0

riiqmid

m f dh

Eeg: riiqan¹

0

riiqnaan

m f dh

ld riiqnaansho.

0

riiqnaansho

m l

/dh ld riiqnaan.

0

riiqo

f g

/mg3 (-qday, -qatay) 1. (f.g) Khad dhuxul ka samaysasho. 2. (f.mg) Neef caato la socon waayid.

0

riiqriiqasho

m f dh

ld riiqriiqsi.

0

riiqriiqsi

m l

Eeg: riiqriiqsasho

0

riiqriiqso

f mg3 (-saday, -satay)

Nafley salka nuuxnuuxin si fadhigu ugu hagaago.

0

riir

m l

1. Googo' laga jaro weel, maro si afkeedu u sinnaado. 2. Cayil ay keento dhalid la'aantu.

0

riiran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Weel, maro iwm wax la riiray ahaansho.

0

riiraxanyo

m dh

Eeg: riiraxyo

0

riiraxanyoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Eeg: riiraxyoo

0

riiraxanyood

m l

Eeg: riiraxyood

0

riiraxyo

m dh

Qufac badan oo isdabajoogo oo ka dhasha xadanto ku dhacda hunguri cadka. ld riiraxanyo.

0

riiraxyoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Qof riiraxyo dareemid. ld riiraxanyoo.

0

riiraxyood

m f l

ld rii-raxanyood.

0

riire

m l

1. Nagaar udgoon oo sida reexaanta subagga lagu shiilo. 2. Qori xalleefsan, adag oo haragga xoolaha markuu qallalo hilbaha looga hoolo laguna jilciyo; hiige.

0

riirid

m f dh

Eeg: riir³

0

riirnaan

m f dh

ld riirnaansho.

0

riirnaansho

m l

/dh ld riirnaan.

0

riishad

m dh (-do, m.l)

Bir yar, qoolaaban oo buntuqa xaggiisa hoose ku samaysan oo dib farta loogu riixo marka buntuqa xabbad laga ridayo.

0

riix

m l

Jirro dad iyo xoolaha ku dhacda oo lafo xanuun leh; tuf.

0

riixaan

m dh

Nagaar udgoon oo subagga lagu shiilo. ld reexaan.

0

riixan

f mg4 (-xnaa, -xnayd)

Wax la riixay ahaansho.

0

riixasho

m f dh

Eeg: riixo

0

riixdin

m dh

1. ld riix¹. 2. Riixidda wax meeshii uu ku sugnaa laga dhaqaajiyo. ld riixtin.

0

riixgub

m l

Calaamad dab ah oo ka muuqata jirka qof ama neef xoolaad oo laga gubay cudurka riixa. ld riixgubid.

0

riixgubid

m f dh

ld riixguub¹.

0

riixid

m f dh

ld riixis.

0

riixis

m dh

Eeg: riixid

0

riixmid

m f dh

Eeg: riixan¹

0

riixnaan

m f dh

ld riixnaansho.

0

riixnaansho

m l

/dh ld riixnaan.

0

riixo

f g3 (-xday, -xatay)

1. Qof dhan wax u iidasho. 2. Wax dilindilleysasho.

0

riixtin

m dh

Eeg: riixdin

0

rikaab

m l

Eeg: rakaab

0

rikoor

m l (-rro, m.dh)

Qalab codka duuba, oo ku shaqeeya koronto ama bateriyo.

0

rillayn

m f dh

Eeg: rillee

0

rillee

f g2 (-leeyay, -laysay)

Qof raalli ka dhigid.

0

rillo

m dh

Raalli.

0

rimawarow

m l

Dhimasho kedis ah oo ku timaadda idaha baad la'aan awgeed.

0

rimci

f g2 (-iyay, -isay)

Qof jug la siiyay darteed isku laabasho.

0

rimcin

m f dh

Eeg: rimci

0

rimi

f g2 (-iyay, -isay)

Dheddig ilma galeenkeeda ilmo gelin.

0

rimic

m l t (-cyo, m.dh)

1. Wax lix iyo toban meelood loo qaybiyay meeshood, “1/16”. Tus. Hasha la shireystey rimic iga sii. 2. Dheeraad; suubis.

0

rimid

m f dh

Eeg: rin

0

rimin

m f dh

Eeg: rimi

0

riminrimo

m dh

Geedgaab leh caleemo yaryar oo markuu geelu daaqo ka qaado cudur qoorta jebiya.

0

riminrinco

m dh

Geedgaab leh caleemo yaryar oo marka uu geelu cuno cudur qoorta jebiyaa ku dhaco.

0

rimman

f mg4 (-naa, -nayd)

Nafley dheddig wax rimay ahaansho.

0

rimmanaan

m f dh

ld rimma- naansho.

0

rimmanaansho

m l

/dh ld rimmanaan.

0

rimmay

m dh kh

Geela ama xoolaha inta rimman. ld rimmayo.

0

rimmaybaarid

m dh

Baaridda neef dheddig oo lo' ah laga baaro rimmay.

0

rimmaygacmeed

m l

Mino-ku-shubidda neef tabsan lagu shubo mino.

0

rimmayo

m dh

Eeg: rimmay²

0

rin

f mg1 (-imay, -intay; -imi)

Nafley dheddig rimmay qaadid.

0

rinji

m l (-iyo, m.dh)

Midab; liin; asal; dheeh. ld ranji¹.

0

rinjile

m l (-layaal, m.l/dh)

Qof wax rinjiyeynta yaqaan. ld ranjile, ranjiye, rinjiye.

0

rinjiyan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax rinji la mariyey ahaansho. ld rinjiyaysan.

