0

loofsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax harraad hayo ahaansho.

0

loofsanaan

m f dh

ld loofsanaansho.

0

loofsanaansho

m l

/dh ld loofsanaan.

0

loog

f mg1 (-gay, -gtay)

Marti xoolo u qalid.

0

loogid

m f dh

Eeg: loog²

0

loojika

m dh

Caqligal; maangal.

0

lool

m l (-lal, m.l)

1. Jaad ka mid ah dhigaha aqalada miyiga lagu dhiso. 2. Dhagax mindiyaha iwm lagu afeeyo. 3. Xarriiq dhulka gudub u gooysa oo la siman dhulbaraha. 4. ld laal¹.

0

loolad

m l

Eeg: loolasho

0

loolasho

m f dh

ld loolad.

0

looli

f g2 (-iyay, -isay)

Mindi iwm afayn.

0

loolib

m l (-byo, m.dh)

Qalab af fiiqan oo aroor dheeri ku wareegsanyahay leh oo loogu talaggalay, in uu dalool dhexda aroor ku leh dhex galo isaga oo wareegaya.

0

loolid

m f dh

Eeg: lool³

0

loolin

m f dh

Eeg: looli

0

loollamid

m f dh

Eeg: loollan²

0

loollan

f mg1 (-amay, -antay; -ami)

Wax laysku haysto dagaal ama tartan u gelid.

0

loolli

m dh (-iyo, m.dh)

Jar; gebi.

0

loolo

f g3 (-ooshay, -oolatay)

Mindi iwm afaysasho.

0

loolsad

m l

Eeg: loolsasho

0

loolsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax looliyey ahaansho (bir).

0

loolsanaan

m f dh

ld loolsanaansho.

0

loolsanaansho

m l

/dh ld loolsanaan.

0

loolsasho

m f dh

ld loolsad, loolsi.

0

loolsi

m l

Eeg: loolsasho

0

loolso

f g3 (-saday, -satay)

Mindi, godin, waran iwm af u yeelasho.

0

loon

m l

Fool.

0

looshan

f mg4 (-naa, -nayd)

Mindi, waran iwm wax la looliyey ahaansho.

0

looshanaan

m f dh

ld looshanaansho.

0

looshanaansho

m l

/dh ld looshanaan.

0

loox

m l (-xyo, m.dh)

1. Qori dheer, dhumuc yar, ballaaran, xalleefsan oo quraanka lagu dhigto. 2. Qori dheer, xalleefsan, oo guryaha lagu dhiso, alaab kalena laga sameeyo.

0

loox-dhamaanjo

m l

Qori yar oo la qoray oo lagu shubto xabagta dhammaanjada.

0

loox-dhammaanjo

m l

Eeg: loox-dhamaanjo

0

looxad

m dh

Sawir gacmeed qiima leh oo ku sawiran waraaq iwm.

0

looxalmaxfuud

m l

Eeg: looxul-maxfuud

0

looxul-maxfuud

m l

Diiwaan muslimiintu ay rumaysanyihiin in lagu qoro waxa adduunka ka dhaca ama ka dhici doona oo idil. ld looxalmaxfuud.

0

looyaami

f g2 (-iyay, -isay)

Cid nasiino iyo joogsad la'aan wadid.

0

looyaamid

m f dh

Eeg: looyaan²

0

looyaamin

m f dh

ld looyaamis.

0

looyaamis

m l

Eeg: looyaamin

0

looyaan

f mg1 (-aamay, -aantay)

Nasiino iyo joogsad la'aan ku jirid.

0

looyaansan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax socod ku jira ahaansho.

0

looyaansanaan

m f dh

ld looyaansanaansho.

0

looyaansanaansho

m l

/dh ld looyaansanaan.

0

low

m l (-wyo, m.dh)

Bowdada iyo kubku meesha ay iska galaan dhankeeda sare; jilib.

0

lowgal

m l (-lyo, m.dh)

Cudur jilibka ku dhaca oo biyo geliya.

0

lows

m l (bot.)

Geed-nagaar leh xididdo miro la cuno dhala saliidna laga sameeyo.

0

loxod

m l

Eeg: luxud

0

loxos

m l kh

1. Meel cusub oo markaas la degey. 2. L. ah: dad iyo xoolo degaan cusub degey.

0

lubbi

m l

Qalbi; kal; laab.

0

lud

m dh

Hilib jiir iyo baruur isugu jira oo aan laf lahayn.

0

luf

f g1 (-fay, -ftay)

Wax yar uruurin.

