teedi
Ood, qoryo iwm xiriir isu dhigid. ld teed².
teedin
ld teed¹ (3), teedid.
teedsan
Wax si taxan la isu daba dhigay ahaansho.
teedsanaan
ld teed- sanaansho.
teedsanaansho
/dh ld teedsanaan.
teelee
Cunto si habsami leh u qaybin.
teeleyn
ld teelo.
teello
Abaal.
teelteel
T ah.: kala durugsan, midba meel ku yaal. ld talanteel¹.
teelteelid
ld talanteelid.
teendho
Aqal shiraac ah oo loogu talaggalay in degdeg loo dhiso, loona furfuro ama loo raro oo tiirar iyo xargo leh.
teenis
Cayaar laba qof ama ka badan ku tartamaan iyaga oo laba kooxood isaga soo horjeeda oo ku cayaaraya garoon sibir ah oo leh shabag dhexda ah iyo kubbad abuu- cudbi ah.
teenna
Maga-cuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayo ay ku jiraan) aannu leennahay.
teer
Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax ama cid hadlaha ka fog yarana jaahiisa ka babcan lagu tilmaansado. Tu. “Cali wuxuu rabaa inuu la hadlo teer timid hadda”.
teeri
Waran weyn; kaal.
teeriyotambuur
Cudur ku dhaca qanjirrada dhuunta oo barariya; qaamow- qanshiir.
teermokimistari
Laanta kimistariga ee la xiriirta kulka falgalka, cokanoobidda, hoor-qaadasho iwm.
teershari
Erey ay qaar jiyoolojiyiin ah u isticmaalaan laba hormo qeybeed oo hore ama waqtiyo waagii kaynosoyik ee qiyaasta waqtiga jiyoolojiga, kana horraysay (waaxed-quartenary) oo fidsan laga ilaabo ilaa 7 milyan oo sano ilaa hal milyan oo sano ka hor.
teersi
Dhir ka kooban geedo gaagaaban iyo geedcawsaad.
teesaro
Warqad aqoonsi ee qof leeyahay.
teetane
Cudur togtoga muruqyada maskaxdana waxyeeleeya oo ka dhasha sun uu dhaliyo jeermiska klostiridiyuum teetanuus.
teetano
Kujisu. ld teetane.
tefiir
Meesha wax ka soo unkamaan, isir.
tegid
ld tegis.
tegniko
Farsamo gacanta laga qabto.
tegnoloji
Cilmiga farsamada ama sancada horumarka leh. ld tegnolojiyo.
tejil
Awr ama nafley oo xoog badan.
tel
Seri; xasaw.
telef
T. ah: aan caaqibo dambe la-hayn.
telefishen
Raadiyaha la iska arko. ld telefisyoon.
telefooniiste
1. Qof aqoon u leh farsamada teleefoonka. 2. Qof ka shaqeeya xiriirinta teleefoonka.
telekis
Aalad wararka la isugu tabiyo oo awtomatig ah.
tembi
Kutub ka mid ah kutubta axkaamta islaamka.
temmadi
Ku t.: meel u socosho.
temmedi
Wax qiimayn.
temmin
Qiime, sicir. ld tammin¹.
temminid
ld tamminid.
teneg
1. (Tunuug, m.dh) Weel bir ah oo wax lagu shubto. 2. T. ah: qof nacas ah.
teyoodhalayt
(c.fal.) Aalad loo isticmaalo qiyaasta fogaan xagleedka kacsan iyo tan fuqa ah, waxana lagu sameeyaa diirad, taasoo dhaqdhaqaaqeeda si sax ah loo xukumi karo.
teys
Orgi.
teysali
Jaad ka mid ah geedaha.
teyso
1. Xilli barwaaqo ah oo guga bartamihiisa ku abbaaran. 2. Barwaaqo.
tib
Ul weyn oo siyaalo kala duwan loo isticmaalo, badarkana lagu tumo.
tibaax
/dh (-xyo, m.dh) 1. War aan xaqiiqdiisa la hubin. 2. Qaabka xisaabta aljebriga. 3. ld tibaaxid.
tibaaxid
ld tibaax¹ (3).
tibee
1. Qof tib ku garaacid. 2. Wax tib ku tumid.
tibix-guud
1. (xis.) Guud ahaan, qayb ka mid ah isle'eg ama tibaax-xisaabeed. Marka laga hadlaayo tibxaale tibixyadu waa tibaaxaha oo la isugeeyo. 2. (xis.) Tibixda guud ee susun ama dareerin waa tibaax la hoos dhigay abyoone, kaas oo lagu helo geleye kasta ee rabo.
tiblabood
Qarnugeyl.
tibsi
Saxan macdan ama maar ka samaysan, ballaaran oo cuntada lagu cuno.
ticisi
Nooc ka mid ah qaadka oo ka yimaada magaalada Ticis ee dalka Yemen.
tidcan
Timo, xarig iwm wax la tidcay noqosho.
tidcanaan
ld tidcanaansho.
tidcanaansho
/dh ld tidcanaan.tiifowga maqaarka
tidcid
ld tidic¹.
tidco
1. Xarig soohasho. 2. Timo tidcasho.
tidic
1. ld tidac. T. ah: wax tidcan. 2. ld tidcid.
tif
/l 1. (-faf, m.l) T. ah: wax buuxa oo aan dhinnayn. 2. Cad ama daliig dun ah ama caws. 3. Dhibcidda.
tifaftir
War iwm si bayaan ah oo qeexan u sheegid.
tifaftiran
Wax la tifaftiray ahaansho.
tifaftirane
Curiyaha la tifaftiro sida “ninkan” (“nin” ayaa ah midka tifaftiran).
tifaftire
Curiye tifatira mid kale (tus.: ninkan, “kan” ayaa tifaftire ah).
tifaftirid
ld tifaftir¹.
tifaftirnaan
ld tifaf-tirnaansho.
tifaftirnaansho
/dh ld tifaftirnaan.
tifan
Wax la tifay ahaansho.
tifiq
Dhibicda dhiciddeeda ama iyada lafteeda.
tifnaan
ld tifnaansho.
tifnaansho
/dh ld tifnaan.
tifqid
ld tifiqlayn, tifleyn, tifqaamid.
tifrin
Rimid waqtiga uu da'o roobka ugu horreeya (xoolo).
tiftif
Nin ciidan ka tirsan oo dhar cad ah oo dadka dabagala; jaajuus.

