul

f mg1 (-ulay, -ushay)

Ka t.: cid arrin ay damacsanayd dib uga noqosho.

0

tanaasulid

m f dh

Eeg: tanaasul

0

taniyo

fk. Ilaa; tan³.

0

tanjent

m l

1. (xis.) Fansaar tirignoometari ee xagal. Tanjentka xagasha + e saddexagal qumman waa saamiga ay sammeeyaan dhererrada dhinaca horjeedaha ah iyo kan deriska la ah xagasha. Qeexdani waxa lagu dabbaqaa xaglaha u dhexeya 0 iyo 90° oo keliya. 2. (xis.) Guud ahaan, mark a laga hadlaayo kulannada kaartis oo unuygu yahay o, tanjentku waa xagasha u dhexeey-sa dhidibka-x iyo xarriiqda oB oo ay sammeeyaan kulanka-x iyo kulanka-y ee barta B (x,y).

0

tannaago

m dh

Hadal lagu dheeraysto si cid meel fog joogta loo maqalsiiyo; tayaago. ld tannaagood.

0

tannaagoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Cid meel fog joogta cod dheer kula hadlid. ld tayaago, tayaaqoo.

0

tannaagood

m f l

ld tayaago, tayaagood, tayaaqood.

0

tantoomid

m f dh

ld tantoonyeyn, tatoomid, tatoonyeyn.

0

tantoomo

m dh

Shanta farood iyo calaacasha gacanta oo duuban oo wax lagu dhufto iyadoo gacantu soo laabmayso. ld tan-toonyo, tatoomo, tatoonyo.

0

tantoon

f g1 (-oomay, -oontay; -oomi)

Cid tantoonyo ku dhufasho. ld tantoonyee, tatoon, tatoonyee.

0

tantoonyee

f g2 (-yeeyey, -yeysey)

Eeg: tantoon

0

tantoonyeyn

m dh

Eeg: tantoomid

0

tantoonyo

m dh

Eeg: tantoomo

0

taqdiimad

m dh

Eeg: taqdiin

0

taqdiin

m dh

Lacag ama hanti kale oo horumarin ahaan looga sii qaato cid wax iibsata. ld taqdiimad.

0

taqi

m l kh

T. ah: qof Ilaah cabsidii u go'doo- ma.

0

taqliid

f g1 (-day, -dday)

Cid wax ay samaysay ku dayasho.

0

taqliidid

m f dh

ld taqliid¹.

0

taqliin

m dh

Eeg: talqiin

0

taqraar

m l (-rro, m.dh)

Eeg: tiqraar¹

0

taqraaran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Eeg: tiqraa-ran

0

taqraarid

m dh

Eeg: tiqraarid

0

taqraarnaan

m dh

Eeg: tiqraarnaan

0

taqraarnaansho

m l

/dh ld tiqraarnaan.

0

taqsiin

m dh

1. In yar oo tubaako ama jaad ah oo mar canka la geliyo. 2. Muusig yar oo ka horreeya heesta.

0

taqsiinasho

m f dh

Eeg: taqsiino

0

taqsiino

f mg3 (-ntay, -natay)

In yar oo tubaako ama qaat ah ruugid (qof).

0

taqtaq

m l

1. ld taqtaqid. Badbadidda ay soortu badbaddo marka la karinaayo. 2. T. ah: soor jilicsan oo aan weli bislaan.

0

taqtaqid

m f dh

ld taqtaq¹ (1).

0

taqwad

m dh

1. Nooc shabaagta mallayga lagu dabo mid ka mid ah. 2. Xoog; tabar. 3. ld taqwo.

0

taqwo

m dh

Ilaah ka cabsi. ld taqwad (3).

0

tar

m l

1. Mid ka mid ah godadka dayaxa oo u dhexeeya neefmadoobaha iyo majinta oo la rumaysanyahay qofka dhasha inuu yeesho taran badan. 2. ld tarid.

0

taraabeesiyuus

m l (c.nafl.)

