0

rubisaar

f lg1 (-ray, -rtay)

Lacag dulsaar leh cid amaahin. ld ribisaar².

0

rubisaarasho

m f dh

Eeg: rubisaaro

0

rubisaarid

m f dh

ld ribi-saarid.

0

rubisaaro

f lg3 (-rtay, -ratay)

Lacag dulsaar saarasho.

0

rubuc

m l (-cyo, m.dh)

Eeg: rubi

0

rucle

m l

Orod aan la dheeraanayn oo dadku ordo.

0

ruclee

f mg2 (-leeyay, -leysay)

Si rucle ah u ordid (qof).

0

rucleyn

m f dh

ld rucleys.

0

rucleys

m l

Eeg: rucleyn

0

rucub

m l (-byo, m.dh)

Wax badan oo is- haysta isku meelna ku yaal sida miraha, ubaxa iwm.

0

rud

f g1 (-day, -dday)

Nafley hal mar ilkaha cunto ku goosasho. ld rudh.

0

rudan

f mg4 (-dnaa, -dnayd)

Cunno wax la ruday ahaansho. ld rudhan.

0

rudcid

m f dh

ld ruduc¹.

0

rudh

f g1 (-udhay, -uddhay)

Eeg: rud

0

rudhan

f mg4 (-dhnaa, -dhnayd)

Eeg: rudan

0

rudhid

m dh

Eeg: rudid

0

rudhis

m dh

Eeg: rudid

0

rudhmo

m dh (-ooyin, m.l)

Eeg: rudmo

0

rudhnaan

m dh

Eeg: rudnaan

0

rudhnaansho

m l

/dh ld rudnaan.

0

rudhsii

f lg2 (-iiyay, -iisay)

Eeg: rudsii

0

rudhsiin

m dh

Eeg: rudsiin

0

rudid

m f dh

ld rudhid, rudhis, rudis.

0

rudis

m dh

Eeg: rudid

0

rudmo

m dh (-ooyin, m.l)

In cunto ah oo hal mar ilkaha lagu goosto. ld rudhmo.

0

rudnaan

m f dh

ld rudnaansho, rudhnaan, rudhnaansho.

0

rudnaansho

m l

/dh ld rudnaan.

0

rudsii

f lg2 (-iiyay, -iisay)

Nafley cunto uu ridmo ka goosto siin. ld rudhsii.

0

rudsiin

m f dh

ld rudhsiin.

0

ruduc

m l

Sooh dhaclaha u eg oo dun ama mayrax ka samaysan. ld rudcid.

0

ruducsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax la rudcay ahaansho (dun ama mayrax).

0

ruducsanaan

m f dh

ld ruducsanaansho.

0

ruducsanaansho

m l

/dh ld ruducsanaan.

0

rug

m dh (-go ..., m.l)

1. Qayb isbitaal ka mid ah oo gaar u ah daaweynta cudur khaas ah ama bukaan-socod-eegto ah. 2. Qayb isbitaal ka mid ah oo ay isugu yimaadaan barayaal, arday iyo bukaanno si loogu baaro looguna daaweeyo bukaanna-da.

0

rųg

f g1 (-gay, -gtay)

Wax, wasakh dusha kaga dheggan ka xoqid.

0

rugasho

m f dh

Eeg: rugo

0

rugayn

m f dh

Eeg: rugee

0

rugee

f g2 (-geeyay, -gaysay)

Meel wax la degganyahay ka dhigid.

0

rųgid

m f dh

ųg².

0

rugni

m l

Eeg: rukni

0

rugo

f mg3 (-gtay, -gatay)

Ku r.: wax ku xoqasho (nafley).

0

rugorugo

m l

Sisin mooye lagu tumay oo inta biyo lagu daro waambaha lagu iidaan-to.

0

rugrug

m dh sh r

Codka uu sameeyo dhaqdhaqaaqa wadnuhu.

0

rugruglee

f mg2 (-leeyay, -leysay)

Wadne aad u dhaqdhaqaaqid.

0

rugrugleyn

m f dh

Eeg: rugruglee

0

ruji

f g2 (-iyay, -isay)

1. Geed dhulka xoog uga fujin. 2. Ku r.: cid nabar xoog ugu dhufasho.

0

rujin

m f dh

ld rujis.

0

rujis

m l

Eeg: rujin

0

rujub

m l (-byo, m.dh)

Maroodi lab oo hanaqaad ah oo ka takooran raxantiisa.

0

rukni

m l (-iyo, m.dh)

1. Tiirarka diinta Islaamka mid ka mid ah. 2.Tiirarka guriga uu ku taaganyahay mid ka mid ah. 3. Tiirarka salaadda mid ka mid ah. ld rugni, rukun¹ (3).

