r
Xarafka toban iyo toddobaad ee xuruufta af soomaaliga, waana shibbane.
ra'iisalwasaare
(siyaa.) Qof madaxa u ah golaha wasiirrada ee dawladeed.
ra'iisle
Ninka timaha madaxa dadka gaagaabiya ama qurxiya. ld rayiisle.
ra'li
'yi.
ra'libixi
'yibixi.
ra'libixin
'yibixin.
ra'liyayn
'yiyayn.
ra'liyee
/mg2 (-yeeyay, -yaysay) ld ra'yiyee.
ra'yi
Figradda qof leeyahay ee uu ku cabbiro ujeeddooyin-kiisa. ld ra'li.
ra'yibixi
Ka r.: arrin figrad ka dhiibasho. ld ra'libixi.
ra'yibixin
'yibixi. ld ra'libixin.
ra'yiyayn
'yiyee. ld ra'liyayn.
ra'yiyee
/mg2 (-yeeyay, -yaysay) 1. (f.g) Arrin mala-awaalid. 2. (f.mg) U r.: cid talo fiican siin. ld ra'liyee.
ra'yulcaam
Figrad dadka intiisa badani isku raacsantahay.
raab
Qayb.
raabac
Qof buuxiya kaalin cayaar turub oo maran.
raabacad
Cayaar turub (dabaka-eri) marka saddex raani baxdo tan afaraad ee harta.
raabakh
Qalab aad u gaboobay.
raabakhsan
Wax raabakhay ahaansho (qalab).
raabakhsanaan
ld raabakhsanaansho.
raabakhsanaansho
/dh ld raabakh-sanaan.
raabaraabe
Laba kooxood ama wax ka badan oo kala dandambeeya isku jihana u socda; kooxkoox. ld raaberaabe.
raabiya
Cudur muddo gaaban oo uu keeno fiirus, wuxuuna ku dhacaa maskaxda iyo xangullada ee xoolaha dhiigga kulul, waxaana sida badan dadka u gudbiya qaniinyada ey cudurka qaba. Astaamuhu waxay soo baxaan muddo u dhexeysa 10 beri ilaa sannad waxayna ka koobanyihiin: jir xanuun, qandho, dhibaato neefsashada, dhareerid, xilliyo qofku aad u kacayo iyo muruq-roor xanuun badan oo ay liqiddu keento. Xaaladaha dambe ee cudurka; aragga biyaha oo keena qallal iyo curyaannimo. Dhimashadu waxay dhacdaa 4-5 beri dhexdood.
raabsasho
ld raabsi, raamsasho, raamsi.
raabso
1. Xoolo wax calalin; baryaqaadid. 2. Dad wax calalin. ld raamso.
raac
/mg1 (-cay, -cday) 1. (f.g) Cid socod ku wehelin. 2. (f.g) Waddoqaadid. 3. (f.g) Diyaarad, baabuur iwm oo socda fuulid. 4. (f.g) Bahal iyo dayac xoolo ka ilaalin. ra'yi 5. (f.g) Cid cayrsasho. 6. (f.mg) Ku r.: cid iwm la oggolaan. 7. (f.mg) La r.: xoolo iwm garaacid.
raacatannimo
Raacato ahaansho.
raacato
Dad reer guuraa ah oo miyiga ku nool oo xoolo dhaqda.
raacdarreeb
Dad gadaal ka daafacaya col wax dhacay ama wax dilay; Geeddan.
raacdaysasho
ld raacdaysi.
raacdayso
1. Nafley cayrsasho. 2. Wax raadsasho.
raacdee
1. Nafley daba ordid. 2. Xoolo lumay raadin. 3. Nafley meel ka cayrin.
raacdo
1. Ciidan laga daba diro ciidan wax laayay ama dhacay.
raaci
1. Wax socda wax kale ku darid. 2. Xoolo cid ilaalisa u yeelid. 3. Habaar ama duco cid ku larid. ld raacsii.
raacin
ld raacis, raacsiin.
raaciye
1. Dad waddan ku wada nool inta maamulka haysa mooyaane inta kale oo la xukumo; shacbi. 2. Dad inta aan ciidan ahayn; rayid. ld raaciyad.
raaco
1. Qof hantidiisa ama dantiisa daryeelasho. 2. Qof cilmi diineed barasho.
raacsan
1. Ku r.: qof, cid kale la fikrad ahaansho. 2. Wax meel ama wax kale ka tirsan ahaansho. 3. Wax wax kale ku dhinac samaysan ahaansho.
raacsanaan
ld raacsa-naansho.
raacsanaansho
/dh ld raacsanaan.
raad
1. Astaanta waxa soconayaa cagtoodu dhulka ku reebto. 2. Calaamad ka harta wax hore u jiray. 3. Xusuus aan qofku illaawi karin.
raad-guri-cagaar
(c.cimi.) Muuqaal fallaaraha qorraxeed ee galay gibilka dhulka: gibilku wuxuu u oggolaadaa tamarta qorraxeed ee hirarka gaaban inay gaarto dhulka dushiisa; tamartaasi waxay kululaysaa dusha dhulka, dabadeedna dhulku tamar kulul oo hirarkeedu ay dhaadheeryihiin ayuu gibilka ku sii daayaa, kulaylkaasna gibilka ayaa lagu hayaa gaar ahaan marka cirku caad leeyahay. Sidaas darteed gibilku wuxuu u shaqaynayaa sida qarshada guri cagaar.