Muruq ballaaran oo qaabsaddex gees leh oo ku yaal surka intisa dambe iyo garabaka dhexdooda 797taraafiko wuxuu, dhaqaajiya garbaha, surkana xagga dambe ayuu u qaadaa labada dhanba.

0

taraafiko

m dh

Qayb ciidanka booliska ka tirsan oo qaabilsan nabadgelyada wad-dooyinka.

0

taraamantaana

m dh (juqr.)

Dabayl woqooyi, qallalan oo ka dhacda gobolka miditereeniyanka.

0

taraanturrayn

m f dh

ld taraanturyayn, turaanturyayn.

0

taraanturree

f g2 (-eeyay, -eesay)

Horay u harbin, takhantakhayn. ld taraanturyee, turaanturyee.

0

taraanturro

m dh

Tallabooyin horay xoog loogu qaado, si qof soconayoo wax cagta ku dhuftay ama xoog kale gadaal ka soo harbiyay, dhicidda iyo kufidda isaga ilaaliyo; takhantakho. ld turaanturro.

0

taraanturyayn

m dh

Eeg: taraanturrayn

0

taraanturyee

f g2 (-yeeyay, -yeysay)

Eeg: taraanturree

0

taraar

m l (-ryo, m.dh)

1. Bowd si aad ah ood loogu adkeeyay. 2. Jibaax; jiiris. 3. ld taraarid.

0

taraarax

f mg1 (-xay, -xday)

1. Sidbasho. 2. Wax xadkoodii dhaafid.

0

taraaraxid

m f dh

ld taraa-rax¹.

0

taraaraysasho

m f dh

ld taraaraysi.

0

taraaraysi

m l

Eeg: taraaraysasho

0

taraarayso

f mg3 (-stay, -satay)

Haween uur leh taraare samaysasho.

0

taraare

m l

Duco dumarka uurka lihi marka sidkoodu soo dhawaado samaystaan.

0

taraarid

m f dh

ld taraar¹.

0

taraarsii

f lg2 (-iiyay, -iisay)

Meel ciriiri ah wax xoog ku marsiin; jiirsiin.

0

taraarsiin

m l

/dh eeg taraarsii.

0

taraawiix

m dh (dii.)

Salaad ka kooban siddeeed ama kow iyo labaatan ragcadood oo la dukado cishaha kaddib xilliga soonka.

0

taraawil

m l (-llo, dh)

Waran yar oo af dhuuban oo riddada iyo lishaabka lagu barto.

0

tarabtarab

m dh fk

Koox koox nafley ah. Tus. “Arigii yeydu tarabtarab bay u leysay”.

0

taraddamid

m f dh

ld tarad- dan¹.

0

taraddan

f mg1 (-amay, -antay; -ami)

Labalaaboodin, walaacid.

0

tarakooma

m dh (daaw.)

Cudur indheed muddo dheer oo la isqaadsiiyo: nooc daran ee infekshinka xoobka indhaha oo uu keeno jermi u dhexeeya fiiruska iyo baktiiriyada oo la yirahdo “chlamydia trachomatis” cudurka wuxu ku badanyahay dalalka kulul.

0

taran

f mg1 (-rmay, -rantay; -rmi)

1. Miro dalag la kariyey badasho. 2. Nafley is dhashay tiradeeda badasho.

0

taran-badan

m l (kiim.)

Iskudhis ka kooban molikuyuullo aad u waaweyn oo ka samaysmay xubno molikuyuuleed oo soo noqnoqday (tarmiyeyaal). Taran badanya-du sida caadiga ah ma laha cuf molikuyuul go'an.

0

taran-foolwaa

m l (xis.)

Taranka laba leeb oo marka la isku dhufto ku siiya foolwaa. tahay Taranka foolwaa ee leebabka A iyo B waxa lagu qeexaa A.B=AB cos theta. Taas oo A iyo B ay yihiin laxaadyada A iyo B, theta-na ay xagasha u dhexeysa labada leeb.

0

taran-jinsi

m l (baay.)

Qaab taran ah oo ku yimaaddo isku beddelka laba unug taran ee dariiqadda bacriminta. Caadi ahaan, gaar ahaan xayawaanku, waxay u baahanyihiin laba waalid, mid lab iyo mid dheddig.

