0

tabaryar

f mg4 (-raa, -rayd)

Cid aan tabar lahayn ahaansho.

0

tabaryaraan

m f dh

ld tabaryaraansho, tabaryari.

0

tabaryaraansho

m l

/dh ld tabaryaraan.

0

tabaryari

m dh

Eeg: tabaryaraan

0

tabasho

m f dh

Eeg: tabo

0

tabatabbo

m dh

Weel baaquli u eg oo ka samaysan argeeg, dushana aleel looga sharxay oo subagga, oodkaca iwm lagu shubto.

0

tabaxsasho

m f dh

Eeg: tabaxso

0

tabaxso

f mg3 (-saday, -satay)

Qun yar socosho.

0

tabayn

m f dh

ld tabays.

0

tabays

m l

Eeg: tabayn

0

tabbac

f g1 (-cay, -cday; -bici)

Ku t.: cid deeq weyn siin.

0

tabbeello

m dh (-ooyin, m.l)

Loox weyn oo qoraallo ama sawirro macno gaar ah samaynaya lagu muujiyo.

0

tabbicid

m f dh

ld tabbac¹.

0

tabcaan

m l kh

T. ah: qof daal ama xanuun la liita. ld tacbaan.

0

tabcayn

m f dh

Eeg: tabcee

0

tabcee

f g2 (-ceeyay, -caysay)

Cid tabco ku qabasho.

0

tabcid

m dh

Eeg: tacbid

0

tabco

m dh

Hab laba qof oo legdamaya mid midka kale lugtiisa ku maro.

0

tabee

f g2 (-beeyay, -baysay)

Wax xeeladayn.

0

tabeeye

m l (-yayaal, m.dh)

(riw.) Qof hawshiisu tahay muuqdoorinta jilaha masraxa ama filimka.

0

tabiino

m dh

Wax tar hiil iyo hooba leh. ld tamiino, tammiin, tammiino.

0

tabis

m l

Eeg: dabis

0

tabkac

f mg1 (-cay, -cday; -kici)

Dhibaato ka gudbid.

0

tabkicid

m f dh

ld tabkac¹.

0

tabnaan

m f dh

ld tabnaansho.

0

tabnaansho

m l

/dh ld tabnaan.

0

tabo

f g3 (-btay, -batay)

1. Wax la filanayay oo la waayey dib u gocasho. 2. Dhacdo godob ka tirsasho.

0

tabsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Sac ama qaalin lo'aad wax boodid u baahan ahaansho.

0

tabsanaan

m f dh

ld tabsanaansho.

0

tabsanaansho

m l

/dh ld tabsanaan.

0

tacaal

f mg1 (-aalay, -aashay)

La t.: qof buka caafimaadkiisa ku dadaalid.

0

tacaalid

m f dh

ld tacaal¹.

0

tacab

m l

1. Hantida xoogsiga ku timaadda. 2. Hawl; xoogsi; shaqo. 3. ld tacdbid.

0

tacabbir

f mg1 (-ray, -rtay)

1. Dal kale u dhoofid si shaqo looga helo. 2. Haajir.

0

tacabbirid

m f dh

Eeg: tacabbir

0

tacabkhasaaro

m dh

Dadaal miro dhalin la'aan.

0

tacabkordhin

m dh

Wax soo saarka oo la badiyo.

0

tacabla'aan

m dh

Shaqo la'aan.

0

tacablaawe

m l (-wayaal, m.l/dh)

Qof ma shaqayste ah.

0

tacabsoosar

m l

Miraha ka soo baxa hawl la qabtay.

0

tacaddi

m l

Wax lagu kaco oo xaqa weydaarsan; waxyeello; gardarro; xumaa-to. ld dacati.

0

tacaddin

m f dh

Eeg: tacaddiyid

0

tacaddiyid

m f dh

ld dacatin, dacatiyid, tacaddin.

0

tacbaan

m l

Eeg: tabcaan

0

tacbid

m f dh

ld tabac¹, tabcid, tacab¹.

0

tacbiir

m l

/dh Hab wax loo jeediyo ama loo qoro.

0

tacdaar

m dh (dii.)

Neef xoolo ah oo Ilaah dartii loo qalo. ld tadcaar¹, tamcaar¹.

0

tacdaarasho

m f dh

ld tad- caarasho, tamcaarasho.

0

tacdaarid

m f dh

tacdaar². ld tadcaarid, tamcaarid.

