0

talajirid

m f dh

Eeg: talajir

0

talal

m l

Taah.

0

talalid

m f dh

Eeg: talal²

0

talambaabo

m dh

Wax si joogto ah uga fe-kerid.

0

talantaalli

m l

1. Wax si kala googo'an oo waqti u dhexeeyo u dhaca. 2. Laba xaglood oo isla eg oo iska soo horjeeda.

0

talanteel

m l

Eeg: teelteel¹

0

talanteelid

m dh

Eeg: teelteelid

0

talaqaadasho

m f dh

Eeg: talaqaado

0

talaqaado

f mg3 (-aatay, -aadatay)

Waano qaadasho.

0

talarraac

m l

Qof madax adkayn oo talada si sahlan u qaata.

0

talasaarad

m l

talmas

0

talasaarasho

m f dh

ld tala- saarad.

0

talasaaro

f g3 (-rtay, -ratay)

Cid arrin u wakiilasho.

0

talaxgab

f mg1 (-bay, -btay)

Nafley jirro awgeed la tamardhigid.

0

talaxgabid

m f dh

ld talaxgab¹.

0

talaxtag

f mg1 (-gay, -gtay; -tegi)

Ku t.: wax aad ugu xadgudbid.

0

talaxtegid

m f dh

Eeg: talaxtag

0

taleefan

m l (-nno, m.dh)

1. Qalab hirar birlab danabeedka ku qaada silig oo leh qayb hadalka dirta iyo mid qabata oo ay ku wada hadlaan laba qof oo kala fog. 2. Hadalka taleefoonka la isku gaarsiiyo. ld telefoon.

0

talfiiq

m l

Qoryo yaryar oo caarad dhuuban oo wax mudda leh.

0

tali

f mg2 (-iyay, -isay)

1. U t.: cid meel xukumid. 2. Ka t.: meel xukunkeeda qabsasho. 3. Ku t.: arrin talo ka bixin.

0

talin

m f dh

ld talis.

0

talis

m l

Eeg: talin

0

talis-rageed

m l (-syo ..., m.dh)

(bul.) Habka ay raggu leeyihiin awoodda sare, ama ay muhim u yihiin mujtamaca dhexdiisa.

0

taliswadaag

m l (-gyo, m.dh)

Kalo qaysashada awoodda.

0

taliye

m l (-yayaal, m.l/dh)

Qof qayb ciidan ah madax u ah.

0

tallaab

f mg1 (-bay, -btay)

Meel dhanka kale uga gudbid. ld tillaab.

0

tallaabi

f g2 (-iyay, -isay)

Wax meel ka gudbin. ld tillaabi.

0

tallaabid

m f dh

ld tillaabid.

0

tallaabin

m f dh

ld tallaabis, tillaabin, tillaabis.

0

tallaabis

m l

Eeg: tallaabin

0

tallaabo

m dh (-ooyin, m.l)

1. Fogaanta u dhexeysa meesha ay kala taagan yihiin laba lugood ee qof soconaya. 2. T. qaad: arrin wax ka qabasho. 3. (fk) T.t.: tartiib tartiib. ld tillaabo.

0

tallaabsad

m l

Eeg: tallaabsasho

0

tallaabsaddex

m dh

1. Tallaabada ugu dheer. 2. Wax qof karaankiisa dhaafsan.

0

tallaabsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Ka t.: wax meel kale ka shisheeya ahaansho.

0

tallaabsanaan

m f dh

ld tallaabsanaansho, tallowsanaan, tallow-sanaansho.

0

tallaabsanaansho

m l

/dh ld tallaabsanaan.

0

tallaabsasho

m f dh

ld tallaabsad, tallaabsi, tillaabsad, tillaab-sasho.

