laallaad
Ka raaracidda wax meel sare ka raaracaan.
laallaadi
Wax meel sare ka raaricin.
laallaadid
ld laalaadis².
laallaadin
ld laallaadis¹.
laallaadsan
Wax meel ka lalmada ahaansho.
laallaadsanaan
ld laallaadsanaansho.
laallaadsanaansho
/dh ld laallaadsanaan.
laalnaan
ld laalnaansho.
laalnaansho
/dh ld laalnaan.
laaluush
Lacag ama wax kale oo loo bixiyo ama loo qaato in arrin aan gar ahayn lagu fuliyo.
laaluushan
Wax laaluush qaatay ahaansho.
laaluushnaan
ld laaluushnaansho.
laaluushnaansho
/dh ld laaluushnaan.
laaluusho
Cid dani ku xirantahay laaluush siisasho.
laam
(4).
laama
Naasley geela la bah ah oo aan kurus lahayn, lagana helo Ameerikada koofureed, leh sur dheer oo dhuuban, dhego dhaadheer iyo dhogor jilicsan, cufan oo dhaadheer oo la rarto, hilibkeedana la cuno, dhogorteedana dhar laga sameeyo.
laamaddoo
Lulmo darteed in yar indho isku qabasho.
laamallooye
Geed laan kaliya ka kooban oo dheer, jirriddiisuna dhuubantahay, dushana had iyo jeer ku leh caleemo cagaaran. ld laamalloodshe.
laambad
1. Qasac yar oo af dheer iyo dheg la qabsado leh oo la ifsado. 2. Nal.
laamee
1. Geed laamo yeelasho. 2. Ilmo laan yar la dhicid.
laami
Gufar madow oo ka hara badroolka, dhuxusha iwm oo lagu sameeyo waddooyinka.
laan
1. Xubinta taranka ee haweenka. 2. Geed lugtool ah. 3. Geed bixiya miro laysku daaweeyo. 4. ld laam. Magaca carbeedka xarafka “L”.
laancaddaad
Xilli roobkii da'ayey gabaabsaday, geedihiina caddaadeen, irmaankii xoolaadna caana yareeyeen.
laancigaaleed
Qalab waayihii hore lagu dagaalami jirey oo inta dhagax la geliyo laga tuuro.
laandeyr
Laan xoog leh oo xarig lagu xiro, oo inta la soo xoodo ugaarta lagu dabo.
laandheer
L. ah: qabiil tira badan ama gobnimo ku faano.
laandheeraan
ld laandheeraansho, laandheeri.
laandheeraansho
/dh ld laandheeraan.
laandheere
1. Qof qabiil tira badan ka dhashay oo gobnimo ku faano. 2. Qabiil tiro badan.
laandhici
Ugaar dabin loo dhigayo geed qoyan u dhigid.
laandhicin
ld laandhicis.
laangare
Qof lug la' ama ka dhuntinaya; jiis. ld laangarre.
laangoo
Laan gooyo samayn.
laangooyn
ld laangooyo (1).
laangooyo
1. ld laangooyn. Goynta xilli abaar ah xoolo loo gooyo geedaha magoolay laamahooda. 2. Jaridda meel jiq ah laame laga jaro si loo maro. 3. Astaan lagu muujiyo jaho la aaday.
laanqayr
Astaan istilaab ah.
laaq
1. Wax isku qasan. 2. Cod dad oo meel dheer laga maqlo.
laaqi
Luuqayn.
laaqin
ld laaqis.
laarri
Qof dhib badan.
laarrinnimo
Laarri ahaansho.
laas
Ceel yar.
laashin
Qof maansada tiriya.
laashinnimo
Laashin ahaansho.
laasim
Wax joogto ah.
laasimo
1. Wax caadaysasho. 2. Meel ku raagid.
laasin
1. Nooc ka mid ah siyaaqadda ay dumarku qaataan oo ka samaysan dahab ama lacag. 2. Raatibka tusbaxa.
laastiko
Wax ka samaysan maaddo marka la kala jiido aan go'in ee kala baxa.
laatiin
Far ama af qaddiim ah oo Roomaaniyiintii hore ku dhaqmi jireen.
laaxig
Bayd faal oo madaxa ka ah labo, tan ku xigtana hal, manjaha iyo tan ka sarreysana min labo.
