lalmo
Wax laallaada noqosho.
lamaddegaan
Dhul ballaaran oo aan dhir iyo biyo midna lahayn, dad iyo duunyana ku dhaqmi karin.
lamafilaan
L. ah: wax si kedis ah ku dhaca ama ku yimaad.
lamagayaan
Rag iyo dumar inta aan meher isu qaban.
lamahuraan
Wax aan la'aantoodu la ahaan karin, aan la huri karin.
lamahuraannimo
Lamahuraan ahaansho.
lamakaraan
L. ah: qof garmaqaate ah; macangag.
lambar
Mid ka mid ah ah tiro taxane ah oo wax leeyihiin. ld nambar.
lambari
Wax lambar u yeelid. ld lambaree, nambaree, nambari.
lambarin
ld lambarayn, lambaris, nambarayn, nambarin, nambaris.
lambarsan
Wax lambar loo yeelay ahaansho. ld nambarsan.
lambarsanaan
ld lambarsanaansho, nambarsanaan, nambarsanaansho.
lambarsanaansho
/dh ld lambarsanaan.
lammaan
1. Nafley laba isdhashay ah oo meel ku wada sugan. 2. Labo weligood wada socda. 3. ld dammaan.
lammaanaan
ld lammaanaansho.
lammaanaansho
/dh ld lammaanaan.
lammaane
Erey ka kooban labo erey ama in ka badan oo kala duwan, yeeshana micno cusub. Tus. “dhul + bare -> dhulbare”.
lammaane-horsan
(xis.) Lammaane kutirsaneyaal ah sida (x,y) oo kala horreysiintoodu ay micne weyn ku fadhido. Tusaale ahaan, lammaanaha horsan (2,3) lama mid aha lammaanaha horsan (3,2), marka lagu muujiyo dhidabbada kaartis.
lammaani
Ku l.: wax, wax kale ku xoojin, ku labayn, raacsiin.
lammo
1. Laba maqaar lo'aad oo isku midab ah iyo maqaar saddexaad oo ka midab duwan oo inta si farsamaysan laysugu dhafo, laysku tolo oo mid laga dhigo. 2. ld labo.
laqan
1. Nin dhalinyaro ah oo qas badan. 2. Geerida ku timaad qof dhalinyaro ah. 3. Shaah ama kafee lagu daray cabbitaan kale oo adag.
laqannimo
Laqan ahaansho.
laqanyee
Cid laqanyo dareensiin.
laqanyo
Liidaanyo ay keenaan baruur iyo subag badan oo la cunay; ladaadyo; lallabbo.
laqanyoo
Laqanyo dareemid.
laqaybshe
Wax ama tiro la qaybinayo.
laqbayn
ld laqbays.
laqbee
Kutub wax ku qoran fasirid.
laqbo
/dh Fasiridda wax kutub ku qoran la fasiro.
laqdabo
1. Qiyaano; dhagar. 2. ld ladqabo (2).
laqimaad
Marka qof la kirishtaaminaayo, waxaa biyo ku shuba madaxa kirishtaanka taasoo ay calaamad u tahay in uu ka mid noqday kaniisada kiristaanka, dambigiisna uu dhaqmay.
laqin
1. U l.: qof wax la barayo u meerin. 2. U l.:qof sakaraad ah oo in uu dhimanayo la moodo ashahaado u marin.
laqlajis
Geed faalala oo leh laamo iyo caleemo jilicsan oo xooluhu daaqaan.
laqmasho
ld laqmad.
laqmo
1. Rabsho badan (qof dhallinyar). 2. Dhallinyaro ahaan ku dhimasho.
laqsanaansho
/dh ld liqsanaan.
laqwi
Oraah diinta gef ku ah oo bareer loo yiraahdo.laylyan
laqwiyid
ld laqwin.
lar
1. Xusuus xun. 2. Laqanyo.
laran
Wax, wax kale lagu laray ahaansho.
larnaan
ld larnaansho.
larnaansho
/dh ld larnaan.
lasiman
La mid ahaansho; la cabbir ahaansho.
lasimnaan
ld lasimnaansho.
lasimnaansho
/dh ld lasimnaan.
lasow
Dhadhanka wax faaday.
lataliye
Qof aqoon gaar ah ku taqasusay oo arrimaha la xiriira kala taliya madax dawladeed ama hay'adeed iwm.
lawlaw
1.Gariir nafleydu dareento oo qabow badani sababo. 2. L. ah: qof aad u gaboobay.
lax
1. Neef ido ah oo curtay. 2. Meesha xoonku ku hoydo oo ilmaha gashado.
laxaamad
Macdan dhulka laga qodo, jaadad badan, jilicsan, oo marka la dhalaaliyo wax lagu alxamo.
laxaamadan
Wax la alxamay ahaansho (bir iwm).
laxaamadnaan
ld laxaamadnaansho.
laxaamadnaansho
/dh ld laxaamadnaan.
laxamee
(muus.) Laxan u yeelid.
laxan
Iswaafajinta ereyada iyo muusigga (hees).
laxaw
Kaar iyo xanuun, meel gaar ah oo jirka nafleyda ka mid ah dareemo.
laxle
Xasharaad yaryar oo leh baalal iyo midab madow xigeyn ah, dhexdana u dhuuban oo qaniinyo kulul leh; xoon.
laxmar
1. Galgaal, cadaad (xiddigo). 2. Dheddig (xayawaan ama dad) oo dhalmo darro darteed la cayilay.
laxni
Wax si qalad ah loo qoro ama loogu dhawaaqo.
laxo
Urur xiddigo ah oo tiradoodu lix ka kooban tahay. ld lixo.
laxoox
Kimis ballaaran, xalleefsan oo bur ama budo la dubay ka samaysan; canjeero.
lay
1. Wax baabi'in. 2. Wax dhammayn. ld laa.
layaab
Dareen aan caadi ahayn oo ka dhasha dhacdo lamafilaan ah. ld yaab.
layacmid
ld laayacmid.
layacnaansho
/dh ld laayacnaan.
laydi
1. Afargees xaglo quman oo labada dhinac ee iska soo horjeeda ay isla egyihiin. 2. Nooc gogosha ka mid ah.
layeele
Magaca tilmaama qofka ama shayga uu ku dhaco falka yeeluhu sameeyo. Tus. “Saynab waraaq ayay qortay”.

