Words starting with 'L'
1,212 Somali words beginning with 'L' — page 12 of 13.
lulasho
ld lulad.
lulid
ld lulniin.
lullume
1. Kalluun aad u yaryar oo biyaha macaan ku nool. 2. Cayayaan yaryar oo biyaha macaan ka dhasha; miraxareedeed. ld lullumo.
lullumee
Sida lullumada u dabaalasho.
lulmo
Daal iyo caajis la dareemo marka jirku hurdo u baahanyahay. ld lulo¹.
lulmoo
Lulmo dareemid. ld luloo.
lulmood
ld lulood.
lulnaan
ld lulnaansho.
lulnaansho
/dh ld lulnaan.
lulo
/mg3 (-ushay, -ulatay) 1. (f.g) Caano iwm si subag looga dhaliyo ruxasho. 2. (f.g) Geed si miro looga daadiyo ruxasho. 3. (f.mg) Barwaaqo ku noolaansho. 4. (f.mg) Ka l.: wax meel sare ka soo laallaadsasho.
luman
lun¹ (2).
lumee
Beer la abuurayo lun u yeelid.
lumeyn
ld lumeys.
lumi
1. Habaabin; anbin. 2. Xoorid; khasaarid.
lumin
ld lumis.
lumiya
Meelo ka mid ah degaanka u dhexeeya webiyada ayaa shareerada looga yaqaan lumiya.
lun
Wax dhumay noqosho.
luncad
Marka beerta roobka ka hor la abuuro.
luncaddee
Roobka ka hor beer abuurid.
luncaddeyn
ld luncaddeys.
luncaddo
L. ah: beer roobka ka hor la abuuray.
lungaduud
Abuur roobka ka dib beer lagu abuuray.
lungaduudi
Beer rays leh abuurid.
lungaduudin
ld lungaduudis.
lunsan
Wax lumay ahaansho.
lunsanaan
ld lunsanaansho.
lunsanaansho
/dh ld lunsanaan.
lunsasho
ld lunsad.
lunso
Ammaano ama baadi cid haysay ku tagri falasho.
luqluq
U l.: cid afka u dhaqid.
luqluqasho
ld luqluqad.
luqluqo
Afka gudihiisa biyo yar ku dhaqasho.
luqmad
In cunto ah oo hal mar afka la geliyo ama la goosto. ld luqmo.
luqmaliigle
1. Magaca loogu yeero neef geel ah oo leh luqun qurxoon. 2. Neef geel ah, da' yar oo cayillan.
luqun
Oogada nafleyda, inta u dhexeysa madaxa iyo garbaha; sur; qoor.
luqundhejis
Suuqadda dumarku qoorta ku xirto jaad ka mid ah oo gaaban.
luquninaatow
Cudur geela qoorta ka qalloociya.
luqunjab
Qoor xanuun, barkin ka dhac.
luqunjablee
Xoolo dhicis weyn soo ridid.
luqunjibbaar
Nafley iyadoo
luqunjibbaarid
ld luqunjebin, luqunjebis.
luqunteeda
la wareejinaayo legdid. ld luqunjebi.
lur
Cid dhibid, shiddayn, luggoyn.
luran
Wax la luray ahaansho.
lurnaan
ld lurnaansho.
lurnaansho
/dh ld lurnaan.
luubaan
Xabag ka baxda geedaha xijiga ah oo udgoon, la shito; mayddi, foox.
luubaandakar
Xabagta mayddiga.
luud
Tabardarro awgeed tartiib u socosho.
luudi
Wax tartiib u wadid; si tabar yar u socodsiin (qof).
luudin
ld luudis.
lųuf
1. Cad yar oo wax dhammaaday ka soo haray (hilib, rooti). 2. ld liif¹.
luufluuf
1. Weel iwm dildillaacid. 2. Wax baabi'id.
luufluufi
1. Wax dildillaacin. 2. Wax baabi'in.
luufluufid
550
luufluufin
ld luufluufis.
luufluufsan
Wax luufluuf hayo ahaansho.
luufluufsanaan
ld luufluufsanaansho.
luufluufsanaansho
/dh ld luufluufsanaan.
luufood
Geed ka mid ah geedaha beeyada dhala.
luul
Carrab calalinta ay carruurtu carrabka calaliso.
lųul
Iniino kulkulucsan, sida dhagaxa u adag oo cad ama midab kale leh aadna qaali u ah, kuna dhex jira laba qalbac oo dhulman ah oo laga helo badda gudaheeda.
luuli
Xarig giijin.
luuliyo
Sanad qorraxeedka bishiisa toddobaad; juulaay.
luuman(halbeeg)
(fiis.) Summad: Lm. Halbeegga caalamiga ee burqad iftiimeedka, loona qeexo burqadka iftiinka ee ka soo kaaha bar iftiin oo itaalkeedu yahay hal kandeela (cd), una baahaya hab toobineed leh xagal adke oo ah hal istaraadiyan. Sidaas awgeed, 1 lm = (1/4Ò)cd.
luumbi
Ciyaar dhaqameed lagu jidboodo oo laga yaqaan degaanka Banaadir; muusikadeeduna waa shareero, durbaan iyo codad kala duwan. ld nuumbi.
luun
1. Dhudda uu ku taaganyahay geed meseggo ama gallay. 2. Qolof iyo xayaabo layiig ah oo qof aad u harraaday faruuryihiisi yeeshaan; jiil. 3. Hammuun, qadsanaar.
luuq
1. Cod gaar ah oo gabayada iyo heesaha lagu qaado; cod lagu dheeraysto oo laga xareediyo. 2. ld laaq¹.
luuqad
Af ay ummadi leedahay oo ay isku fahmaan. ld luqad, luqo, luuqo.