laaxin
Hadal siduu u dhawaaqi lahaa aan loo qorin ama loo akhrin; gef; qalad.
laayaan
L. ah: nafley, nafleyda kale si naxariisdarro ah u waxyeeleysa.
laayac
1. Qof xoolaha lumiya oo aan si fiican u ilaalin. 2. Wax aan la ilaalin. ld layac¹.
laayacan
Wax aan la ilaalinayn noqosho. ld layacan¹.
laayacmid
ld layacmid.
laayacnaan
ld laayacnaansho, layacnaan, layacnaansho.
laayacnaansho
/dh ld laayacnaan.
laayicid
ld layicid.
lab
1. Labada jaad ee nafleydu u kala baxdo, midka aan uurka yeelan; labood, rag. 2. Qas.
laba-atamle
(kiim.) Molikuyuul ka kooban laba atam. Haydarojiin (H), ogsajiin (O), naytarojiin (N) iyo halojiinaduba waxay tusaale u yihiin curiyayaasha laba-atamlaha ah.
laba-danab
(fiis.) Ma- gudbiyaha dhextaalka u ah madhxiyaha, ee marka badad danab la dhex dhigo, dhaliya barabaxa danabka ee aan oggolaanin qulqulka danabka.
laba-duub
Magaca loogu yeero ugaarta inta geesaha leh, (labaduub, saddex-duub...) iyadoo laga soo qaaday wareegga geesaha, halkii wareegba (duub) hal gu'.
laba-eefle
(kiim.) Walaxda leh astaamaha asiidha iyo kuwa beyskaba. Ereygan waxa sida caadiga ah loo adeegsadaa ogsaydhada iyo haydarogsaydhada biraha sameeya ayoonnoo togan iyo ayoonnoo kakan oo taban labadaba.
laba-iyo-tobanle
Qaybta hore ee mindhicirka yar ee lafdhabarleyda. Waa meesha marka cuntadu caloosha ka timaaddo ay kula kulanto dheecaanka xammaytida (oo soo mara marinka xammaytida) iyo weliba insaymyo kale oo ay soo dhiijiyaan qanjidhada dheefshiidku laba tobanlaha laftigiisa, kuwaas oo looga baahanyahay burburinta borotiinnada, kaarboohoydraytyada iyo duxda.
laba-jibbaarane
Afar geesle leh afar dhinac oo toosan oo isle'eg iyo afar xaglood oo qumman. Bedka labajibbaarane waxa lagu helaa labajibbaarka dhinac ka mid ah dhinacyadiisa.
laba-madaxle
(c.nafl.) Muruq laba madax leh. Laba madaxlaha cududda wuxuu ku yaal inta u dhexeysa isgooyska garabka ila isgooyska xusulka wuxuu laabaa cududda iyo dhudhunka wuxuuna xagga calaacasha u rogaa dhudhunka iyo gacanta laba madaxlaha shanshada wuxuu ku yaal xagga dambe ee bawdada wuxuuna qabtaa laabidda jilibka, fidinta bowdada iyo rogidda lugta xagga dibadda.
laba-nafle
'adag; naf-adag.
laba-qotinle
Qalab danab oo leh laba qotin, loona isticmaalo badanaaba qumiye danab.
laba-sakaraydh
(kiim.) Sonkor molikuyuuladeedu ka kooban yihiin laba xubnood oo hal sakaraydh ah. Sukrows iyo maaltows ayaa tusaale u ah. Kuwan waxa isku xiriiriya seeto -O- ah (seeto galaykoosydheed). eeg sonkor.
laba'aabbur
1. Weel iyo aabburkii, sida dhiil iyo haruubkeed, oo inta labadaba la wada buuxsho, laysku aabburo. 2. Horay iyo gadaal uga imaashaha col si dhexda loo gashado oo loo laayo. 3. ld laba'aabburid.
laba'aabburan
Wax la laba'aabburay ahaansho.
laba'aabburid
'aabbur². ld laba'aabbur¹ (3).
laba'aabburnaan
'aabburan. ld laba'aabburnaansho.
laba'aabburnaansho
/dh ld laba'aabburnaan.
labaad
Tirada jagaalaha ah, kan u dhigma labada; darajada ay hal darajo ka sarrayso.
labaale
Warqad turub oo dhexda laba dhibcaad ku leh.
labaan
ld labaansho.
labaansho
/dh ld labaan.

