layiig
Hoore markuu shubmayo jiidma ee aan googo'in.
layiignimo
Layiig ahaansho.
layli
1. Rati aan weli rar baran. 2. Tababbaridda qof loo tababbaro hawl gaar ah.
laylisanaansho
/dh ld laylyanaan.
layliyid
ld laylin, laylis, laylyid.
laylo
Ciyaar carruurtu ku dheesha dhagxaan quruurux ah, saalo geel iwm oo ku jirta laba iyo toban god oo laba labo isaga soo horjeeda; godadow.
layloon
Dhar jilicsan, qafiif ah, jirku ka muuqdo oo aan ka samaysnayn cudbi, iyo xariir midna. ld nayloon.
laylyan
Wax la tababbaray ahaansho. ld laylisan.
laylyanaan
ld laylisanaan, laylisanaansho, laylyanaansho.
laylyanaansho
/dh ld laylyanaan.
laylyid
ld laylis, layliyid.
layn
1. Xarriiq toosan oo meel ku calaamadaysan. 2. Saf. 3. Xarig koronto, taleefan iwm oo isku xira laba meelood ama in ka badan.
layr
Dabayl aan xoogganayn oo qabow; neecaw.
layrasho
ld layrad.
layri
Wax dabayl u dhigid.
layro
Dhanka dabayshu ka imaanayso aadid (xoolo iwm).
layrsasho
ld layrsad.
layrso
Neecaw isu dhigid.
laysasho
ld laasad, laasasho, laysad, laysi.
layso
Wax dhammaysasho. ld laaso.
laystaan
L. ah: nin dhibaato iyo waxyeello badan leh.
le'ad
'asho.
le'asho
'o. ld le'ad.
le'eg
La siman; la mid ah; la fil ah; aan ka yarayn kana weyneyn.
le'ekaan
'eg. ld le'ekaansho.
le'ekaansho
/dh ld le'ekaan.
le'ekayn
'ekee.
le'ekaysii
Ku jaangoyn; wax le'eg ka dhigid; la simid.
le'ekaysiin
'ekaysii.
le'ekee
La ekayn; la mid noqosho; la simid; isku in keenid.
le'o
Dad, xoolo, ugaar iwm aad u dhimasho.
lebbed
Nooc siyaaqadda dumarku isku qurxiyo ka mid ah oo dahab ka samaysan.
lebbisnaansho
/dh ld labbisnaan.
leben
1. Dhoobo si gaar ah loo dubo oo qaabab badan loo yeelyeelo oo sida dhagaxa wax lagu dhiso. 2. Caano.
leber
1. Waxar markaas habarteed ka gurtay. 2. Cabbir wax lagu cabbiro oo u dhigma rubuc jawaan.
lebernimo
Leber ahaansho (waxar). 540
lebi
Geed dhirta waaweyn ka mid ah oo aan qodax lahayn, ubax qurxoon dhala, oo laga qoro kooraha iyo mooyaha.
leeb
Ul yar oo dhuuban oo afka bir fiiqani kaga jirto oo qaansada laga gano; gamuun.
leebraac
Wax niyadda ka jeclaysasho.
leeddafuul
Fuulidda la fuulo faras aan koore lahayn. ld leeddafuulid.
leeddafuulid
ld leeddafuul¹, leeddo (2).
leeddo
1. Faras la fuushanyahay oo aan koore saarnayn. 2. ld leeddafuulid.
leef
Si tartiib ah carrabka wax u marin.
leefsii
Cid in ay carrabka wax mariso gayeysiin. ld leefi.
leegleegsasho
ld leegleegsad, leegleegsi.
leegleegso
1. Qof fara marnaan socosho. 2. Hawl la'aan socosho.
leelleel
Masiibo.
leelleelsan
Wax masiibo la kulmay ahaansho.
leelleelsanaan
ld leelleelsanaansho.
leelleelsanaansho
/dh ld leelleelsanaan.
leelleeltir
Cid masiibo ku dhacday wax siin.
leelleeltiran
Wax la leelleeltiray ahaansho.
leelleeltirnaan
ld leelleeltirnaansho.
leelleeltirnaansho
/dh ld leelleeltirnaan.
leelo
1. Xayaabada dusha ka fuusha cuntada la kariyo. 2. Xaafoodka kor fuula biyo in badan meel ku jirey; saaruq.
leex
Caano is haysta oo la matago.
leexad-birlabeed
[macnaha ereyga kuma jiro pdf. fiiri page 541]
leexaysasho
ld leexaysad, leexaysi.
leexayso
1. Leexo samaysasho. 2. Leexo isku ruxid.
leexi
Wax jihadii ay u jeedeen ka duwid.
leexin
ld leexis.
leexo
Jid lagu socday ka weecasho.
leexsan
Wax dhinac u weecsan ahaansho.
leexsanaan
ld leexsanaansho.
leexsanaansho
/dh ld leexsanaan.
leexso
Wax dhinac u weecsasho. Tus. “Biyaha beerta u leexso”.
leextukaalee
Arrin laga hadlaayo wax yar ka sheegid.

