liicin
ld liicis.
liicliic
Hadba dhinac u janjeersasho.
liicliicid
ld liicliic¹.
liicliicsan
Wax liicliica ahaansho.
liicliicsanaan
ld liicliicsanaansho.
liicliicsanaansho
/dh ld liicliicsanaan.
liicsan
Wax dhinac u qallooca ahaansho.
liicsanaan
ld liicsanaansho.
liicsanaansho
/dh ld liicsanaan.
liicsasho
ld liicsad, liicsi.
liicso
Wax dhinac u janjeersasho.
liid
1. L. ah: qof jilicsan oo tabar yar. 2. Nacas, doqon.
liidaanyeysan
Qof wax liidaanyo hayso ahaansho.
liidaanyeysnaan
ld liidaanyeysnaansho.
liidaanyo
Dareen dadka saaqa, matag keeni kara, oo ka dhasha xanuun ama cunto la cunay; laqanyo; lallabbo; ladaadyo.
liidaanyoo
Liidaanyo dareemid.
liidnimo
Nacasnimo.
liido
Cid cudur ama dhaqaale darro awgeed la tabar yarayn.
liif
1. Liif ciyaarid. 2. Caatoobid. ld luuf.
liifad
1. Tidac dun ah, la geliyo feynuusyada gaaska oo marka la shido bixiya iftiin. 2. Bir yar, buntuqa afkiisa hore ku samaysan oo wax lagu shiisho.
liifan
Wax caatoobay ahaansho.
liifid
ld luufid.
liifnaan
ld liifnaansho.
liifnaansho
/dh ld liifnaan.
liig
Garanuugta keeda lab.
liil
1. Dun mayraxeed oo adag. 2. L. ah: wax adkaysi leh.
liilami
Ku l.: wax meel ku safid.
liilan
Dun dhuuban, miiqan oo wax lagu tosho.
liilansan
Ku l.: wax wax kale ku lammaan ahaansho.
liilansanaan
ld liilansanaansho.
liilansanaansho
/dh ld liilansanaan.
liilgeli
1. Wax qiimaha ay leeyihiin siin. 2. Wax dhammaystir.
liili
Xaskul, harag iwm si ay u jilcaan garaacid.
liiliye
Qalab hargaha lagu jilciyo.
liilliiji
Wax meel suran oo adag ruxruxid. ld liiqliiqi.
liilliijin
ld liilliijis, liiqliiqin, liiqliiqis.
liilo
Hees dhaqameed waaya hore la qaadi jirey.
liimo-xaali
Liin bambeelmada ka yaryar liin dhanaantana ka waaweyn oo dhadhan macaan leh. ld liin-xaali.
liimonaato
Walax budo ah oo la qaso laiskuna qaras bixiyo.
liin
1. Miro yaryar, kuuskuusan, leh biyo dhanaan oo laga helo fitimiin C. 2. Geedka mirahaasu ka baxaan. 3. Midabka dharka lagu naqshadeeyo. ld liimo.
liin-ugunji
Geed caleemo dhuudhuuban leh, dhala miro kulkulucsan oo midab hurdi ah leh, lana miirto biyaheeda. ld liimo-ugunji.
liinbax
Mayrmidda dhar iwm midabkoodu mayrmo marka biyo la geliyo. ld dhiinbax¹.
liinbixid
ld dhiinbixid.
liindhanaan
Nooc liinta ka mid ah oo dhadhan dhanaan ah leh. ld liimadhanaan.
liinfoomo
1. (daaw.) Buro daran oo ka baxda qanjirrada liinfada. 2. (daaw.) Kansarka qanjirrada liinfada.
liinmacaan
Nooc liinta ka mid ah oo dhadhan macaan leh; liimo-xaali.
liiqliiqasho
ld liiqliiqad.
liiqliiqo
Wax aan si fiican meel u haysan ruxruxasho.
liire
Lacag dalal dhawr ah laga isticmaalo ama laga isticmaali jiray sida dalka talyaaniga.
liis
Magacyo badan oo meel ku tixan. ld liisto.
liishaaman
Wax nishaaban ahaansho.
liishaan
Wax shiishid.
liishaannaan
ld liishaannaansho.
liishaannaansho
/dh ld liishaannaan.
liitir
Halbeeg lagu cabbiro hooraha una dhigma 1000 senti mitir oo saddex jibbaaran. ld litir.
liitiyam
(kiim.) Bir firfircoon oo fudud oo sida xariirta oo kale ah; waana curiyaha ugu horreeya biraha alkali (ururka I ee tusaha kalgalka curiyayaasha). Waxay ku jirtaa silikeytyo kakan oo badan.
likaaco
Hadal jeesjees ah.
likaacoo
Ka l.: cid ku jeesjeesid.
likayn
lisasho
likaysan
Wax meel ku mudan oo aan dhaqdhaqaaqin ahaansho.
likaysnaan
ld likaysnaansho.
likaysnaansho
/dh ld likaysnaan.
like
Geed yar oo dhulka ka soo fooca oo aan caleemo iyo ubax midna yeelan, midabkiisuna guduudyahay, boqoshaaga u eg oo la cuno.
likee
Ka l.: wax meel ka taagid.
liko
/dh.kh U uga dhex muuqda dadka dabeecad gaar ah.
lilan
Dhul mudda badan la daaqay oo xaalufay.
lillaahi
1. Daacadnimo. 2. L. ah: qof daacad ah.
lillaahidarro
Daacad la'aan.
lillahhinnimo
Lillaahi ahaansho.
limad
Falidda dhul beereed sarac ku yaal oo caws iwm laga falay.
liman
Beer wax la limay ahaansho.
limf
(c.nafl.) Dareere aan midab lahayn oo laga helo habdhiska limf, kaas oo ka soo shubma meelaha u dhexeeya unugyada. Limfku wuxuu u egyahay balaasmaha dhiigga wuxuuna ka koobanyahay biyo iyo walxo kale oo ku milan, sida cusbo iyo borotiinno.
limfosayt
(c.nafl.) Nooc ka mid ah unugyada cad cad ee dhiigga oo leh bu' ballaadhan iyo saytoobalaasam yar. Limfosaytyadu waxay ku samaysanyihiin gummudka limfka, waxaanay soo saaraan ilaa rubuc ka mid ah unugyada cad cad. lid Muhimad weyn ayey ku leeyihiin xagga difaaca jidhka, waxaanay masu'uul ka yihiin falgallada ka baxeed marka ay jirto nashaadin jidh-dhaliye si loo soo saaro lid jidh-gale.
limmo
Dhiiqo darteed la socon waayid.

