0

toobalcaaro

m dh

Wax cid laga soo ergado.

0

tooban

f mg4 (-bnaa, -bnayd)

Wax la toobay ahaansho.

0

toobboon

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax habbon ahaansho.

0

toobboonaan

m f dh

ld toobboonaansho.

0

toobboonaansho

m l

/dh ld toobboonaan.

0

toobe

m l (-bayaal, m.l/dh)

Geed ka soo baxa jirrid dhulka hoostiisa ah, ka dibna bannaanka u soo baxa, isaga oo ka soo baxaya meel ka durugsan jirriddii hore. Waxa suurto gal ah inuu xidid la baxo oo uu geed goonniya noqdo.

0

toobid

m f dh

Eeg: toob²

0

toobin

m l (daaw.)

Koob ama gees go'an oo la kululeeyay marka lagu qabto jirka meel ka mid ah kaddibna soo dhuuqa dhiigga oo jirku soo fooco markaas la sarsaro maqaarka oo dhiig laga keeno, dhiigaas oo loo haysto mid faasid ah sidaasna lagu daaweysmayo.

0

toobin4

m l

1. (bot.) Botani ahaan: dhisme taran oo laga helo ubaxla'da dhexdooda iyo qaar ka mid ah betri dhoofaytayda, loona yaqaanno istaroobilas. 2. (c.nafl.) Dhinaca anatomiga xayawaanka: nooc unug qaabile ah oo xasaasi u ah ilayska, lagana helo ratiinaha lafdhabarleyda dhexdhiisa.

0

toobiye

m l (-yayaal, m.l/dh)

Jid toosan oo aan leexleexad lahayn; waddooyin meel wada taga tan ugu gaaban.

0

toobkac

f mg1 (-cay, -cday; -kici)

Cid dhibaato ka gudbin.

0

toobke

m l

Haruubgaal; gaawe. ld doobi.

0

toobkicid

m f dh

ld toobkac¹.

0

toobnaan

m f dh

ld toobnaansho.

0

toobnaansho

m l

/dh ld toobnaan.

0

toobte

m l

Eeg: doobi

0

tooci

m l

Bannaan furan oo aan lahayn gabbaad.

0

toocin

m f dh

Eeg: tooci²

0

tood

m l kh

Neef irmaan oo aan la maali karin; toojo. ld toojo.

0

tooda

mu lh dh (kuwooda, w)

Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax iyagu (qofka saddexaad ee wadarta ah) ay leeyihiin. Tus. “Tooda u yeel!”.

0

toodibo

m dh

Heegan. ld toodimo.

0

toodimo

m dh

Eeg: toodibo

0

toodoobid

m f dh

Eeg: toodow

0

toodow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Tood noqosho (xoolo).

0

toodraac

m l

Eeg: toodraacid

0

toodraacid

m f dh

ld toodraac¹.

0

toog

m dh (-go, m.l)

1. Kol; mar. 2. In kol naas laga dhiijiyo. 3. Roob yar.

0

tǫog

m dh

1. Aqoonta liishaanka. 2. Arrin fulinteedu hagaagtay ama meelmartay.

0

toogad

m l

Eeg: toogasho

0

toogasho

m f dh

ld toogad.

0

toogaysasho

m f dh

ld toogaysi.

0

toogaysi

m l

Eeg: toogaysasho

0

toogayso

f g3 (-stay, -satay)

Kaltan gelid.

0

tooggo

m dh

Eeg: toogo¹

0

tooghay

f mg2 (-yay, -ysay)

U t.: wax dhicitaankooda u diyaargaroobid.

0

tooghayn

m f dh

Eeg: tooghay

0

toogo

f g3 (-gtay, -gatay)

1. Nafley rasaas ku ridid. 2. Wax liishaamid.

0

tooje

m l

Inta caano naasaha ku jira lisidda ka hor.tooxid

0

toojo

m dh

Neef irmaan aan si fiican loo fara barin oo dhib iyo shiddo lagu liso; aan hebed ahayn. ld tood¹.

0

tookh

m l

Faan, ammaan.

0

tookhid

m f dh

Eeg: tookh²

0

toolin

m l kh

T. ah: caano la soo uruuriyey oo la siiyo reero aan xoolo u irmaanayn.

0

toolmoon

f mg4 (-naa, -nayd)

1. Qof laf iyo hilib isla eg leh oo qurxoon ahaansho. 2. Arrin habboon in la yeelo ahaansho. ld toolmoonsan.

0

toolmoonaan

m f dh

ld toolmoonaansho, toolmooni, toolmoonsanaan.

0

toolmoonaansho

m l

/dh ld toolmoonaan.

0

toolmoonayn

m f dh

Eeg: toolmoonee

0

toolmoonee

f g2 (-neeyay, -naysay)

Wax qurxin ama hagaajin.

0

toolmooni

m dh

Eeg: toolmoonaan

0

toolmoonsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: toolmoon

0

toolmoonsanaan

m dh

Eeg: toolmoonaan

0

toolmoonsanaansho

m l

/dh ld toolmoonaan.

0

toomigaan

m l (-nno, m.dh)

Nooc buntukhda ka mid ah oo darandoori u dhaca.

