Qaamuuska Asalka
tallaal
(-llo, m.dh)MagacLafdheeri
Macnaha
1. Malaxda ka samysan cudur keenayaasha oo dhimaty oo oogada la geliyo ama lagu mudo, si cudur looga hortago oo guri looga noqdo. 2. Hawsha ama farsamada tallaalka lafteeda. 3. Geed yar oo meel laga rujiyo oo meel kale lagu beero. 4. Laba geed oo kala jaad ah oo inta mid laan ama cad laga gooyo midka kale dhexdiisa la geliyo oo lagu xiro, si labada geed u midoobaan oo inino hor leh oo kuwii hore ka wanaagsan u dhalaan.
Erayo la-mid ah
tallaabMeel dhanka kale uga gudbid. ld tillaab.tallaabiWax meel ka gudbin. ld tillaabi.tallaabidld tillaabid.tallaabinld tallaabis, tillaabin, tillaabis.tallaabo1. Fogaanta u dhexeysa meesha ay kala taagan yihiin laba lug…tallaabsaddex1. Tallaabada ugu dheer. 2. Wax qof karaankiisa dhaafsan.tallaabsanKa t.: wax meel kale ka shisheeya ahaansho.tallaabsanaanld tallaabsanaansho, tallowsanaan, tallow-sanaansho.
Erayga Manta
mudnaanld mudnaansho.
