0

rasiin

m l kh

R. ah: shaah caleenta iyo sonkortuba ku badan yihiin.

0

rasiley

m dh

R. ah: naag baali ah.

0

rasmi

m l kh

1. R. ah: wax dhab ah. Tus. “War r. ah baa la ii soo sheegay”. 2. R. ah: wax tayo wanaagsan. Tus. “Saacad r. ah baan soo iibsaday”.

0

rasmiyee

f g2 (-yeeyay, -yaysay)

Wax rasmi ka dhigid.

0

rasmiyeyn

m f dh

Eeg: rasmiyee

0

rasnaan

m f dh

ld rasnaansho.ra'yiyee

0

rasnaansho

m l

/dh ld rasnaan.

0

raso

m dh (-ooyin, m.l)

1. Khaanado dusha ka bannaan oo lagu sameeyo dukaamada lana saaro alaabta la gadayo. 2. Habka la isu dulsaaro alaabo.

0

raso-barafeed

m dh (juqr.)

Baraf gogol aad u kala fidsan oo sabbaynaya oo ku fidsan arriig badeedka, tusaale: raso badeedka Ross ee Antaartika, oo daboosha in ku dhaw 414,000 km.2 (160,000 m.2) oo bad ah.

0

raso-qaaradeed

m l (-dyo, m.dh)

(juqr.) Gogosha badda ee garabka ku haysa qaaradaha oo ay ku daboolan yihiin biyo gun gaaban. Sida caadiga ah guntaas biyuhu waxay xirtaa ilaa 600 oo cagood (182.9 mitir).

0

rasto

m dh (-ooyin, m.l)

Waddada baabuurtu marto.

0

rasuul

m l (rusuul, m.dh)

(dii.) Nabi Ilaahay ku amray inuu cid kale gaarsiiyo waxyi loo soo dhiibay.

0

rasuulnimo

m dh

Rasuul ahaansho.

0

rati

m l

Lab geel oo da'dii rarashada gaaray.

0

ratib

m l

; ld ratibid.

0

ratiban

f mg4 (-bnaa, -bnayd)

U r.: cid hawl fulinteeda u xilsaaran ahaansho.

0

ratibid

m f dh

ld ratib¹ (2).

0

ratibnaan

m f dh

ld ratib-naansho.

0

ratibnaansho

m l

/dh ld ratibnaan.

0

ratiina

m l (c.nafl.)

Xuub xasaasi u ah ilayska oo ku dhereran gudaha hore ee isha. Retiinuhu wuxuu ka koobanyahay laba lakab. Lakabka hoose, wuxuu ka koobanyahay unugyo dareenwade, dhuu-mo dhiig iyo laba nooc oo unugyo xasaasi u ah ilayska. Lakabka sare wuu midabay- sanyahay, kaas oo ka hortagga ilays noqod-ka dambe ee ilayska.

0

rawaajiic

m dh u

Nooc ka mid ah xarkaha doonyaha.

0

rawax

f mg1 (-xay, -xday)

Hawl-maalmeed wakhtigeedii dhamaaday ka nasasho tegid.

0

rawaxaad

m dh

Xilliga shaqada laga baxo.

0

rawaxid

m f dh

Eeg: rawax²

0

raxaabasho

m f dh

Eeg: raxaabo

0

raxaabo

f mg3 (-btay, -batay)

Wax hadba dhan u liicid.

0

raxan

m l

Hanti. “Reer iyo r. ma leh”; xoolo la dhaqdo.

0

raxanreeb

m dh

Geed quwaax gaaban leh qodxo dhaadheer oo xooggan, diir cad iyo xanjo.

0

raxiin

m l

1. Magacyada Eebbe mid ka mid ah. 2. R. ah: qof naxariis badan. ld raxiim.

0

raxli

m l (-iyo, m.dh)

Laba loox oo xalleefyo ah oo mar la isgelin karo marna la kala bixin karo, oo kitaabbada dusha laga saaro marka la akhrinayo. ld rixli.

