Qaamuuska Asalka
raabiya
(daaw.)MagacDhexdhexaad
Macnaha
Cudur muddo gaaban oo uu keeno fiirus, wuxuuna ku dhacaa maskaxda iyo xangullada ee xoolaha dhiigga kulul, waxaana sida badan dadka u gudbiya qaniinyada ey cudurka qaba. Astaamuhu waxay soo baxaan muddo u dhexeysa 10 beri ilaa sannad waxayna ka koobanyihiin: jir xanuun, qandho, dhibaato neefsashada, dhareerid, xilliyo qofku aad u kacayo iyo muruq-roor xanuun badan oo ay liqiddu keento. Xaaladaha dambe ee cudurka; aragga biyaha oo keena qallal iyo curyaannimo. Dhimashadu waxay dhacdaa 4-5 beri dhexdood.
Erayo la-mid ah
raabQayb.raabacQof buuxiya kaalin cayaar turub oo maran.raabacKaalin ciyaar turub oo maran buuxin.raabacadCayaar turub (dabaka-eri) marka saddex raani baxdo tan afara…raabakhQalab aad u gaboobay.raabakhQalab, wax aad u gaboobay noqosho.raabakhsanWax raabakhay ahaansho (qalab).raabakhsanaanld raabakhsanaansho.