0

taran-leeb

m l (xis.)

Taranka laba leeb oo ku siiya leeb saddexaad. Taranka labada leeb A iyo B waxa loo qoraa AxB, waa leeb laxaaddiisu yahay A B sin theta, taas oo A iyo B ay yihiin laxaadyada A iyo B, theta-na tahay xagasha u dhexeysa A iyo B. Jihada taranka leebka waxa uu ku yahay xaglo qumman leebabka A iyo B.

0

taran-talantaalli-ah

m l

1. (baay.) Meerta nooleed noole, taas oo taranku uu dhaco si talantaalli ah fac walba isaga oo marna u dhaca taran jinsi ah, marka kalena taran jinsilaawe ah. Tus. “Soolantaraata”. 2. (baay.) Ka dhicidda ay ka dhacayaan meerta nololeedka noole dhexdiisa laba ama in ka badan oo qaabab gooni ah, kuwaas oo ku kala duwan muuqaalka, sabada iyo habka taranka.

0

taran-tallaal

m l (baay.)

Qaab taran jinsila' oo ka dhaca dhirta, halkaas oo ay ka samaysmaan dhismayaal gaar ah oo unugyo badanley ah, kuwaas oo harka dambena ka go'a waalidkood. Tus. “Tuyuubar iyo balbka”.

0

tarandac

m l

1. Wax culus ama dhergey oo hadba doc u liicaya, u janjeersanaya. 2. T. ah: qof hanti badan leh oo ku nool nolol raaxo leh.

0

tarandhaaf

f mg1 (-fay, -ftay)

Wax aad u badasho.

0

tarandhaafid

m f dh

ld tarandhaaf¹.

0

taransad

m l

tarrarin

0

taransasho

m f dh

ld taransad.

0

taranso

f g3 (-saday, -satay)

Wax faa'iideysasho ama badsasho.

0

tarantarree

f g

/mg2 (-reeyay, -reysay) 1. (f.g) Laba meelood oo isu dhow isaga socosho. 2. (f.mg) Xoolo xawaaro samayn.

0

tarantarreyn

m f dh

Eeg: tarantarree

0

taranti

m dh

Eeg: tarmid

0

tarantirid

m dh (daaw.)

Qalliin ama hab hawleed kale oo loola qasdiyo in uu keeno madhaleysnimo qof lab ama dhedig ah.

0

tarash

m l

(2).

0

tarashid

m dh

Eeg: taarashid

0

tarbiico

m dh

Iin dadku lugaha ku yeeshaan oo jilbuhu dib u riixmaan.

0

tarbiicsasho

m f dh

Eeg: tarbiicso

0

tarbiicso

f mg3 (-saday, -satay)

1. Si tarbiico leh isu taagid. 2. Derbi in yar isku tiirin.

0

tarbiyad

m dh

Eeg: tarbiyo

0

tarbiyee

f g2 (-yeeyay, -yeysay)

Cid asluub wanaagsan ku barbaarin.

0

tarbiyeyn

m f dh

Eeg: tarbiyee

0

tarbiyo

m dh

Asluub fiican. ld tarbiyad.

0

tarbuush

m l (-shyo, m.dh)

Koofiyad dhuuban oo dhalada ama dhinac bul dheer ka raaraco oo askartii talyaanigu qaadan jireen; waxaa waagii hore raggu ka qaadan jiray dalka Turkiga. ld darbuush.

0

tardhaaf

m l kh

T. ah: xad-dhaaf.

0

tareen

m l (-nno, m.dh)

Gaadiid ka kooban gaariyaal badan oo isku xiriira oo midka u horreeyaa ee wax jiidayaa matoor saaran yahay kuna orda jid bir ah. ld tariin.

0

targal

m l (-llo, m.dh)

1. Sarwaal hoos ka dhuuban oo badanaa fardaha lagu fuulo.2. Sarwaal.

0

tarid

m f dh

ld tar¹ (2).

0

tariib

m l u

Nabarro yaryar oo jirku yeesho oo ka qaado dhirta caanaha leh qaarkood.