0

toomman

m l kh

T. ah: bishu marka ay 29 beri ku dhammato.

0

toon

m dh

1. Dhir urursan oo meel ku wada taal. 2. Geed yar oo buruqdisu ka mid ah kuwa cuntada lagu darsado oo lagu carfiyo.

0

toonbaakh

m dh

Eeg: tubaako

0

toor

m l

1. Beer iyo hilib la yar yareeyey oo la isku shiilay. 2. Bun duban, caano, daango iwm oo la isku daray.

0

tooran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

1. Bun, daango, caano iwm wax la isku daray ahaansho. 2. Beer, hilib iyo xayr wax la isku shiilay ahaansho.

0

toorasho

m f dh

Eeg: tooro

0

tooratoore

m l (-rayaal, m.l/dh)

Bir dhuuban oo meel la qabsado leh oo buntukha lagu cabbeeyo.

0

toorayn

m f dh

Eeg: tooree

0

toore

m l (-rayaal, m.l/dh)

1. Waddo yar oo xooluhu bixiyeen. 2. Raad xoolo badan oo is daba socda sameeyaan.

0

tooree

f mg2 (-reeyay, -raysay)

1. Nafley toore samayn. 2. Xoolo badan si isdaba joog ah u socosho.

0

toorid

m f dh

Eeg: toor²

0

toornaado

m dh (juqr.)

Dhulka Guinea ee Afrikada-galbeed, waa duufaan xoog leh oo badanaa loo yaqaan “tornaadada Afrikaanka”. Waxay ka kooban tahay dabayl cod leh oo ka timid dabayl onkod xoog leh, waxay inta badan ku bilaabantaa si kedis ah waqti yarna ku eg, laakiin waxay geystaa burbur weyn dhulka iyo baddaba, waxa inta badan la socda roob biyo dhaca.

0

toornaan

m f dh

ld toornaansho.

0

toornaansho

m l

/dh ld toornaan.

0

tooro

f g3 (-rtay, -ratay)

1. Bun duban caano, daango iwm ku darasho. 2. Beer, hilib iyo xayr isku shiilasho.

0

toorrey

m dh (-yo, m.l)

Mindi af godan leh oo labada dhinac wax ku goysa, caarad dhuuban, daab xardhan oo gees ama caag ka samaysan iyo gal leh oo raggu qaato. ld toorri.

0

toorri

m dh

Eeg: toorrey

0

toos

m l

1. (fk) T. u soco: qalqallooc iyo leexleexad la'aan u soco. 2. ld toosid.

0

toosan

f mg4 (-snaa, -snayd)

1. Wax aan qallooc ama leex-leexad lahayn ahaansho. 2. Wax aan qalad lahayn ahaansho.

0

toosi

f g2 (-iyay, -isay)

1. Nafley hurdo ka kicin. 2. Wax qallooc ka bi'in. 3. Cid qalad ka leexin.

0

toosid

m f dh

ld toos¹ (2).

0

toosin

m f dh

Eeg: toosi

0

toosnaan

m f dh

ld toosnaansho.

0

toosnaansho

m l

/dh ld toosnaan.

0

tootir

m dh

1. Xiddig aan saadaal wanaagsanayn. 2. Hilib jilicsan ee ka laallaada shaqfasha dadka da'da ah.

0

toox

m l

1. Ballac, baaxada, ballaar. 2. ld tooxid.

0

tooxan

f mg4 (-xnaa, -xnayd)

1. Wax la tooxay ahaansho. 2. Wax godan ahaansho.

0

tooxasho

m f dh

Eeg: tooxo

0

tooxi

f g2 (-iyay, -isay)

Qaanso boqon ku giijin.

0

tooxid

m f dh

ld toox¹ (2). 813tooxin

0

tooxin

m f dh

Eeg: tooxi

0

tooxnaan

m f dh

ld tooxnaansho.

0

tooxnaansho

m l

/dh ld tooxnaan.

0

tooxo

f g3 (-xday, -xatay)

Qaanso boqon ku giigsasho.

0

tooxsasho

m f dh

ld tooxsi.

0

tooxsi

m l

Eeg: tooxsasho

0

tooxso

f mg3 (-saday, -satay)

Qof hawl keli qabasho.

0

tooxweyn

m dh (-nno, m.dh)

Nooc maryaha la guntado ka mid ah oo ballac weyn leh.

0

tooyasho

m f dh

Eeg: tooyo

0

tooyo

f g3 (-yaday, -yatay)

Cid haybteeda weyddiin.

0

toqfal

m dh (-llo, m.dh)

Shaqfal.

0

toqli

f g2 (-iyay, -isay)

Qof meel uu ka xanxantoonayo ka taabasho.

0

toqlin

m f dh

ld toqlis.

0

toqlis

m l

Eeg: toqlin

0

toqlo

m dh

Xatxatada qofka jirkiisu dareemo.

0

toqloo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Toqlo dareemid.

0

toqlood

m f l

Eeg: toqloo

0

torobosfeer

m l (juqr.)

Lakabada hoose ee gibilka, sida kuwa ka hooseeya toraatosfeerka, kuwaasoo ka soocan torobosfeerka, wuxuu dherer ahaan fidsanyahay 11 Km ilaa oogada dhulka ee jiidda dhexdhexaadka ah.