0

rukumad

m l

Eeg: rukumasho

0

rukuman

f mg4 (-mnaa, -mnayd)

1. Wax si joogto ah loo helo ahaansho. 2. Ku r.: tiir iwm wax meel ku dhaaban ahaansho.

0

rukumasho

m f dh

ld ruku-mad.

0

rukumid

m f dh

Eeg: rukun²

0

rukumnaan

m f dh

ld rukum-naansho.

0

rukumnaansho

m l

/dh ld rukumnaan.

0

rukumo

f g3 (-untay, -umatay)

Qof wax rukun ka dhigasho.

0

rukun

f g1 (-umay, -untay; -umi)

U r.: cid si joogto ah wax u siin.

0

rukuuc

m l

/dh (-co, m.l/dh) Jilbo-qabsashada uu qof tukanayaa sameeyo isaga oo foorarsanaya. ld rakuuc¹.

0

rukuucid

m f dh

ld rakuucid.

0

rukuucsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Rukuucay ahaansho (qof). ld rakuucsan.

0

rukuucsanaan

m f dh

ld rakuucsanaan, rakuucsanaansho, ru-kuucsanaansho.

0

rukuucsanaansho

m l

/dh ld rukuucsanaan.

0

rumayn

m f dh

Eeg: rumee

0

rumaysad

m l

Eeg: rumaysasho

0

rumaysan

f g4 (-snaa, -snayd)

Qof wax aaminsan ahaansho.

0

rumaysasho

m f dh

ld rumay-sad, rumaysi.

0

rumaysi

m l

Eeg: rumaysasho

0

rumaysnaan

m f dh

ld ru-maysnaansho.

0

rumaysnaansho

m l

/dh ld rumaysnaan.

0

rumayso

f g3 (-stay, -satay)

Wax jiritaan- kooda dhab u qaadasho.

0

rumee

f g2 (-meeyay, -maysay)

1. Wax run ka dhigid. 2. Wax run u qaadasho.

0

rumeynta-Anarjism

m dh (siyaa.)

Siyaasadda aaminsan dhamaan awood iyo sharciyada dawladaha ama ururrada in lagu beddelo dadka ama kooxo u wada shaqeynaya si xor ah.

0

rummaan

m l

1. Geedgaab la beero oo caleemo balballaaran, ubax iyo miro macaan oo la cuno leh. 2. Miraha geedka rumaanka. 3. Qof xabsi ku jira oo xukun sugaya. 4. Nooc ka mid ah sariirihii hore oo alwaaxda qurxan oo la xardhay ka samaysan, oo leh rukummo kor u dhaa-dheer.

0

rummay

m l (-yo, m.dh)

Qori qoyan oo dhirta qaarkeed laga goosto oo ilkaha lagu sifaysto.

0

rummayan

f mg4 (-ynaa, -ynayd)

Wax rummay lagu nadiifiyey ahaansho (ilko).

0

rummayasho

m f dh

Eeg: rummayo

0

rummaynaan

m f dh

ld rummaynaansho.

0

rummaynaansho

m l

/dh ld rummaynaan.

0

rummayo

f mg3 (-yday, -yatay)

Qof rummay ilkaha ku nadiifsasho. ld rum-mayso.

0

rummaysad

m l

Eeg: rummaysasho

0

rummaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Eeg: rumaysan

0

rummaysasho

m f dh

ld rummaysad, rummaysi.

0

rummaysi

m l

Eeg: rummaysasho

0

rummayso

f mg3 (-stay, -satay)

Eeg: rum-mayo

0

rumoobid

m f dh

Eeg: rumow

0

rumow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Hadal run noqosho.

0

run

m dh

Wax xaqiiqo ah oo la hubo.

0

run-sugid

m dh

Awood ka xoroobidda qof kale aad jeceshahay.

0

rundud

m l

Eeg: hundhur¹

0

rundudid

m f dh

ld hundudid.

0

rundudsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Qof, wax runduda ahaansho.

0

rundudsanaan

m f dh

ld rundudsanaansho.

0

rundudsanaansho

m l

/dh ld rundudsanaan.

0

rundudsasho

m f dh

Eeg: rundudso

0

rundudsi

m l

Eeg: rundudsasho

0

rundudso

f mg3 (-saday, -satay)

Ciil iyo murugo darteed gorodda la laallaadin.

0

rundusdad

m l

Eeg: rundudsasho

0

runley

m dh (-yo, m.dh)

Naag had iyo jeer runta sheegta.

0

runlow

m l (-wyo, m.dh)

Nin had iyo jeer runta sheega.