0

t

m dh

Xarafka sagaal iyo tobnaad ee alifka soomaalida, waana shibbane.

0

ta

mu ti dh

kuwa, w Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Tus. “Ta timid waa Caasho”. ld tan¹.

0

ta'wiil

m l

1. Fasirashada uu qofi fasirta wax, isagoo ku saleynaya xaqiiq jirta. 2. ld ta'wiilid.

0

ta'wiilasho

m l

/dh eeg ta'wiilo.

0

ta'wiilid

m f dh

'wiil². ld ta'wiil¹ (2).

0

ta'wiilo

f mg3 (-iishay, -iilatay)

Wax fasirasho.

0

taa

mu ti dh (kuwaas, w)

Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax qofka hadlaya ka fog oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. Tu. “taa soo socota waa Hodan”. ld taas¹

0

taa'ib

m l kh

Qof toobad la yimid oo wixii hore ka soo noqday.

0

taa'ibid

m f dh

'ib.

0

taab

m l (-bab, m.l)

1. Xargo isweydaarsan oo gadawga wadaanta iyo dhiilaha loo yeelo si markay buuxaan loogu qaado. 2. Agagaarka guriga. 3. Ubaxa ka soo baxa geedka digirta inta uusan miro yeelan. 4. ld taabid.

0

taabac

f g1 (-cay, -cday; -bici)

1. Cid raacid. 2. Socod dheereyn ku jirto socosho.

0

taabacsan

f g4 (-naa, -nayd)

Qof kale raacay ahaansho (qof, wax).

0

taabacsanaan

m f dh

ld taabacsanaansho.

0

taabacsanaansho

m l

/dh ld taabacsanaan.

0

taabad

m l

Eeg: taabasho¹

0

taabasho

m f dh

ld taabad.

0

taabbaggal

f mg1 (-alay, -ashay; -geli)

Wax meel maray ama hirgalay ahaansho.

0

taabbaggeli

f g2 (-iyay, -isay)

Wax, wax meel mar ah, ka dhigid.

0

taabbaggelid

m f dh

ld taabbaggal¹.

0

taabbaggelin

m f dh

Eeg: taabbaggeli

0

taabbaggud

f mg1 (-day, -dday)

Wax meel marid.

0

taabbaggudi

f g2 (-iyay, -isay)

Wax meel marin.

0

taabbaggudid

m f dh

ld taabbaggud¹.

0

taabbaggudin

m f dh

Eeg: taabbaggudi

0

taabbaqaad

f mg1 (-day, -dday)

1. Qaangaarid. 2. Wax, wax ku ool ah noqosho.

0

taabbaqaadid

m f dh

Eeg: taabbaqaad

0

taabicid

m f dh

ld taabac¹.

0

taabid

m f dh

ld taab¹ (4).

0

taabo

f g3 (-btay, -batay)

1. Jir, derbi iwm aayar gacan u saarid. 2. Arrin iwm in yar ka sheegid.

0

taabsii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Gacan aayar wax u saarid.

0

taabsiin

m f dh

ld taabsiis.

0

taabsiis

m f dh

Eeg: taabsiin

0

taabuul

m l (muus.)

Magaca la siiyo durbaannada (nasar) loo adeegsado ciyaar-ta nuumbiga.

0

taacug

m l

Geed yar oo ubax qurux badan leh.

0

taada

mu lh dh (kuwaaga, w)

Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax adigu (qof-ka labaad ee kelida ah ee lahadlaha ah) aad leedahay. Tus. “Taada ayaa qurux badan”.

0

taadhisaar

m l

Dumar ama xoolaha kale oo umula iyagoo weli nuujinaya.

0

taadhisaarid

m f dh

Eeg: taadhisaar²

0

taag

m dh

1. Xoog; itaal. 2. Karti; maaro.

0

tąag

m l (-gag, m.l)

1. Cudur sababa adkaanta addimaha. 2. ld taago. Meel dhulkeedu sarreeyo; buur; kood.

0

taag-dhuleed

m l (-dyo, m.dh)

(juqr.) Laab-ka kor u kacsan ee buuraha laalaabka, oo ilaa dhawr kiilomitir kala baxsan.

0

taagan

f mg4 (-gnaa, -gnayd)

1. Wax la togay ahaansho. 2. Wax ama qof aan socon ahansho.

0

taagdaran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Qof tabar yar ahaansho.

0

taagdarnaan

m f dh

ld taagdarnaansho, taagdarni, taagdarno.

0

taagdarnaansho

m l

/dh ld taagdarnaan.

0

taagdarni

m dh

Eeg: taagdarnaan

0

taagdarno

m dh

Eeg: taagdarnaan

0

taagdarree

f mg2 (-reeyay, -reysay)

Tabar yarayn (cid).

0

taagdarreyn

m f dh

Eeg: taagdarree

0

taageer

f g1 (-ray, -rtay)

Qof wax tarid ama kaalmayn. ld teegaar.

0

taageere

m l (-rayaal, m.l/dh)

Qof wax ayida ama taageera; ayidsane. ld teegaare.

