Words starting with 'T'
1,581 Somali words beginning with 'T' — page 12 of 16.
tirsiimo
Abyooneyaasha togan ee 1 ,2 ,3... ayaa lagu magacaabaa tirooyinka tirsiimo, waxa kale oo la yiraahdaa tirooyinka wax lagu tirsado ama abyooneyaasha togan (eeg abyoone).
tirsiis
Xoolaha inteeda dheddig ee xilliga rimi karta.
tirso
/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Wax xisaabasho. 2. (f.g) Ka t.: cid xumaan u geysasho. 3. (f.g) Ka t.: cid xil kala wareegid. 4. (f.mg) La t.: qof la caytamid.
tirtire
1. Geed mayrax ka samysan oo kolka cunnada la cuno faraha lagu tirtiro. 2. Wax kasta lagu tirtiro.
tirtirsii
Ku t.: qof wax ku khasbid.
tis
meel isugu keenid.
tisqaadid
ld tisqaad¹.
tix
1. Ereyo qaafiyad iyo miisaan leh. 2. Gabay dhowr beyd ka kooban.
tixgeli
Cid qaddarin.
tixgelin
ld tixgelis.
tixinti
Waddo yar oo ka samaysanta halka ay marto quraanjada.
tixnaansho
/dh ld taxnaan.
tixraacid
ld tixraac¹.
tiyaaqid
ld tiyaaq¹.
tiyaatar
Gole leh gaab wax lagu jilo iyo fadhi daawadayaal.
tiyin
Xayr hargaha la mariyo oo lagu jilciyo.
toban
Tirada u dhexeysa sagaal iyo koob iyo toban; “10”. ld toman.
tobanaad
Tirada jagaale, keeda u dhigma tobanka. ld tobnaad.
tobaneeye
Tiro qiyaasteedu toban ku dhowdahay. ld tobaneeyo.
tobanle
Warqad turub oo ay ku sawiranyihiin toban calaamadood.
tobbog
1. Geedaha mid ka mid ah 2. Qof dheer oo jirkiisu isku tigtigan.
tobbogsan
Qof dheer oo jirkiisu isku tigtiganyahay ahaansho.
tobbogsanaan
ld tobbogsanaansho.
tobograafiyo
1. Qoraal faaahfaafsan iyo muuqaallo muujinaya dhismaha iyo samayska dhul gaar ah. 2. Cilmiga lagu barto qaab dhismeedka dhulka. ld tobograafiyad.
toddob
Roobka ugu horreya uu gu'ga da'a.
toddoba
Tirada lixda iyo siddeedda u dhexeysa; “7”. ld toddobo.
toddobaad
1. (t.j) Tirada jagaale, keeda u dhigma toddobada. 2. Toddoba beri oo isku xigta.
toddobaadle
Joornaal, wargeys iwm oo toddobadii beri mar soo baxa.
toddobaale
Warqad turub oo ay ku sawiranyihiin toddoba calaamadood.too¹
toddobaatameeye
Tiro toddobaatan ku dhow. ld toddobaatameeyo.
toddobaatan
Tiro ka kooban toddoba meelood oo min toban ah; “70”.
toddobaatanaad
1. Tirada jagaalaha ah, kan u dhigma toddobaatan. 2. Sannada-ha u dhexeeya toddobaatanka iyo siddee-tanka. ld toddobaatamaad.
toddobabax
Xaflad laba qof oo is aroosay toddoba beri kaddib loo sameeyo.
toddobabixi
Laba qof oo is aroosay toddobaadkii arooska u shaqayn.
toddobabixin
ld toddobabixis.
toddobamaggaarto
Cudur dadka iyo xoolaha ku dhaca, murqaha iyo seedaha kojiya oo si dhaqso ah u dila; kojiye; teetano.
tog
Meel godan oo biyo mareen ah.
tog-yare
(juqr) Meel hoos u dhax dhuuban oo dheer oo laga helo dhulka dushiisa, oo ka yar dooxo kana ballaaran qaranqaar.
togan
Wax la togay noqosho.
togane
Tiro xisaabeed oo eber ka badan.
togayo
1. Soocidda. 2. Wax middooda xulka ah.
tognaan
ld tognaansho.
tognaansho
/dh ld tognaan.
togo
1. Xoolo iwm oo meel tuban wax ka doorasho. 2. Xarig iwm jiidasho.
togox
Dhexyaraanta qof dhex yaryahay.
togtogan
Teetano.
tol
1. Dad xiriir wada dhalasho amo sheegasho ka dhexeeyo. 2. Qaran.
tolan
Liilan dheer oo saamaha laga jeexo oo kabaha lagu tolo. ld tolon.
tolay
Weel qabo (geed), caw, argeeg iwm ka samaysan. ld tolayo.
tolee
Wax tolka leeyahay ka dhigid.
tolid
ld tolniin.
tolla'aan
1. Qaraabo la'aan. 2. Kaalmo la'aan.
tolla'ay
Hayaay!, waawareey!, ciidamoow!
tolliimo
1. ld tolmo. 2. ld tolnimo.
tolmo
Tolidda wax la tolo. ld tolliimo, tolniin.
tolnaan
ld tolnaansho.
tolnaansho
/dh ld tolnaan.
tolniin
; tolmo.
tolnimo
Tol ahaansho. ld tolliimo.
tolo
Laba wax oo kala go'an ama kala dillaacsan wax iskula qabsasho.
tolow
Qof tolkisii ka carooday tol kale ku biirid.
tolweyne
1. Tol badan intiisa curaddada ah. 2. Qabiilka oo dhan. 3. Dad isku dan, diin, iyo mabda' ah; qaran.
too
kuwo, w 1. Magacuyaal aan cayinnayn oo dhaddig ah oo cid ama wax maqan tilmaama. 2. ld mid. Tus. “Roob iyo barwaaqo toona ma arag”.
Too
Mgacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax qofka hadlaya aad uga fog oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado.
toob
1. Oogada, inta la saro, toobin dhiig kaga keenid. 2. Soo jiidid, soo uruurin; soo yarayn.
toobad
U noqosho Ilaahay addeciddiisa loo noqdo. ld tawbad.
toobadkeen
1. T. ah: qof toobadkeenaya. 2. ld toobadkeenid.
toobadkeenid
ld toobadkeen¹ (2).
toobadla'aan
Ku sugnaanta lagu sugnaado cibaado la'aan.