0

tacdaaro

f mg3 (-rtay, -ratay)

1. Ku t.: dad badan Alla bari samaysasho. 2. Si wada jir ah wacad u gelid. 3. Sixir furyo samay-sasho. ld tadcaaro, tamcaaro.

0

tacliimi

f g2 (-iyay, -isay)

Cid tacliin barid.

0

tacliimin

m f dh

Eeg: tacliimi

0

tacliin

m dh

Aqoon habaysan oo la barto.

0

tacliinsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Qof tacliin leh ahaansho.

0

tacliinsanaan

m f dh

ld tacliinsanaansho.

0

tacliinsanaansho

m l

/dh ld tacliinsanaan.

0

tacliinxumo

m dh

Waxbarasho la'aan.

0

tacliiq

m l (-qyo, m.dh)

Faahfaahin laga bixiyo arrin, ra'yi iwm.

0

tacluus

m dh

1. Cudur, bugto. 2. Juucjuuc.

0

tacshiirad

m dh

Rasaas koox dad ahi hal mar wada ridaan.

0

tacsi

m dh

1. Hadallo qof laga dhintay loo jeediyo oo lagu samirsiiyo. 2. Lacag loo geeyo qof laga dhintay. 3. Murugo dhawr maalmood loo hayo qof dhintay.

0

tacsiir

m dh

Ganaax.

0

tacsiirid

m f dh

Eeg: tacsiir²

0

tacsiyee

f mg2 (-yeeyay, -yeysay)

U t.: cid laga dhintay hadallo samirsiin ah u jeedin.

0

tacsiyeyn

m f dh

Eeg: tacsiyee

0

tadbiir

m dh

Maamulidda si fiican wax loo maamulo (lacag, arrin iwm).

0

tadcaar

m dh (-rro, m.dh)

Eeg: tacdaar¹

0

tadcaarasho

m dh

Eeg: tacdaarasho

0

tadcaarid

m dh

Eeg: tacdaarid

0

tadcaaro

f mg3 (-rtay, -ratay)

Eeg: tacdaaro

0

taddawur

m l (c.nafl.)

Hab soo korid ah, oo aan hakad lahayn, oo leh horumar gaar ah oo ku xiran waqti go'an.

0

taddawurid

m f dh

ld taddawur¹.

0

tadhah

m l

Kibir iyo isla weynaan ku abuurma qof maal ama darajo uu helay darteed.

0

tadhihi

f g2 (-iyay, -isay)

Qof kibrin.

0

tadhihid

m f dh

Eeg: tadhah²

0

tadhihin

m f dh

ld tadhihis.

0

tadhihis

m l

Eeg: tadhihin

0

taf

m dh (-fo, m.l)

1. Maro dacalkeed. 2. Bowdada inteeda hoose.

0

tafaaful

m l

1. Saadaal xun oo cid lala helo. 2. Sixir; fal. ld tafaawul¹.

0

tafaafulid

m f dh

ld tafaawulid.

0

tafaal

m l (-llo, m.dh)

Wadiiqo yar oo isku xirta laba waddo oo is barbarsocda.

0

tafaariiq

m dh

Iibinta badeeco kis kis loo iibiyo.

0

tafaasiil

m dh u

Faahfaahin.

0

tafaawul

m l

Eeg: tafaaful¹

0

tafaawulid

m dh

Eeg: tafaafulid

0

tafajiid

f mg1 (-day, -dday)

Socod diidmo, gaabin iyo tabar darro ku jirto socosho.

0

tafajiidid

m f dh

ld tafajiid¹.

0

tafantoof

m l

1. Socod dhib iyo luggooyo leh. 2. Dhibaato badan lala kulmo.

0

tafantoofid

m f dh

Eeg: tafantoof²

0

tafaq

f g1 (-qay, -qday)

Wax mudid (qodax).

0

tafaqid

m f dh

Eeg: tafaq

0

tafaraaruq

m l (-qyo, m.dh)

Ismaandhaaf awgiisa loo kala tago. ld tafarruq¹.

0

tafarraruqid

m f dh

ld tafarruqid.

0

tafarruq

m l

Eeg: tafaraaruq¹

0

tafarruqid

m dh

Eeg: tafaraaruqid

0

tafaxaydasho

m f dh

Eeg: tafaxaydo

0

tafaxaydo

f mg3 (-yday, -ydatay)

Maro la xiran yahay kor u laabasho.

0

tafeelin

m dh

1. Badasho roob iwm ay aad u bataan. 2. Buro ama dheeri.

0

tafid

m f dh

Eeg: taf²

0

tafiir

m l (-ro, m.dh)

Ilmaha ay dhalaan waalidku.