0

lufan

m l (-nno, m.dh)

Xarig iwm oo duugnimo awgeed la dhammaaday oo googo'ay.

0

lufid

m f dh

Eeg: luf²

0

lufluf

f g1 (-fay, -ftay)

Cunto yar oo hambo ah uruurin.

0

luflufid

m f dh

Eeg: lufluf²

0

luflufo

f mg3 (-ftay, -fatay)

Hambo uruursasho.

0

lug

m dh (-go, m.l)

1. Bilawga bowdada ilaa cagta ama qoobka. 2. Jeex weyn oo laag ku dara dhirna leh. 3. Socod aan gaadiid la fuushanayn.

0

lugabaxsasho

m f dh

ld lugabaxsi.

0

lugabaxsi

m l

Eeg: lugabaxsasho

0

lugabaxso

f mg3 (-saday, -satay)

Socod curuqtirasho ah meel dhow ku tegid. ld majabaxso.

0

lugadduw

f mg1 (-way, -wday)

Isku l.: wax kala daadsan isu uruurin.

0

lugadduwid

m f dh

Eeg: lugadduw

0

lugayn

m f dh

ld lugays.

0

lugays

m l

Eeg: lugayn

0

lugbax

f mg1 (-xay, -xday; -bixi)

Kala l.: wax iska reebid.

0

lugbixid

m f dh

Eeg: lugbax

0

lugcad

m dh u

Libaax-badeedka jaad ka mid ah.

0

lugdambeedi

f mg2 (-iyay, -isay)

Cid lala socday wax yar ka harid.

0

lugdambeedin

m f dh

ld lugdambeedis.

0

lugdambeedis

m l

Eeg: lugdambeedin

0

lugdheer

m dh

Garabqodo.

0

lugduub

m l

1. Fuulidda faras si deg deg ah loo fuulo. 2. Si habaysan oo lugaha loo rogrogo marka ciyaar la tumayo. ld lugduubid.

0

lugduubid

m f dh

ld lugduub¹.

0

lugee

f mg2 (-geeyay, -gaysay)

Gaadiid la'aan meel socod ku aadid.

0

lugey

m l

Qof lug la'.

0

lugeyn

m f dh

ld lugeys.

0

lugeys

m l

Eeg: lugeyn

0

luggeli

f g2 (-iyay, -isay)

1. Arrin aan wax ka qabashadeeda daacad loo ahayn isku dirqiyid. 2. Arrin, hawl iwm carqaladayn.

0

luggelin

m f dh

ld luggelis.

0

luggelis

m l

1. L. ah: xoogsade aan si joogto ah u shaqayn ee hadba kol shaqeeya. 2. ld luggelin.

0

luggo'

f mg1 (-'ay, -'day)

Meel wax laga doonay ka waayid.

0

luggo'id

m f dh

'.

0

luggoo

f g2 (-gooyay, -goysay)

1. Cid waqti ka lumin. 2. Si kas ah qof marin toosan uga habaabin. 3. Cid ballan been ah siin.

0

luggooyo

m dh

Hagardaamo iyo dibindaabyo cid loo geysto. ld luggoyn.

0

luggoyn

m f dh

ld luggooyo.

0

lughel

f mg1 (-elay, -eshay)

La l.: cid socotay raacid.

0

lughelid

m f dh

ld lughel.

0

lugkaliley

m dh

L. ah: rarada aan masaydeedu ciyiga lahayn.

0

lugkaliyaale

m l (-layaal, m.l/dh)

L. ah: geed dhud keliya ah oo aan laamo lahayn.

0

luglahaan

m f dh

ld luglahaansho.

0

luglahaansho

m l

/dh ld luglahaan.

0

lugleh

f mg4 (-lahaa, -lahayd)

Ku l.: saamayn ku leh, la xiriira.

0

lugqaad

m l

Kor u qaadidda lug kor loo qaado inta la maalayo rida.

0

lugqaadid

m f dh

Eeg: lugqaad²

0

lugtool

m l (bot.)

Geed dheer oo toos u baxa oo aan laamo ka farcama lahayn.

0

lugyaro

m dh (daaw.)

Cudur ku dhaca lugaha oo lugtii uu ku dhaco ay ka yaraato lugta kale ama ka gaabato.

0

luki

m dh

Digaag.

0

lukowle

m l

Ciyaar hal lug lagu tartamo; hangoole.luqun

0

lul

f g1 (-ulay, -ushay)

1. Wax ruxid. 2. Wax meel ka soo lalmin.

0

lulad

m l

Eeg: lulasho

0

lulan

f mg1 (-lmay, -lantay; -lmi)

Wax la lulay noqosho.