labanlaabnaansho
/dh ld laballaabnaan.
labaqalbacle
(c.nafl.) Miro laba beer leh.
labaqayd
Maro laba qayd ka kooban.
labaraafle
Xoolaha intooda cagta ay dhulka dhigayaan ay tahay laba raaf sida biciidka, lo'da, ariga, deerada iwm.
labasaab
(fiis.) Nooc toobineed oo leh xoodbeeg ka weyn hal, ama 533laba-sakaraydh waa xood furan oo leh laba laamood iyo laba dhibcood ee wanqareed. Habdhiska kullannada kaartis, isle'egla beegaalka ah ee labasaab waa: x2 - y2 = 1. ld labosaab.
labasho
ld labad.
labashub
1. ld labashubid. Ka soo saaridda laba qof ay si darandoori ah ceel biyo uga soo saaraan. 2. L. ah: ceel biyo badan, gaaban oo laba qof ay shubi karaan.
labashubid
ld labashub¹ (1).
labaxiddigle
Sargaal ciidan oo darajadiisu tahay laba xiddig.
labayn
ld labays.
labaysasho
ld labaysad, labaysi.
labayso
Wax la haystay, wax labaad ku darsasho.
labbax
1. Dad badan ama waxyaalo badan, qof ama wax ka doorasho. 2. Qof la soo bixid. 3. Gabar guursasho.
labbis
1. Dhar lagu xarragoodo. 2. Dhar gaar ah oo lagu yaqaano ciidamada, ardada iwm. ld lebbis¹.
labbisan
Qof dhar qurxoon xirtay ahaansho. ld lebbisan.
labbisasho
ld labbisad, lebbisad, lebbisasho.
labbisid
ld lebbisid.
labbisnaan
ld labbisnaansho, lebbisnaan, lebbisnaansho.
labbisnaansho
/dh ld labbisnaan.
labbiso
/mg3 (-stay, -satay) Labbis qaadasho.
labee
Wax mid ahaa wax kale ku darid.
labeeb
1. Nafley astaamihii dheddigga iyo labkaba leh. 2. Xayawaan ama geed ubaxley ah oo xubnaha taranka ee dheddigga iyo labkaba leh. ld labeebshe, labeebyo.
labeebnimo
Labeeb ahaansho.
labeebshe
1. ld labeeb¹. 2. (bot.) Geedgaab leh caleemo yaryar, qodxo yaryar oo toostoosan, laamo toostoosan oo cadcad iyo miro macaan oo la cuno; garoorshe.
labeen
Lakab xalleefsan oo dufan ah oo badanaa caanaha dhayda ah dusha ka fuula.
labeenaysasho
ld labeenaysad, labeenaysi.
labeenayso
Labeen yeelasho.
labeensasho
ld labeensad, labeensi.
labeenso
1. Wax labeen ka qaadasho. 2. Labeen marsasho.
laben
1. Shay dhoobo ka samaysan oo la dubo qaabab badanna loo yeelo oo wax lagu dhiso. 2. Caano.
labnaan
ld labnaansho.
labnaansho
/dh ld labnaan.
labo
1. Tirada kowda iyo saddexda u dhexeysa; “2”. 2. Labadaba. Tus. “Labadaba way fiicanyihiin”.
labood
Nafley inta labka ah ee aan dheddig ahayn.
lacaaf
1. Hilib yar oo la suro jilibka oo kalluunku soo raaco. 2. Wax kasta oo lagu soo jiito wax la ugaarsanayo; callaal. ld callaaf.
lacag
1. Warqado ama macdan xordan, qaab go'an leh oo dawlad ama banki sharci ulaf lihi sameeyo si badeecooyinka loogu bedesho. 2. Bati.
lacagaale
Geedgaab qodax leh oo miro la cuno, mayrax iyo xabag macaanba leh, oo ka baxa dhadhaabaha, jeerinkana la bah ah.
lacagee
Badeeco lacag ku beddelid.
lacageysasho
ld lacageysad, lacageysi.
lacageyso
1. Badeeco lacag ku beddelasho. 2. Lacag yeelasho.
lacanadeysnaansho
/dh ld nacaladeysnaan.
laciif
l. ah: qof aad u tabar daran. ld daciif¹, liciif¹.
laciifad
Qof dumar ah oo aad u tabar yar. ld daciifad.
laciifi
Wax laciif ka dhigid (nafley, feynuus iwm). ld daciifi, liciifi.
laciifid
ld daciifid, liciifid.
laciifin
ld daciifin, daciifis, laciifis, liciifin, liciifis.
laciifsan
Wax tabar yar ahaansho. ld daciifsan.
laciifsanaan
daciifsanaansho, laciifsanaansho.
laciifsanaansho
/dh ld laciifsanaan.
laciin
Qof dagaal, khayaano iyo diradiro badan.
lacnadeysnaansho
/dh ld nacaladeysnaan.
lad
1. Isku l.: wax xil iska saari waayid. 2. Ku l.: wax ku raaxaysasho. ld led.
ladaab
Legga xoolaha.
ladaabasho
ld ladaabad.
ladaabi
Xoolo maalin walba waraabin.
ladaabin
ld ladaabis.