0

raxmad

m dh

Dareen naxariis iyo turaal leh oo dadku gaar u leeyahay.

0

ray

f mg2 (-yay, -ysay)

1. Cid dagaal ama tartan ku guulaysasho. 2. Ka r.: cid xaalad liidata oo ay ku jirtay ka soo wanaag-sanaan.

0

raybosoom

m l (-myo, m.dh)

(baay.) Jidh yar oo dhululubaysan oo ku dhexjira unug nool, kaas oo ah halka lagu sameeyo borotiinka. ribosoomaysan Raybosoomyadu waxay ka koobanyihiin nooc RNA oo la yidhaahdo RNA iyo borotiin.

0

raybows

m l (-syo, m.dh)

(kiim.) Monosakaraydh (C H O) oo inta badan aan keligeed laga helin dabeecadda, laakiin muhim ah sida RNA. Waxa laga soo dhiraandhirriyey dhayogsiribows (C H O) oo muhimad la mid ah leh waxyaabaha ay ka koobantahay DNAdu, taas oo qaadda taxanaha hiddaha koromosoomyada.

0

raydab

m l

Geed weyn, toos u baxa, oo aan qodax lahayn oo udbaha iyo tiirarka laga goosto.

0

rayfal

m l (-llo, m.dh)

Buntukh dheer oo qaada 11 (kow iyo toban) xabbadood oo markiiba ay ka dhacdo hal rasaas.

0

rayfe

m l

Diifta qof ka muuqato nafaqo xumo awgeed.

0

rayid

m l u

1. Shacbiweynaha aan askarta ahayn. 2. Shacbiweynaha inta aan dawlad-da u shaqayn. ld rayad.

0

rayidnimo

m dh

Rayid ahaansho.

0

rayiis

m l (-syo, m.dh)

Meel u furan in timaha lagu jaro ama lagu habeeyo; baarbiyeeri. ld rayiisle (2).

0

rayiisle

m l (-layaal, m.l/dh)

1. Nin xirfaddiisu tahay jaridda iyo habaynta timaha; baarbiyeeri. 2. ld rayiis.

0

rayn

m f dh

Eeg: ray

0

rays

m l

Ciid qoyan oo roob ku da'ay.

0

raysad

m l

Eeg: raysasho

0

raysasho

m f dh

ld raysad.

0

raysmaggaadho

m dh

Eeg: raysmaggaarto

0

raysmaggaarto

m dh

Cagta hoose meesheeda godan ee aan dhulka taaban marka qofku soconayo. ld raysmag-gaadho.

0

rayso

f mg3 (-stay, -satay)

1. Nafley cudur ka bogsasho. 2. Ka r.: nafley xaalladdii hore ee ay ku sugnayd mid ka wanaagsan gelid.

0

raysoom

m l (-myo, m.dh)

(bot.) Jirid gudban oo dhulka hoostiisa marta. Waxay siisaa geedka awood uu kaga gudbo xilli una gudbo mid kale. Waxay noqon kartaa mid dhuuban oo qalqalloocan, mid jiidh leh ama mid bararsan.

0

raytool

m l (-llo, m.dh)

Lab hal xiniin ka maqantahay; xiniinka.

0

raytoolnimo

m dh

Raytool ahaansho.

0

reeb

f g

/mg1 (-bay, -btay) 1. (f.g) Nafley ama wax kale wax ay la socdeen raaciddooda u diidid. 2. (f.mg) U r.: farriin, lacag iwm cid meel u dhigid. 3. (f.mg) Ka r.: cid fal xun oo ay samaysay ka celin. 4. (f.mg) Laba xaraf shaqal iskula xirid.

0

reeban

f mg4 (-bnaa, -bnayd)

1. Wax samayntooda iyo cuniddooda la diiddanyahay ahaansho. 2. Laba xaraf wax shaqal la iskula xiray ahaansho.

0

reebanti

m dh

1. Magac xiddig dadku sharaystaan. 2. Qof dhasha xilliga xiddigga reebanti uu muuqdo.

0

reebasho

m f dh

Eeg: reebo

0

reebban

f mg4 (-naa, -nayd)

Fal samayntiisa la xaaraantinnimeeyey ahaansho.

