0

runnimo

m dh

Run ahaansho.

0

runsheeg

m l

Eeg: runsheegid

0

runsheegid

m dh

Sheegidda xaqiiqada. ld runsheeg.

0

ruq

f mg1 (-qay, -qday)

Geed wax xididdadiisu dhulka ka soo wada fuqeen noqosho.

0

ruqaansad

m l

Eeg: ruqaansasho

0

ruqaansasho

m f dh

ld ruqaansad, ruqaansi, ruuqaansad, ruuqansasho.

0

ruqaansi

m l

Eeg: ruqaansasho

0

ruqaanso

f mg3 (-saday, -satay)

1. Neef geel ah kicid isku dayid. 2. Nafley fadhida kuurkuursi samayn. ld ruuqaanso.

0

ruqasho

m f dh

Eeg: ruqo²

0

ruqid

m f dh

Eeg: ruq²

0

ruqo

f mg3 (-qday, -qatay)

Qof ama neef xoolaad aad u caatoobid.

0

ruqsad

m dh

Eeg: ruqso¹

0

ruqsasho

m f dh

Eeg: ruqso²

0

ruqsayn

m f dh

Eeg: ruqsee

0

ruqsayso

f mg3 (-stay, -satay)

Qof shaqo ka tegid.

0

ruqsee

f g2 (-seeyay, -saysay)

Qof ruqso siin.

0

ruqso

m dh (-ooyin, m.l)

1. Idan; fasax. 2. Shaqo ka fariisin qof hawshii uu hayey laga fariisiyo. 3. Warqad ay ku qorantahay oggolaasho wax reebban. ld ruqsad.

0

ruqur

m dh (-qro, m.l)

1. Cad yar oo hilib ah oo ku yaalla daloolka dhegta hortiisa. 2. Wax yar oo ka soo yuubo meel sulub ah.

0

ruquus

m l

Eeg: raquus¹

0

ruquusid

m dh

raquusid.

0

rushayn

m f dh

ld rushays.

0

rushays

m l

Eeg: rushayn

0

rushaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Dhul wax biyo si habaysan loogu bilbilay ahaansho.

0

rushaysasho

m f dh

Eeg: rushayso

0

rushaysnaan

m f dh

ld ru- shaysnaansho.

0

rushaysnaansho

m l

/dh ld rushaysnaan.

0

rushayso

f g3 (-stay, -satay)

Qof meel biyo ku bilbilasho.

0

rushee

f g2 (-sheeyay, -shaysay)

Dhul biyo si habaysan ugu bilbilid.

0

ruub

f lg1 (-bay, -btay)

Wax meel bacaad, dambas iwm dhexgelin. ld ruubi.

0

ruubad

m l

Eeg: ruubasho

0

ruubasho

m f dh

ld ruubad.

0

ruubi

f lg2 (-iyay, -isay)

Eeg: ruub²

0

ruubid

m f dh

ld ruubin, ruubis.

0

ruubin

m dh

Eeg: ruubid

0

ruubis

m dh

Eeg: ruubid

0

ruubo

f mg3 (-btay, -batay)

Ciid jilicsan iwm dhexgelid, ku dhex librid.

0

ruud

m dh u

Qoryo waaweyn oo dogobta laga jeexjeexo dabkana lagu shito.

0

ruug

m l (-gag, m.l)

1. Meesha ay iska galaan bowdada iyo dhudhunka; jilib; low. 2. Madaxa kuusan ee laba lafood iska galaan.

0

ruugaami

f mg2 (-iyay, -isay)

Jaan iyo jiib cayaar la raacid.

0

ruugaamin

m f dh

ld ruu- gaamis.

0

ruugaamis

m l

Eeg: ruugaamin

0

ruugaan

m dh

Habka jiib, jaan iyo sacab isku dubbadhacsani u dhadhammaan.

0

ruugan

f mg4 (-gnaa, -gnayd)

Wax la ruugay ahaansho.

0

ruugcadde

m l (-dayaal, m.l/dh)

Nin da' weyn oo karti iyo waaya-aragnimo badan leh.

0

ruugid

m f dh

Eeg: ruug²

0

ruugmaraar

m l (-rro, m.dh)

Oday xooggan.

0

ruugnaan

m f dh

ld rug-naansho.

0

ruugnaansho

m l

/dh ld ruugnaan.

0

ruum

m l

Nooc khamrada ka mid ah oo aalkolku ku badan yahay.

0

ruumi

m l

Nooc gogosha guryaha dhulkooda lagu fidsado ka mid ah oo qurxan, adag oo dhogor leh.

0

ruun

m l (-uuman, m.l)

Meel degaan ku habboon.

0

ruunbax

m l

Cagaar badan oo ku yaal meel la degi jiray.

0

ruuq

f g1 (-qay, -qday)

Cunno qoyan oo jilicsan, afka ku cunid, ku bashuuqsasho.

0

ruuqaansad

m l

Eeg: ruqaansasho

0

ruuqaansasho

m dh

Eeg: ruqaansasho

0

ruuqaansi

m l

Eeg: ruqaansasho

0

ruuqaanso

f mg3 (-saday, -satay)

Eeg: ruqaanso

0

ruuqid

m f dh

Eeg: ruuq

0

ruur

m l kh

R. ah: dad, alaab iwm oo da' weyn gaaray.

0

ruuri

f g2 (-iyay, -isay)

Wax gaboobay xannaaneyn.

0

ruurin

m f dh

Eeg: ruuri

0

ruus

m l

R. ah: fadhiid.

0

ruux

m l

1. Naf. 2. Qof.

0

ruuxaan

m dh

Eeg: rooxaan

0

ruuxgoo

f g2 (-ooyay, -oysay)

Nafley nafta ka qaadid.

0

ruuxgoyn

m f dh

Eeg: ruuxgoo

0

ruuxi

f g2 (-iyay, -isay)

Nafley dhimanaysa naf ka dhawrid.

0

ruuxin

m f dh

Eeg: ruuxi²

0

rux

f g1 (-xay, -xday)

1. Haan caano ku jiraan lulid si subag looga dhaliyo. 2. Wax gilgilid.

0

ruxad

m l

Eeg: ruxasho

0

ruxan

f mg4 (-xnaa, -xnayd)

Haan caano ku jiraan wax la ruxay ahaansho.

0

ruxasho

m f dh

ld ruxad.

0

ruxid

m f dh

Eeg: rux

0

ruxmasho

m f dh

Eeg: ruxmo

0

ruxmid

m f dh

ld ruxmasho.

0

ruxmo

f mg3 (-maday, -matay)

Eeg: ruxan¹

0

ruxnaan

m f dh

ld ruxnaansho.

0

ruxnaansho

m l

/dh ld ruxnaan.

0

ruxo

f g

/mg3 (-xday, -xatay) 1. (f.g) Qof, wax hilasho. 2. (f.g) Qof, haan caano ku lulasho. 3. (f.mg) Wax iskood u lulasho ama gilgilasho.