0

raagid

m f dh

ld raagis.

0

raagis

m dh

Eeg: raagid

0

raagsad

m l

Eeg: raagsasho

0

raagsasho

m f dh

ld raagsad, raagsi, raagsiino, raagsiinyo.

0

raagsi

m l

Eeg: raagsasho

0

raagsiino

m l

/dh ld raagsasho.

0

raagsiinyo

m l

/dh 1. ld raagsasho. 2. Daahid badan.

0

raagso

f g3 (-saday, -satay)

Wax imaatin- koodu dib u dhacay daahsasho.

0

raaji

f g2 (-iyay, -isay)

1. Wax cumrigooda dheerayn. 2. Wax daahin.

0

raajin

m f dh

ld raajis.

0

raajis

m l

Eeg: raajin

0

raalli

m l

1. R. ah: qof faraxsan oo aan waxba tebeyn. 2. R. ah: qof aan arrin diid-daneyn.

0

raalliggeli

f g2 (-iyay, -isay)

Cid wax ay raalli ku noqoto u sameyn.

0

raalliggelin

m dh

Ficil aad qofka ku siinaysid, waxa uu rabo si uusan wax kuu yeelin ama kaaga xumaan.

0

raallinimo

m dh

Qof wax ka raalli ah ahaansho.

0

raalliyad

m dh

Eeg: raalliyo

0

raalliyanimo

m dh

Raalliyo ahaansho.

0

raalliyo

m dh kh

R. ah: haweenay ninkeeda u dhego nugul ah. ld raalliyad.

0

raamayn

m f dh

Eeg: raamee

0

raamaysasho

m f dh

Eeg: raamayso

0

raamayso

f mg3 (-stay, -satay)

1. Raan yeelasho (qof ama geed). 2. Qof maskaxda wax uga dhimanyihiin noqosho.

0

raamee

f g2 (-meeyay, -maysay)

Wax raan u yeelid.

0

raamo

m dh

1. Dhul daaqa xoolaha ku wanaagsan oo ciid cad, jilicsan leh. 2. eeg raan.

0

raamsasho

m dh

Eeg: raabsasho

0

raamsi

m l

Eeg: raabsasho

0

raamso

f mg3 (-saday, -satay)

Eeg: raabso

0

raan

m dh (-aamo, m.l)

1. Miiqyo dun ah oo isku maran oo maro dacalkeeda laga laallaadsho. 2. Timo ama dhogor isku guntan. 3. Geed laamihiisa buulal shimbireed ama cutubcutub miro ahi ka laal-laadaan.

0

raanbi

m l (-iyo, m.dh)

Raar yar oo aqal Soomaaliga la dhex geliyo, oo la saaro weelasha si aan aboorka u cunin.

0

raandayn

m f dh

ld randays.

0

raandays

m l

Eeg: raandayn

0

raandaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax raando lagu simay ahaansho.

0

raandaysnaan

m f dh

ld raandaysnaansho.

0

raandaysnaansho

m l

/dh ld raandaysnaan.

0

raandee

f g2 (-deeyay, -deysay)

Alwaax raando ku simid.

0

raandhiis

m l

R. leh: waxtar raaga oo dhaxal gal ah.

0

raando

m dh

Qalab ka kooban alwaax bir af dhexda ku leh oo lagu simo alwaaxda.

0

raani

m dh (-iyo, m.l)

Warqad turub, ranka ka tirsan oo boqoradi ku sawirantahay. ld raaniyad.

0

raaniyad

m dh

Eeg: raani

0

raansow

m l

Eeg: raasow

0

raaqraaq

f mg1 (-qay, -qday)

Muddo noo- laansho.

0

raaqraaqid

m f dh

Eeg: raaqraaq

0

raaqraaqin

m dh

Siima raaqraaqin: siima jirin, siima noolaan.

0

raar

m l (-rar, m.l)

1. Gogol caws ka samaysan oo dun lagu xardhay. 2. Dhismo kor u dheer oo dusha sare lagaga deday qoryo, caws iwm oo laga fuulo, bahalaha, qaniinka, kaneecada iwm. 3. Qoryo, dhagxaan iwm oo la is dul saaray oo sallaan ahaan loo adeegsado. 4. Qoryo ceelka afkiisa lagu dadbo.

0

raarac

m l

1. R. ah: meel hoobad ah. 2. ld raaricid.

0

raaracan

f mg1 (-cmay, -cantay)

Eeg: raa-racsan¹

0

raaracmid

m dh

Eeg: raaracsamid

0

raaracnaan

m dh

Eeg: raaracsanaan

0

raaracnaansho

m l

/dh ld raaracsanaan.

0

raaracsad

m l

Eeg: raaracsasho

0

raaracsamid

m f dh

ld raa-racmid.

