raayo
1. Daruur yar oo markaas di'id bilaabaysa. 2. Xiniiniyo.
rab
Qarka meesha ugu sarreysa oo aan la fuuli karin.
rabaal
Meel taag ah ama kur ah.
rabadin
1. Meel la degi karo oo bannaan hareerahana dhir ama buuro ka xigaan. 2. Xero; hoy.
rabaqaad
Ratibaadda ama horsiimaynta kutirsaneyaasha urur.
rabash
Rabsho; fidmo; qulqulad; qas. ld
rabbaas
Orod boodbood leh. ld rabbaasid.
rabbaasid
ld rabbaas¹.
rabbaayad
Xayawaan la baray inuu dadka la dhaqmo.
rabbadh
(kiim.) Walax taran badan oo laastiig ah oo macmal ama dabiici ah.
rąbbayn
ąbbee.
rabbaysan
1. Ubad si habboon u barbaarid. 2. Xayawaan rabbaayad noqosho.
rabbaysasho
ld rab-baysi.
rabbaysnaan
ld rabbaysnaansho.
rabbaysnaansho
/dh ld rabbaysnaan.
rabbayso
1. Ubad si habboon u barbaarsasho. 2. Xayawaan rabbaayad ka dhigasho.
rabbee
1. Ubad si habboon u barbaarin. 2. Xayawaan rabbaayad ka dhigid.
rąbbee
Geel wax ku tumasho.
Rabbi
Weynaha dunida iyo waxa ku dul nool oo dhan abuuray; Alle; Eebbe.
rabbituug
Baryo Eebbe wax lagu weyddiisto.
rabbuus
Caajis nafsaani ah oo dadka ku dhaco.
rabi
Bir la tumay soofeyn.
rabid
ld rabitin.
rabiish
Libaax-badeed uurjiif ah oo hilibkiisu nafaqo badan leeyahay.
rabitin
Jeclaansho wax niyadda laga doono. ld rabid.
rablayn
ld rable (1).
rable
1. ld rablayn. Bood-boodidda nafleydu samayso iyada oo hadba meel kale tageysa. 2. Tidic waaweyn oo timaha haweenka lagu sameeyo.
rablee
1. Labada lugood oo isku duuban oo kol ama ka badan 705rableysad boodid. 2. Timo haween si rable ah u samayn.
rableysan
Wax la rableeyay ahaansho (timo haween).
rableysasho
ld rabley-sad.
rableysnaan
ld ra- bleysnaansho.
rableysnaansho
/dh ld rableysnaan.
rableyso
Gabar timo si rable ah u samaysasho.
rabood
ld rabid.
raboosh
R. ah: nafley koritaanka ka xumaaday.
rabrab
1. ld rarrab (2). 2. Orod boodbood ku jiro oo xoolaha iyo ugaartu sameeyaan.
rabrablee
Rabrab u ordid (nafley).
rabshad,
rabsho.
rabshayn
ld rabshadayn, rabshid.
rabshaysan
Nafley rabsho la kulantay ahaansho.
rabshaysnaan
ld rabshaysnaansho.
rabshaysnaansho
/dh ld rabshaysnaan.
rabshi
Xaarka shimbiraha oo beeraha lagu bacrimiyo.
rabsho
la kulmay noqosho (nafley).
rabshow
Wax
rac
Kooxo nafley ah oo si nidaam leh isu dabajooga middood.
racayn
Kooxayn ama xulid tiro waxyaaleed iyada oo aan loo eegin orsa-naan.
racrac
Koox koox.
racracee
Nafley racrac u qeybin.
rad
1. Badar wax la qooyay oo jilcay noqosho. 2. Maro muddo biyo ku dhex jirid.
raddi
1. Markhaati burin. 2. Cid dhaar lagu helay cid kale ku wareejin.
raddigal
Col kayd ah oo marka wax la weerarayo loo kaydiyo difaac ahaan.
raddin
ld raddiyid.
radeeb
1. R. ah: mindi, waran iwm oo aan af wax gooya lahayn. 2. radeebid.
radeeban
1. Mindi, waran iwm wax la radeebay ahaansho. 2. Ciid, dhagax iwm wax hoos loo nabay ahaansho.
radeebid
ld radeeb¹ (2).
radeebnaan
ld radeeb- naansho.
radeebnaansho
/dh ld radeebnaan.
radi
Nooc dhurwaaga ka mid ah oo dadka cuna.
radqanaansho
/dh ld raqdanaan.
radsan
Badar, maro iwm wax biyo lala dhigay ahaansho.
radsanaan
ld radsa-naansho.
radsanaansho
/dh ld radsanaan.
rafaad
Dhib badan oo nafleydu kala kulanto nolosheeda.
rafaadi
Nafley rafaad badid.
rafaadsan
Nalfey rafaad hayo ahaansho.rahaamad²
rafaadsanaan
ld ra-faasanaansho.
rafaadsanaansho
/dh ld rafaadsanaan.
rafaaji
Cajiin, dhoobo iwm oo qoyan gacan ku qasid. ld rafaaq², rifaaq².
rafaajin
ld rafaaq¹, rafaaqid, rifaaqid.
rafaaq
Qasidda bur, ciid iwm hoore qooya faraha lagula qaso. ld rafaajin.
rafaasad
Qalab ka kooban carrabbo xalxalleefsan oo si gaar ah isugu rakiban, wareega oo maraakiibta iyo dayaaradaha dhaqaajiya.
rafac
Hawl socotay joojin.
rafacan
Hawl socotay wax la joojiyey ahaansho.

