ladaabo
Xoolo maalin walba biyo cabbid.
ladaadyo
Laqanyo.
ladaadyoo
Laqanyo dareemid.
ladan
1. Wax caafimaad qaba ahaansho. 2. Wax barwaaqaysan ahaansho.
ladhac
Ka helid.
ladid
ld ledid.
ladnaan
ld ladnaansho.
ladnaansho
/dh ld ladnaan.
ladnaysii
1. Wax fayow ka dhigid. 2. Wax barwaaqaysan ka dhigid.
ladnee
1. Eebbe, cid wax ladan ka dhigid. 2. Eebbe, cid maal badan siin.
ladqabayn
ld ladabays.
ladqabee
/mg2 (-beeyay, -baysay) 1. (f.g) Qof caraysan maslixid. 2. (f.mg) Kala l.: laba qof ama ka badan oo dagaashan maslaxo dhex dhigid.
ladqabo
1. Dhexdhexaadin iyo maslaxo laga dhex dhaliyo dad dagaashan. 2. ld laqdabo.
laf
1. Mid ka mid ah qalfoofta nafleyda. 2. Bur yar. 3. Qolo; jilib. 4. Qaybta adag ee ku dhex jirta miraha. 5. L.tayda (- taada, -tiisa iwm): eray sii adkaynaya qofka laga hadlay oo sheegaya in qofku qofkaas yahay ee aan cid kale la sheegayn; qofka naftiisa.
laf-arax
Qayb godan oo qaab saddex gees leh ee lafdhabarta waxayna ka koobantahay shan (5) lafood oo iskudhafan. Waxay kaga dhaggantahay laf-xariirta ugu hooseysa qaybta moxogga ee lafdhabarta, hoos waxa ka ah lafta dabagibinta dhinacyadana lafaha miskaha ayaa ka xiga.
lafaggur
1. Bixinta meel jabtay lafaha laga bixiyo. 2. Ka baaraandegga arrin iwm lagu sameeyo. ld lafaggurid.
lafaggurid
ld lafaggur¹.
lafajebin
Hadal saamayn weyn leh oo sharafta iyo shaqsiyadda qofka dhaawaca.
lafajebis
1. Qori ama bir lafaha lagu jejebiyo. 2. L. ah: hadal sharafta iyo shaqsiyadda qofka wax u dhima.
lafallafo
L. ah: qof caato awgeed lafahiisu muuqdaan.
lafallafow
Qof aad u caatoobid.
lafaysan
Qof lafaha madaxa wax laga yeelay ahaansho.
lafaysnaan
ld lafaysnaansho.
lafaysnaansho
/dh ld lafaysnaan.
lafbolol
(daaw.) Baaba'a sooha lafta oo keena in lafuhu khafiif noqdan oo ay jabi ogyihiin.
lafdhabar
1. Xiriir lafo ah oo ka kooban riciro yaryar oo is-haysta oo isku xira tunka iyo dabagibinta. 2. Wax kasta qaybta ugu muhimsan. ld lafduud.
lafdhabarla'
Xayawaan aan lahayn lafdhabar.
lafdhabarley
Nafleyda inta lafdhabarta leh.
lafdheer
Lafaha dhaadheer ee dadka, ugaarta, dugaagga iyo duunyada.
lafdhumuq
Meesha misigta iyo bowdadu iska galaan.
lafdi
Qaabka codeed ee astaan afeeddu ay leedahay, yacni ereyga qaabkiisa.
lafee
Lafta madaxa jebin.
lafeysasho
ld lafeysad, lafeysi.
lafeyso
1. Lafo ruugid. 2. Nafley wax ay cunto weyday meelo unuunufid.
lafgarab
Garabka intiisa lafta ah.
lafguri
1. Carjaw ku samaysanta xubinta taranka ee haweenka afkeeda sare marka la gudo ka dib. 2. Feex.
lafholac
(daaw.) Halaamacoodka lafta oo uu keeno caabuq, waxyeelo ama isbeddel meetabooliisiimka.
lafil
Qof la fil ah qof kale; asaag; eyni.
