Qaamuuska Asalka
laba-madaxle
(-layaal, m.l/dh)MagacLafdheeri
Macnaha
(c.nafl.) Muruq laba madax leh. Laba madaxlaha cududda wuxuu ku yaal inta u dhexeysa isgooyska garabka ila isgooyska xusulka wuxuu laabaa cududda iyo dhudhunka wuxuuna xagga calaacasha u rogaa dhudhunka iyo gacanta laba madaxlaha shanshada wuxuu ku yaal xagga dambe ee bawdada wuxuuna qabtaa laabidda jilibka, fidinta bowdada iyo rogidda lugta xagga dibadda.
Erayo la-mid ah
laba-atamle(kiim.) Molikuyuul ka kooban laba atam. Haydarojiin (H), ogs…laba-danab(fiis.) Ma- gudbiyaha dhextaalka u ah madhxiyaha, ee marka b…laba-duubMagaca loogu yeero ugaarta inta geesaha leh, (labaduub, sadd…laba-eefle(kiim.) Walaxda leh astaamaha asiidha iyo kuwa beyskaba. Ere…laba-iyo-tobanleQaybta hore ee mindhicirka yar ee lafdhabarleyda. Waa meesha…laba-jibbaaraneAfar geesle leh afar dhinac oo toosan oo isle'eg iyo afar xa…laba-nafle'adag; naf-adag.laba-qotinleQalab danab oo leh laba qotin, loona isticmaalo badanaaba qu…