0

taageerid

m f dh

ld taageero, teegaarid, teegaaro.

0

taageero

m f dh

Eeg: taageerid

0

taagid

m f dh

Eeg: taag²

0

taagnaan

m f dh

ld taag-naansho.

0

taagnaansho

m l

/dh ld taagnaan.

0

taago

m dh (-ooyin, m.l)

Dhul yara sarreeya. ld tąag (2).

0

taagsad

m l

Eeg: taagsasho

0

taagsasho

m f dh

ld taagsad, taagsi.

0

taagsi

m l

Eeg: taagsasho

0

taagso

f mg3 (-saday, -satay)

1. Tabar yeelasho. 2. Qun yar socosho.

0

taah

m l

Cod tabar yar oo aan kala soocnayn oo qofka buka ka soo baxa.

0

taahid

m f dh

788

0

taaj

m l (-jaj, m.l)

Qalab qaab koofiyadeed leh oo dahab, lacag iwm ka samaysan oo boqorrada madaxa loo suro.

0

taaj-belel

m l (-llo, m.dh)

(c.fal.) If ku wareegsan qorraxda oo laga arki karo girgirka madow ee dayaxa marka uu dhaco dayax madoobaad buuxa.

0

taaji

f g2 (-iyay, -isay)

Qof ama wax meel istaajin.

0

taajin

m f dh

ld taajis.

0

taajir

m l kh (-rro, m.dh)

T. ah: qof maal ama hanti badan leh.

0

taajirid

m f dh

Eeg: taajir²

0

taajirnimo

m dh

Faajir ahaansho.

0

taajis

m l

Eeg: taajin

0

taakalleel

m l

Tallan; wiswis; shaki.

0

taakee

f g2 (-keeyay, -keysay)

1. Wax taako ku cabbirid. 2. Wax taako u dhigid. ld taaki.

0

taakeyn

m dh

ld taakin.

0

taakh

m l

Wax qof waqti ka lumiya ama seejiya faa'ido; luggooyo.

0

taaki

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: taakee

0

taakin

m f dh

Eeg: taakeyn

0

taakiso

m dh

Jaad diir diirta ka mid ah oo la moodo markay soconayso inay wax taakinayso.

0

taako

m dh (-ooyin, m.l)

1. Cabbiraadda suulka gacanta iyo fardhexaadda oo fidsan u dhexeysa. 2. Wax, wax kale lagu hakiyo.

0

taakul

f g1 (-ulay, -ushay)

Cid kaalmo siin. ld taakulee.

0

taakulayn

m dh

Eeg: taakulid

0

taakulee

f g2 (-leeyay, -leysay)

Eeg: taakul

0

taakulid

m f dh

taakul. ld taakulayn, taakulo.

0

taakulo

m dh

Eeg: taakulid

0

taalaasemiiya

m dh (daaw.)

Cudur dhiigga ku dhaca oo la iska dhaxlo, kuna badan dalalka badda dhexe, Eeshiya iyo Afrika; waxaan caadi ahayn qaybta borotiinka ee heemogolobiinka. Unugyada cascas ee cudurku saameeyo caadi uma shaqeyn karaan, waana burburaan, taas oo keeneysa dhiig yari.

0

taallaquf

f g1 (-fay, -ftay)

Raaf dhul ku xoqid si uu u guulo dibi kale (dibi).

0

taallaqufid

m f dh

Eeg: taallaquf

0

taallatiriyaad

m dh (-dyo, m.l)

Dhagxaan tiro badan oo sida buur yar u habaysan oo dadkii hore xabaasha madaxdooda ku dhisi jireen.

0

taallaxusuuseed

m dh

Taallo wax lagu xusuusto.

0

taallayn

m f dh

Eeg: taallee

0

taallee

f g2 (-leeyay, -laysay)

Wax isku kor tubid.

0

taallo

m dh (-ooyin, m.l)

1. Dhis ama wax korka la iska saarsaaray oo kor loo dheereeyey. 2. Dhis lagu muuneeyo oo lagu xusuusto wax dhacay oo taariikh leh, ama qof, wax weyn oo waxtar ah, oo aan la illawi karin, dadkiisa ama dalkiisa u sameeyey. Tus. “T. xusuuseed”.

0

taaloog

m l

Hab timaha ragga loo xiiro oo diillin ballaaran oo qurxoon laga muujiyo jeegada hoose ilaa labada dhegood dushooda.

0

taaloogan

f mg4 (-gnaa, -gnayd)

Wax taaloog leh ahaansho (qof).

0

taaloogasho

m f dh

Eeg: taaloogo

0

taaloogid

m f dh

Eeg: taaloog²

0

taaloognaan

m f dh

ld taa- loognaansho.

0

taaloognaansho

m l

/dh ld taaloognaan.

0

taaloogo

f g3 (-oday, -otay)

Taaloog samaysasho (qof).

0

taam

m l kh

T. ah: wax kaamil ah oo aan wax ka maqnayn.

0

taambuug

m l (-gyo/taambuug, m.dh)

Teendho.