0

tallaabsi

m l

Eeg: tallaabsasho

0

tallaabso

f mg3 (-saday, -satay)

1. Tallaabo qaadid. 2. Ka t.: wax ama qof ka kor gudbid. 3. Ku t.: wax qabashadooda ku dhaqaaqid. tillaabso. 4. U t.: wax qabashadooda u gudbid. ld

0

tallaahi

e d (dii.)

Erey lagu dhawaaqo marka la dhaaranayo.

0

tallaajad

m dh (-do, m.l)

Qaboojiye.

0

tallaal

m l (-llo, m.dh)

1. Malaxda ka samysan cudur keenayaasha oo dhimaty oo oogada la geliyo ama lagu mudo, si cudur looga hortago oo guri looga noqdo. 2. Hawsha ama farsamada tallaalka lafteeda. 3. Geed yar oo meel laga rujiyo oo meel kale lagu beero. 4. Laba geed oo kala jaad ah oo inta mid laan ama cad laga gooyo midka kale dhexdiisa la geliyo oo lagu xiro, si labada geed u midoobaan oo inino hor leh oo kuwii hore ka wanaagsan u dhalaan.

0

tallaalan

f mg1 (-lmay, -lantay; -lmi)

Wax la lallaalay noqosho.

0

tallaalid

m dh (daaw.)

Hab loo sameeyo ama loo kiciyo difaaca jirka oo liddi cudur ku ah iyadoo la adeegsanayo “tallaal”, ama diyaarin khaas ah ee walax antiijineed oo kicineysa sameynta antiiboodhiga ku ha-boon.

0

tallaalmid

m f dh

eegtallaalan¹.

0

tallaalnaan

m f dh

ld tallaal- naansho.

0

tallaalnaansho

m l

/dh ld tallaalnaan.

0

tallamid

m f dh

ld tallan¹ (2).

0

tallan

m l

1. Laballaabow; shaki; walaac. 2. ld tallamid.

0

talleeji

m dh

Eeg: kalleeti¹

0

talli

m l u

Saaruq.

0

tallooji

m dh

Eeg: kalleeti¹

0

tallowsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: tallaabsan

0

tallowsanaan

m dh

Eeg: tallaabsanaan

0

tallowsanaansho

m l

/dh ld tallaabsanaan.

0

talmas

m l (-syo, m.dh)

(c.nafl.) Qayb ka tirsan maskax-horaadka lafdhabarleyda oo ku taalla aybotalamaska korkiisa. Waxay wararka dareenka u gudbisaa lakabyaga maskax horaadka, waxa kale oo ay ku shuqul 795talo leedahay u beddelidda gujooyinka dareemo wacyi leh.

0

talo

m dh (-ooyin, m.l)

Fikrad wax ku ool ah oo cid tuseysa sidii uu wax u qabsaan lahaa.

0

talqiin

m l

1. (dii.) Hadallo duco iyo dardaaran isugu jira oo qof dhintay xabaashiisa lagu kor akhriyo. 2. Qof sakaraad ah oo towxiidka loo laqimayo. ld taqliin.

0

taltaal

f g1 (-aalay, -aashay)

1. Cid hawl ay hayso ka jeedin. 2. Balaayo cid ku dhicid.

0

taltaalid

m f dh

Eeg: taltaal

0

taltalliini

m l

/dh (riw.) Aktarka majaajillada sameeya oo dadka ka qososhiya.

0

taluul

m dh

Boor, qiiq iwm oo samada isku taaga.

0

taluulan

f mg1 (-lmay, -lantay)

Boor, qiiq iwm wax kor isu taagay noqosho.

0

taluulid

m f dh

Eeg: taluul²

0

taluulmid

m f dh

Eeg: taluulan¹

0

taluulnaan

m f dh

ld taluul- naansho.

0

taluulnaansho

m l

/dh ld taluulnaan.

0

tamanda'

m l

Hadal aan madax iyo manjo midna lahayn; cantar.

0

tamandho

m dh

Yaanyo.

0

tamandi'id

m f dh

'².

0

tamar

m dh (fiis.)