0

reebbanaan

m f dh

ld reebbanaansho.

0

reebbanaansho

m l

/dh ld reebbanaan.

0

reebe

m l

Eeg: reeb

0

reebi

m l

Biyaqabatin weyn ku sameysma buuraha agtooda.

0

reebid

m f dh

ld reebis.

0

reebis

m dh

Eeg: reebid

0

reebnaan

m f dh

ld reebnaan-sho.

0

reebnaansho

m l

/dh ld reebnaan.

0

reebo

f g3 (-btay, -batay)

1. Wax la bixinayo qaar la harid. 2. Wax fal xun ka celin.

0

reebtoomid

m f dh

Eeg: reebtoon

0

reebtoon

f mg1 (-oomay, -oontay; -oomi)

Ka r.: cid fal xun oo ay samayn jirtay ka waantoobid.

0

reeci

f g2 (-iyay, -isay)

Waran, ul, fallaar iwm dalfin.

0

reecin

m f dh

Eeg: reeci

0

reed

m dh (-do, m.l)

Dhinac; gees; baal; dhan.

0

reeme

m l (-mayaal, m.l/dh)

1. (muus.) Durbaan weyn. 2. (c.nafl.) Xuub yar oo u dhexeeya dhegta qaybteeda sare iyo midda hoose.

0

reemid

m f dh

ld riimid.

0

reen

f mg1 (-eemay, -eentay; -eemi)

Hal dhashay, qof buka, libaax iwm reen samayn. ld riin².

0

reer

m l (-ro, m.l)

1. Laba qof oo isqaba iyo ubadkood; qoys. 2. Dhawr qoys oo wadaaga dhalasho ama degaan.

0

reerbaaddiye

m l u

Dad miyiga ku nool ee aan reer magaalaha ahayn; reermiyi.

0

reerbaaddiyenimo

m dh

Reerbaadiye ahaan-sho.

0

reerbeled

m l

Reermagaal.

0

reercad

m l

Geela iyo riyaha.

0

reerguuraa

m l

Dhaqanka beeraleyda daaqsatada ayaa in ay u kale kaxeeyaan kadimadooda iyo dhyohooda laba gobol oo cimiladoodu kala duwantahay. Gobollada buuraleyda ah xoolaha waxa laga kaxeeya daaq-buuredka jiilaalkii waxaana dib loogu soo celiyaa xagaaga.

0

reerguuraraac

m l

Eeg: guuraraac

0

reerguuraraacnimo

m dh

Eeg: guuraraac-nimo

0

reermadow

m l

Idaha iyo lo'da.

0

reermagaal

m l u

1. Dadka intiisa magaalooyinka ku nool. 2. R.ah: qof ilbax ah. ld reermagaalo.

0

reermagaalnimo

m dh

Qof reer magaal ah- aansho.

0

reermagaalo

m l

Eeg: reermagaal

0

reermiyi

m l u

Dadka miyiga ku nool.

0

reermiyinnimo

m dh

Reermiyi ahaansho.

0

reeryee

f g2 (-yeeyay, -yeysay)

Eeg: heeryee

0

reeryeyn

m dh

Eeg: heeryeyn

0

reeryeysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Eeg: heeryeysan

0

reeryeysnaan

m dh

Eeg: heeryeysnaan

0

reeryeysnaansho

m l

/dh ld heeryeysnaan.

0

reeryo

m dh

Eeg: heeryo

0

reexaan

m dh

Eeg: riixaan

0

rejee

f g2 (-jeeyay, -jeysay)

ąjee.

0

rejen

m l

Eeg: rajab

0

rejeyn

m dh

ąjayn.

0

rejo

m dh

ąjo.

0

reydab

m l

Geed hareeriga u eg, qodax lahayn, ubax cad oo udgoon leh, oo laga goosto udbaha aqallada.

0

reyfali

m l

Quful weyn.