lafilaan
L. ah: wax la saadaalin karo.
lafjeego
(c.nafl.) Laf qaab weel godan leh ee ka mid ah qaybaha lafta madaxa oo sameysa qaarka dambe ee lafta madaxa iyo qaar ka mid ah salka lafta madaxa.
laflay
Midho jiidh leh oo ka yimaada hal ama dhowr kaarbal oo isku dhalaalay oo leh mid ka mid ah iniiyaha badan. Iniiyaha waxa ku daboolan qolof adag oo ah gudo midheedka midhaha. Tus.: qumbe.
lafmadax
Lafta madaxa oo gudeheeda maskaxdu ku jirto.
lafo
Lacagta hore ee ganacsiga la geliyo; raasamaal.
lafow
Qof wax lafaha madaxu jabanyihiin noqosho.
lafsakaar
Laf fidsan oo laabta bartankeeda ku taal oo karreesaha iyo feeraha kore isugu haysa.
lafti
Dad nasab ah.
lag
1. Tiro aan cayinnayn oo ka badan kun. 2. Tiro dhan boqol kun. 3. Kun malyuun; bilyan. 4. ld laag².
lagamamaarmaan
L. ah: wax aan la huri karin.
lagamamaarmaannimo
Wax aan laga maarmin ahaansho.
lagarroone
1. Qof wax matare ah; nacas. 2. Ciniin.
lagas(halbeeg)
(fiis.) Summad: Lx. halbeegga caalamiga (H.C.) eelamahuraannimo iftiimida, le'egna iftiinka uu soo kaahiyo burqad iftiimeedka 1 luuman ah, kuna fidsan bed hal mitir labajibbaaran.
lagiiji
Wax xarig ku dhuujin.
lagiijin
ld lagiijis.
lagu-dhasho
Xaalad qaabdarro ama cudur oo qofka ku dhasho qaabdarrada lagu dhasho waxay isugu jiraan cudurrada la dhaxlo iyo kuwa bey'addu keento.
lagudhufte
(xis.) Tirada ama tibixda lagu dhufto tiro ama tibix kale (dhufte) marka la sammeynayo iskudhufasho.
lahaan
ld lahaansho.
lahaansho
/dh ld lahaan.
lahan
1. Raad waxyeello leh, qarsoon oo uu reebo cudur iwm. 2. Ciil caro badan leh.
lahasho
ld lahad.
lahaye
Qof xabsi ku jiro oo aan maxkamadi xukumin.
lahjad
Af guri.
laho
1. Laabta wax ka jecleysasho. 2. U l.: wax si aad ah u filasho.
lajo
Aleel yaryar.
lakab
1. In is-haysato oo fidsan oo isku qira ah; baal; dabool. 2. Ilig agtiisa ilig kale ka soo baxo.
lakab-bayga-maskax-horaad
(c.nafl.) Lakab ka kooban walax ramaadi ah kaas oo sameeya lakabka sare ee siribaramka lafdhabarley badan. Waxay aad ugu horumarsan tahay naasleyda. Waxay masu'uul ka tahay xukunka iyo isugeynta dhaqdhaqaaqa iraadiga ah iyo dareennada aragga, maqalka, taabashada iwm. Waxa kale oo ay ka kooban tahay xarumo ku shuqul leh xusuusta, luqadda, fekerka iyo garaadka.
lal
Wax duulid.
lali
Fiidmeer.
lalin
ld lalis.
lallabaysasho
ld lallabaysad, lallabaysi.
lallabayso
Ka l.: wax meel yaal wada xaraasho.
lallabee
Wax dhacay dad uga digid.
lallabo
1. Laqanyo; yaqyaqsi. 2. Qayladhaan gurmad degdeg ah. 3. Dareenka in qofka mataggu hayo oo kale, sida dadka safarka badda ama wallaca. ld labbalabbo, labballabbo, lablabbo, lallabbo.
lallaboo
Yaqyaqsi dareemid.
lalleemo
Gariir gacmaha dadku yeeshaan gabow ama jirro awgeed.
lalmasho
ld lalmad.
lalmi
Wax laallaadin.
lalmin
ld lalmis.

