reynree
Farxad iyo barwaaqo ku noolaad. ld reyree.
reynreyn
ld reyreyn.
reyreyn
ld reynreyn.
reyte
1. Silig shaqab ah oo sariiraha lagu sameeyo. 2. Miro kuuskuusan oo miraha gobka ka yara weyn leh midab madow oo dharka lagu dhaqan jiray.
rh-faktar
(baay.) Koox antijin ah oo unugyada cas-cas ee dhiiggu ay ku leeyihiin ama ayan ku lahayn. Wuxuu saldhig u yahay habka qaybta dhiigga ee reesuus.
ri'
Neef aricad ah oo dheddig ah.
rib
R. ah: hoore adag.
ribasho
ld ribad.
ribee
1. Cid masabidid. 2. U r.: cid u hanjabid.
ribix
Wax faa'iido ka helid.
ribmidab
Qiyaasta tayada muuqaalka midab. Midabbada caddaan, madow ma laha ribnaan midab, waxana la yiraahdaa waa midabyo haydh leh. Ribmidab waa astaanta midab ka dhigta casaan, buluug, cagaar iwm.
ribnaan
Xaddi walax ah oo ku jira halbeeg-muggeed milan ah. ribnaantu waa mool dm(-3). Ribnaan cufeedku waa cufka milmaha ku jira halbeeg- muggeed kasta. Ribnaanta mool-lani waa inta mool ee milmaha ku jirta halbeeg- muggeed kasta. Ribnaanta moolal waa xaddi walaxeedka ku jira hal kiiloo-garaam oo milaha ah.
ribo
Nafley salka ku siqid.
ricidh
(c.nafl.) Mid kasta oo ka mid ah lafaha sameeya taxa lafdhabarta. ld ricir (1).
ricir
1. ld ricidh. 2. Buur yar oo dhul siman ku taal.
rid
1. Wax hoos u sii deyn. 2. Qof jago ama dhibco ka qaadid. 3. Xabbad, waran iwm gannid. 4. Wax wax kale dul saarnaa ka tuurid. 5. Ka r.: dugaag ama tuug wax uu sito ka dhigid. 6. Ku r.: xoolo ama dad jid ay maraan ku hagaajin. 7. U r.: meel ama weel gudihiisa wax gelin si wax ku jira loogala soo baxo. 8. Isha ka r.: arrin xalkeeda asiibid. 9. Dib u r.: arrin fulinteeda dib u dhigid.
ridan
Xabbad wax la riday noqosho.
riddaami
Wax culus hore u riixid.
riddo
1. Waran, hooto iwm oo si xoog leh loo tuuray. 2. Diin lagu jiray oo laga baxo, laga noqdo.
riddoobid
ld riddow¹.
riddow
Diinta Islaamka ka bixid.
ridim
Dhawaaq si darandoorri ah iskaga dabadhaca.
ridiq
1. R. ah: cajiin. 2. ld ridqid.
ridmo
Dhabaq la'aanta iyo isku dubbadhaca cod, muusig iwm.
rido
1. Waran, fallaar iwm ganasho. 2. Qof arrin fikrad ka dhiibasho ama ka qayb qaadasho. 3. Ka r.: dugaag ama tuug wax ay dhaceen ka badbaadsasho. 4. Ku r.: wax, wax uu qaadi karo dhex gashasho. 5. U r.: meel ama weel gudihiisa wax gelin. 6. U r.: wax dusha saarasho. 7. U r.: wax mas'uuliyad-diisa qaadid.
ridqan
Badar wax la ridqay ahaansho.
ridqanaan
ld ridqa-naansho.
ridqanaansho
/dh ld ridqanaan.
ridqid
ld ridiq¹ (2).
ridqo
Badar cajiin ka dhigasho.
rif
1. Dhogor ama baal si xoog ah maqaar uga gurid. 2. Laf hilib ka dhammeyn. 3. Maro dun ka bixin. 4. Ka r.: qof ciidan ka tirsan garaaddo ka qaadid.
rifan
Maqaar, maro iwm wax la rifay noqosho.
rifasho
ld rifad.
rifnaan
ld rifnaansho.
rifnaansho
/dh ld rifnaan.
rifo
1. Dhogor, baal iwm maqaar xoog uga gurasho. 2. Laf hilib ka feenasho. 3. Caw, nagaar iwm xoolo ilka ku goosasho.
rifrif
1. Timo si xun loo xiiray. 2. Ganka ay yeeshaan maro, derin iwm. 3. Cad-cad ka haray wax la kala googooyay.
rifrifan
Timo, dhogor, derin, xaashi iwm, wax rifrifmay noqosho.
rifrifasho
ld rifrifad.
rifrifnaan
ld rifrifnaansho.
rifrifnaansho
/dh ld rifrifnaan.
rifrifo
Laf hilib ka feenasho.
rigaysan
Ciidan wax meel ku safan ahaansho.
rigaysasho
ld rigaysad, rigaysi.
rigayso
1. Cid, koox maskaxdeeda soo jiidasho. 2. Ciidan si habaysan meel ugu safasho.
rigee
Ciidan si habaysan meel ugu safid.
rigli
R. ah: wax joogto ah.
rigo
Isu imaanshaha ciidan ay si nidaam ah meel isugu imaadaan.
rigoo
Ciidan rigo u istaagid.
rigoore
Laad xor ah oo laga gano meel 11 (kow iyo toban) tallaabo u jirta goolka afkiisa (kubbadda cagta).
rigrig
Weel rigrigo afka kaga tolid.
rigrigan
Wax rigrig lagu tolay ahaansho (weel).
rigrigee
Weel rigrigo u yeelid.
rigrignaan
ld rigrig- naansho.
rigrignaansho
/dh ld rigrignaan.
rigrigo
Weel rigrig ku tolasho.
riibi
Dhuug; gendi.
riibibax
Qaxidda laga qaxo meelaha riibigu ka kaco.
riibisheex
Neef xoola ah oo cudurka riibiga guri ka ah.
riig
Mishiin culus oo ceelasha dhaadheer lagu qodo si biyo, macdan iwm looga soo saaro.
riigbax
1. R. ah: weel gaaray waqtigii uu hooraha lagu shubo ceshan lahaa. 2. ld riigbixid.
riigbixid
ld riigbax¹ (2).
riiji
1. Wax liiliijin ama gilgilid. 2. Nafley nafaqo siin.
riinje
Quwaaxa meseggada nooca la ruugo oo macaan biyo badanna leh; kiinje.
riiq
Adkeysiga loo yeesho orodka muddo dheer. ld riir².
riiqan
Wax la riiqay ahaansho (badar, dhuxul iwm).