raadar
(fiis.) Qalab dareema meesha iyo jihada socodka ee walxo meel fog maraya sida maraakiibta iyo dayaara-daha, waxana qiyaasta laga qaataa dhudaha birlabdanabeedka soo noqday, kaddib markii ay abbaareen walaxda socotay.
raadgad
U r.: wax raadkooda baabi'in.
raadgado
Cid si aan raadkeeda loo arkin u socosho.
raadgoo
1. Raad- gooyo samayn. 2. Wax cirib tirid.
raadgoob
Baarid la sameeyo si loo helo waxa maqani meesha uu maray. ld raad-goobid.
raadgoobid
ld raadgoob¹.
raadgooyo
Hab loo raadiyo xoolaha dhuma ama wixii kaloo la raadinayo.
raadgur
1. ld raadgurid. Doonidda wax maqan meesha uu maray. 2. ld raadgurid. Baaridda arrin iyada oo la eegayo sidii ay u dhacday. 3. Tuug wax qaaday si uusan ula fogaan sixir lagu sameeyo.
raadgurid
ld raadgur¹ (1,2).
raadguur
Cirib go'idda wax jiri jiray ay cirib go'aan.
raadi
1. Wax raadkiisa doonid. 2. Wax maqan meesha uu ku suganyahay doonid. 3. Wax baarid.
raadin
ld raadis.
raadiye
1. Qalab elek- taroon ah oo wararka dira lagana baahiyo. 2. Saldhigga wararka laga diro. ld raadi-yow.
raadiyografi
(daaw.) Raajada cuduraqoonsiga. Farsamada baari-taanka jirka ayadoo la dhexmarsiinayo fallaraha ekis (x-rays), waxay soo saartaa sawirro (raadiyograafis) ku yaal beniikol loogu talaggalay ama iskriin fallooroshidan leh. Raadiyograafka waxaa loo adeegsadaa cudur aqoonsiga: lafaha jaba, boogcaloo-leed, iyo dhagax gala xameeytihaysta ama kelyaha, marka baaritaanka dibedda uu ku fillaan waayo cudur aqoonsiga.
raadiyoom
(kiim.) Curiye bir ifta ah oo ah kaahfale cad, kana tirsan ururka alkalayn-dhuleed. Waxa ay leedahay dhawr iskugod oo cimri gaaban iyo hal iskugod oo cimri dheer kaas oo ah raadiyam- 226 (cimri-badheedkeeduna ya-hay 1602 sano).
raadka-dobler
(fiis.) Isbeddelka muuqda ee rakaadka ileyska ama jabaqda ay bixisay walax soconaysa, marka loo eego ilaaliya taagaan. Marka ay walaxdu ku soo socoto ilaaliyaha rakaadku waxa uu u muuqdaa mid kororsan; marka ay walaxdu dhaafto ilaaliyaha rakaadku waxa uu u muuqdaa mid hooseeya.
raadka-footoodanabeed
(fiis.) Bixinta elektaroonno ee dusha biraha, marka lagu kaahiyo hirarka,raandee birlabdanabeedka. Tirada elektaroonnada ee baxay waxa ay ku xiranyihiin itaalka kaaha.
raadqaad
1. Wax la raadinayo oo raadkooda la dabaggalo. 2. Sixir.
raadqaadan
Wax sixran ahaansho.
raadqaadid
ld raad-gamid.
raadqaadnaan
ld raadqaadnaansho.
raadqaadnaansho
/dh ld raadqaadnaan.
raadraac
Baarid la sameeyo si arrin hore u dhacday xaqiiqdeeda loo helo. ld raadraacid.
raadraacid
ld raad-raac¹.
raadraacid.
2. Qof sixirid si uu meesha uu ku nool yahay uga cararo. ld raadgan.
raadreebid
Waxyaabaha loo keydiyo taariikh ahaan.
raadsasho
ld raadsi.
raadso
1. Wax maqan daydayasho (qof). 2. Wax meel lagu ogaa ka doonasho.
raadtiro
Qof si aan raadkiisa loo arkin u socosho.
raadyoosonde
(c.cimi.) Qalab iskiis isu rikoorgareeya oo lagu isticmaalo mitroolojiga, badanaa cabbi-raadda cadaadiska sare, isaga oo wata laliye ku dhigan balloon haydrojiin ka buuxdo.
raaf
1. Qoobka hoose ee qanjaafuuluhu ku dahaaranyihiin ee lo'da ama ariga midkood. 2. Olole dad dan gaar ah laga leeyahay oo khasab lagu dumo; qafaal.
raafdillaac
Cudur ku dhaca labada raaf ee xoolaha dhexdooda oo ka dhasha qoyaanka. ld raafqarrar.
raag
1. Waqtiga uu shay soconayo, muddo. 2. Daah, habsaan.