0

raaracsan

f mg1 (-amay, -antay)

Wax meel ka soo laallaada noqosho. ld raaracan¹.

0

raaracsanaan

m f dh

ld raaracnaan, raaracnaansho, raaracsa-naansho.

0

raaracsanaansho

m l

/dh ld raaracsanaan.

0

raaracsasho

m f dh

ld raaracsad, raaracsi.

0

raaracsi

m l

Eeg: raaracsasho

0

raaracso

f mg3 (-saday, -satay)

Wax meel ka laallaadsasho.

0

raaran

f mg1 (-rmay, -rantay)

Wax la raaray noqosho.

0

raarasho

m f dh

Eeg: raaro

0

raarbiyood

m l (-dyo, m.dh)

Raar meydka lagu dhaqo.

0

raarcaw

m l

Raar yar oo caws laga sameeyey oo la goglado.

0

raardhisme

m l

Raar weyn oo loo sameeyo in aqalka lagu dado.

0

raargogol

m l

Raar si gaar loo sameeyo oo loogu talo galo in la goglado.

0

raari

m l

1. Nooc bariiska ka mid ah oo ka baxa waddanka Barma. 2. Meel dhir dhaadheer oo badan leh.

0

raarici

f g2 (-iyay, -isay)

Wax meel sare ka soo laallaadin.

0

raaricid

m f dh

ld raarac¹ (2).

0

raaricin

m f dh

ld raaricis.

0

raaricis

m l

Eeg: raaracin

0

raarid

f g1 (-day, -dday)

1. Ka r.: wax meel sare ka soo daaddejin. 2. Ka r.: cid wax fahansiin.

0

raaridid

m f dh

Eeg: raarid²

0

raarmid

m f dh

Eeg: raaran¹

0

raarnaan

m f dh

ld raar-naansho.

0

raarnaansho

m l

/dh ld raarnaan.

0

raaro

f mg3 (-rtay, -ratay)

Wax meel sare saarasho.

0

raarridid

m f dh

Eeg: raarrid

0

raas

m l (-sas, m.l)

1. Qoys. 2. Meel qoys degi karo. 3. ld raasi.

0

raasammaal

m l

1. Hantida asaasiga ah ee ganacsi lagu bilaabo; lafo. 2. Hanti qof leeyahay. ld raasumaal.

0

raasammaali

m l (-iyiin, m.dh)

Qof hanti badan leh. ld raasummaali.

0

raashin

m l u

Cuntada daruuriga ah ee dadku ku nool yahay; gasiin.

0

raasi

m l (-iyo, m.dh)

1. Dhul dhuuban oo badda aad u dhex gala. 2. ld raas (3).

0

raasow

m l (bot.)

Nagaar laamo jilicsan iyo caleen dhuudhuuban leh oo marka la kariyo caleemihiisa dadku cunto ahaan u cunaan. ld raansow.

0

raasummaal

m l

Eeg: raasammaal

0

raasummaali

m l

Eeg: raasammaali

0

raasweyn

m dh

Haweenay ubad iyo xoolo badan leh.

0

raatib

m l

1. Quraan akhris, werdi iwm oo waqti go'an si joogto ah loo sameeyo. 2. (- byo, m.dh) Laba iniinood oo ka mid ah iniinaha tusbaxa oo tirooyin go'an u kala qaybiya tusbaxa middood. ld ratib¹ (1).

0

raawi

f g

/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Bir si ay u simanto garaacid. 2. (f.mg) Si isla helid ah sacab u tumid.

0

raawin

m f dh

ld raawis¹ (1).

0

raawis

m l

; ld raawisid(2).

0

raawisid

m f dh

ld. raawis¹ (2).

0

raawisnimo

m dh

Mindi raawis ahaansho. ld saawirnimo.

0

raaxayn

m f dh

ld raaxo (2).

0

raaxaysad

m l

Eeg: raaxaysasho

0

raaxaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax raaxo ku jiro ahaansho.

0

raaxaysasho

m f dh

ld raaxaysad, raaxaysi.

0

raaxaysi

m l

Eeg: raaxaysasho

0

raaxaysnaan

m f dh

ld raaxaysnaansho.

0

raaxaysnaansho

m l

/dh ld raaxaysnaan.

0

raaxayso

f mg3 (-stay, -satay)

1. Nolol raaxo leh ku noolaansho. 2. Nasasho; daaltirasho.

0

raaxee

f mg2 (-xeeyay, -xaysay)

1. U r.: cid nolol raaxo leh ku noolaysiin. 2. U r.: qof niyaddiisa farxad gelin.

0

raaxo

m dh

1. Nolol aan dhib lahayn. 2. ld raaxayn.

0

raay

m dh (-yo, m.l)

1. Xiniin. 2. Dad wada dhalasho ka dhaxayso laan ka farcantay; jilib.