0

rinjiyanaan

m f dh

ld rinjiya- naansho, rinjiyaysnaan, rinjiyaysnaan-sho.

0

rinjiyanaansho

m l

/dh ld rinjiyanaan.

0

rinjiyayn

m dh

Eeg: rinjiyid

0

rinjiyaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Eeg: rinjiyan

0

rinjiyaysnaan

m dh

Eeg: rinjiyanaan

0

rinjiyaysnaansho

m l

/dh ld rinjiyanaan.

0

rinjiye

m l

Eeg: rinjile

0

rinjiyee

f g2 (-yeeyay, -yeysay)

Eeg: rinji²

0

rinjiyid

m f dh

ld ranjiyayn, ranjiyid, rinjiyayn.

0

ris

m l

Caws gaaggaaban oo iduhu aad u jecel yihiin oo ka baxa meelaha biyo qabatinka leh.

0

risaalad

m dh

Eeg: risaalo

0

risaalo

m dh (-ooyin, m.l)

1. Sharci diini ah oo Alle u soo dejiyo in dadku ku dhaqmaan Ilaahna ku caabudaan. 2. Dhambaal. ld risaalad.

0

risaas

m dh

Eeg: rasaas

0

risaasayn

m dh

Eeg: rasaasayn

0

risaasee

f g2 (-seeyay, -saysay)

Eeg: rasaasee

0

rishwaan

m dh

Cimaamad xariir ah oo waagii hore laga keeni jiray dalka Iiraan.

0

risiq

m l

Eeg: risqi

0

risqi

m l

1. Quudka dadku ku noolaan karo. 2. Saamiga qof nolosha ku leeyahay. ld risiq.

0

riwaayad

m dh (-do, m.l)

(riw.) Qiso suugaaneed taxan oo loo habeeyay hab masraxeed oo murti, heeso iwm laga helo oo ay dad matalaan.

0

rixin

m l u

Dad wada dhalasho aad isugu dhawi ka dhaxayso.

0

rixli

m l

Eeg: raxli

0

riyaal

m l (dhaq.)

Lacag waddamada Sucuudiga, Yaman, Imaaraadka iyo kuwo kale laga adeegsado.

0

riyaaq

m l

Farxad iyo xaalad wanaagsan oo lagu jiro. ld riyaaqid.

0

riyaaqid

m f dh

ld riyaaq¹.

0

riyaax

f g

/mg1 (-xay, -xday) 1. (f.g) Qoryo, lafo iwm burburin. 2. (f.mg) Cudur nafaqo la'aani keentay qaadid. 3. (f.mg) Socod dheer dartii daal iyo jiirago' dareemid.

0

riyaaxid

m f dh

Eeg: riyaax²

0

riyaggooleeye

m l

Geedgaab sida jeerinka u baxa oo dhirta daawada ka mid ah.

0

riyakudduul

m dh

Dabayl qafiif ah oo dhaxan leh oo diraacda dhacda.

0

riyannuug

m l

1. Orgi yar oo hooyadii nuuga. 2. Nin hungurixumo lagu dhalii-layo.

0

riyaxire

m l

Geedgaab faalala oo xooluhu daaqaan waxna lagu daaweeyo.

0

riyo

m dh (-ooyin, m.l)

Wax qofku hurddada ku arko.

0

riyoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Hurdo dhexdeed riyo arkid.

0

riyood

m f l

RNA m.dh (baay.) Iskudhis kakan oo orgaanik ah. Lagana helo unugyada nool kaas ooroob saameeya samayska borotiin. Fayrasyada qaarkood, RNAdu waxa kale oo ay u tahay walax hiddo side.

0

rodh

m l (-dhyo, m.l)

(c.nafl.) Nooc ka mid ah qaabile unug oo xasaasi u ah ilayska oo laga helo retiinaha lafdhabarleyda. Rodhisku waxay ka koobanyihiin midabsidaha rodhobsiin, waxaanay muhin u yihiin wax ku aragga ilayska daciifka ah. Rodhisku si saami ah uguma qaybsana ratiinaha, sababta oo ah waxay ka maqanyihiin foofaha, waxaanay ka buu-xaan liidka ratiinaha.

0

rodol

m l (-llo, m.dh)

Halbeeg culayseed u dhigma 16 wiqiyadood (habka ingiriiska).

0

rog

f g1 (-gay, -gtay)

1. Wax afka ama dhinaca korreeya u hoos marin; genbiyid; geddiyid. 2. Ka r.: ka qaadid; ka faydid. 3. Ka r.: alaab meel saaran ka dejin; ka wareejin. 4. Ku r.: ku daboolid; korka ka saarid; ku xirid. 5. Dib ugu laabid. 6. U r.: af af kale ku fasirid, ku tarjiumid. 7. Xoolo jaho foolkoodu aaddanaa jaho kale u jeedin.

0

rogaal

m l (-llo, m.dh)

1. Faras ama rakuub aad u jarabaran. 2. U soo dabbaalidda meesha laga ugaarsanayo loo soo dabbaalo ugaar. 3. R. ah: nooc kooraha geela ka mid ah oo labada dacal ee afkeedu kor u taaganyahay. 4. Badinta qoraal lagu badiyo jikolostiil.

0

rogaalceli

f g2 (-iyay, -isay)

Col meel uu weeraray mar kale ku noqosho.

0

rogaalcelin

m f dh

ld rogaal³ (1), rogaalcelis.

0

rogaalcelis

m l

Eeg: rogaalcelin

0

rogaali

f g2 (-iyay, -isay)

Koor qaab rogaal ah u sameyn.