Summad: E. Astaanta qabashada hawl. T.ta waxay leedahay dhawr qaab, waxana lagu cabbiraa juul (J) (eeg t. keyd iyo t. socod). ld tabar.

0

tamar-bu'eed

m dh (fiis.)

Tamarta la sii daayo, marka uu dhaco ama dhanballan bu'eed ama isudheg bu'eed.

0

tamar-dabareed

m dh (fiis.)

Tamarta la bixiyo marka dabar elektaroon-wadaag ihi ka dhex samaysmo laba atam oo madax bannaan.

0

tamar-isuhayn

m dh (fiis.)

Tamar le'eg iin cufaadka bu'da, ee ay bu'du bixiso, marka uu dhanballan ku dhaco (eeg iin cufaad).

0

tamar-kaah

m dh (fiis.)

T. k.inta birlabdanabeed ee dhexmari karta dululaati aan maatar lahayn.

0

tamar-keyd

m dh (fiis.)

Summad: Ep. Tamarta ku keydsantay walax, uguna wacantahay meesha ay taalo, waxaana ay le'egtahay hawsha ku baxday walax ka dhaqaajinta bar beegaal (sida oogada dhulka) ilaa meesha ay hadda taallo. Waxaa lagu helaa Ep = mgh.

0

tamar-kicin

m dh (fiis.)

Tamarta ugu yar ee saxar, molikiyuul, iwm uu hanto ka hor inta aanu falgelin waa tamarta loo baahanyahay si falgal u bilowdo iyada oo aan la tixgelineyn in falgalku yahay kul qaate ama kul bixiye waxaa lagu asteeyaa summadda E.

0

tamar-qorraxeed

m dh (fiis.)

Tamar birlabdanabeedka ka soo kaahda qorraxda.

0

tamar-socod

m dh

Summad: Ek. Tamarta ay walaxi ku kasbatay socodka ay ku jirto, le'egna hawsha ay qaban karto, marka walaxda la joojiyo. Waxaa lagu helaa isle'egtan. Ek = 1/2 mv2, taasoo m-ay tahay cufka walaxda; v-ay tahay xawaaraha walaxda.

0

tamar-xor

m dh (fiis.)

Cabbir loo adeegsado awoodda hab ku samayn karo shaqo waxtar leh.

0

tamaro

m dh

Eeg: tabar

0

tamashle

m l

Lugabbaxsi; manjabbaxsi.

0

tamashlee

f g2 (-leeyay, -leysay)

1. Socod raaxaysi leh meel aan fogayn ku tegid. 2. Safar dalxiis ah meel dheer ku tegid.

0

tamashleyn

m f dh

ld tama- shleys.

0

tamashleys

m l

Eeg: tamashleyn

0

tambal

m l kh

1. T. ah: qof nacas ah. 2. T. ah: qof aad u tabar yar.

0

tamcaar

m dh

Eeg: tacdaar¹

0

tamcaarasho

m dh

Eeg: tacdaarasho

0

tamcaarid

m dh

Eeg: tacdaarid

0

tamcaaro

f mg3 (-rtay, -ratay)

Eeg: tacdaaro

0

tamiin

m l

Mar; kol. ld tamin.

0

tamiino

m dh

Eeg: tabiino

0

tamin

m l

Eeg: tamiin¹

0

tammadi

f g2 (-iyay, -isay)

Qof ama wax kale oo astaamo ama tilmaamo gaar ah leh, calaamaysasho, soo aadid, ku soo aroorid, u qasdid; ku hirasho; abbaarid.

0

tammadin

m f dh

Eeg: tammadi

0

tammiin

m dh

Eeg: tabiino

0

tammiino

m dh

Eeg: tabiino

0

tammin

m dh

Eeg: temmin¹

0

tamminid

m f dh

Eeg: temminid

0

tammooti

m l

/dh Neef aan fayoobeen oo cudur dhimanaya oo la qasho.