rafacnaan
ld rafac-naansho.
rafacnaansho
/dh ld rafacnaan.
rafaco
Qalab iwm urursasho.
rafasho
ld rafad.
rafcaan
Go'aan maxkamadeed oo max- kamad ka sarreysa looga dacwoodo. ld racfaan.
rafcaanle
Qof rafcaan qaata.
rafcaansane
Qofka go'aanku u dhaco ee rafcaanka laga qaato.
rafiiq
Saaxiib; waday.
rafiiqnimo
Rafiiq ahaansho.
rafiso
Hanti horumarin ahaan looga qaato cid diyo lagu yeeshay.
rafo
1. Nafley xanuun dartii la galgalasho. 2. Arrin ka libkeeni-deed dadaal badan u sameyn.
rag
1. Koox dad ah oo lab. 2. R. ah: qof karti iyo awood dheeraad ah leh.
ragaad
1. Qodax weyn oo geela cagtiisa hoose mudda. 2. Sallaanka (jaranjarada) meesha cagta la saaro. 3. Bir madax ballaaran, daab leh oo geela cudurrada looga gubo.
ragaadi
Neef geel ah ragaad ka bixin.
ragaadsan
Neef geel ah oo ragaaday ahaansho.
ragaadsanaan
ld ragaadsanaansho.
ragaadsanaansho
/dh ld ragaadsanaan.
ragaal
Xilli roob dhamaaday, geedi-hiina caleen dhacsadeen, xooluhuna bilaa-been biya cabid ama bilaabayaan. ld rag-gaal.
ragac
Taayar, maro, iwm wax karin saarid.
ragannimo
Rag ahaansho.
ragcad
1. (dii.) (ruguuc, m.dh) Gabal yar oo taayar, maro iwm oo la karayo la nooc ah oo meesha daloosha ama dillacsan lagu dhejiyo; karin. 2. (-do, m.l) ld rakcad.
ragcan
Maro, taayar iwm wax la ragcay ahaansho.
ragcanaan
ld ragca-naansho.
ragcanaansho
/dh ld ragcanaan.
ragco
Taayar maro iwm karin saarasho.
ragrago
Ku r.: ragannimo iyo awood dheeraad ah cid ugu faanid iyada oo lagu diganayo.
ragrif
R. ah: nin aan waxtarin, ninka waxtarka ahna dhaliila.
ragtirsi
Hab qaanta loo baxsho oo ku salaysan xoolaha la bixinayo iyo dadka wax bixinaya in laysu tiriyo.
rah
Berribiyood aan lahayn dabo, leh laba lugood oo ka dhaadheer kuwa hore, boodboodka ku socda, marka uu biyo ku dhex jirana sameeya dhawaaq badan, xubno cad oo adagna qawlallada ku yeesha. ld rake.
rahaamad
(dhaq.) Lacag, dahab, guri ama dhul rahan ahaan loo dhigo marka bangi ama cid kale laga qaadanayo dayn. Haddii deynqaatuhu bixin waayo lacagta uu qaatay amaah-bixiyaha waxaa, si sharci ahaan lagu wareejinayaa rahaamadda.
rahaamadan
Shay wax rahmad loo haysto ahaansho.
rahaamadnaan
ld rahaamadnaansho.
rahaamadnaansho
/dh ld rahaamad-naan.
rahaamado
Hanti rahan ahaan u dhiibasho.
rahan
Cagaar badan oo ka baxa meel roob ku da'ay.
rahman
1. Hanti curaar ahaan loo dhiibay ahaansho. 2. Arrin ka hadalkeeda dib loo dhigay ahaansho.
rahmanaan
ld rahmanaansho.
rahmanaansho
/dh ld rahmanaan.
rahmo
Wax rahan ahaan u dhiibasho.
rajab
/dh Bisha toddobaad ee bilaha carabiga, kana mid ah afarta bilood oo xurmada ku leh diinta Islaamka. ld rejen.
rajakoris
1. Dabshidka iyo irridda meesha u dhexeysa. 2. Naag naxariis badan.
rajal
Bil dayaxeedda saddexaad ee taariikhda Soomaaliga ee u dhexeysa Mowliid iyo Sabbuux.
rajannimo
Ilmo yar rajo ahaansho. ld rajaynimo.
rajay
Wiil yar oo hooyadii dhimatay.
rąjayn
ąjee. ld rejeyn.
rajci
Qof ka soo horjeeda horumarka nololeed; dibusocod.
rajcinnimo
Rajci ahaansho (qof).
rajciyad
Fikrad dibusocodnimo.
rajee
Ilmo yar rajo ka dhigid.
rąjee
Filasho. ld rejee.
rajiimi
1. Dheri si tartiib ah deb uga qaadid. 2. Sheydaan iska naarid; “Shaydaanka iska rajiimi.”.
rajiimin
ld rajiimis.
rajmi
Qof nikaax xalaal ah soo maray oo sinaystay dhagax ku dilid.
rajo
Ilmo yar-yar oo hooyadood dhimatay.
rąjo
Filashada la filanayo wax la heli doono. ld rejo.
rajokoris
Dabshidka iyo aqalka meesha u dhexeysa.
rajow
Ilmo yar rajo noqosho.
rakaab
1. Bir ka lalmata kooraha labadiisa dhinac midkood. 2. Qoryo ceelasha afkooda lagu sameeyo si loogu shubo ama loogu galo. 3. Dad gaadiid raacay.
rakaabsasho
ld rakaabsad, rakaabsi.
rakaabso
1. Rakaab gaadiid ku rarasho. 2. Qof gaadiid fuulid.
rakaad
Xoolo biyo cabbiddooda ka kamiin jabay marka labaad ee ay ku laabtaan. ld rakaadid.
rakaad4
Xoolo biya cabbay mar kale ka dherjin.
rakaadid
ld rakaad¹, rakaadin, rakaadis.
rakaadis
raqiisin
rakaado
Xoolo biyo ka kamiin jabiyey mar labaad cabbid.
rakcad
(dii.) Dhaqdhaqaaq salaadeed oo ka kooban, taagnaan ay ku xigto hal rakuuc, kor u toosid iyo laba sujuudood. ld ragcad, rakacad.
rake
1. Rah. 2. Xayawaan yar oo walada u eg oo had iyo jeer dabada kor u taaga; dabariyoodle.
rakib
Qalab xubnihiisu kala daadsan yihiin ama isku daadsanyihiin la isku xirxiro.
rakiban
Qalab, wax la rakibay ahaansho.
rakibnaan
ld rakib-naansho.

