l
Xarafka laba iyo tobnaad ee xuruufta soomaaliga, ahna shibbane.
la
Magacuyaal tilmaamaya in faluhu uu yahay qof aan la aqoon ama aan la caddaynin. Tus. “Waa la yiri”.
la'
Wax, wax ka maqanyihiin ahaansho.
la'aan
'. ld la'aansho, la'i, li'i.
la'aansho
/dh ld la'aan.
la'i
'aan.
laab
1. Calaamadda uu reebo shay fidsan oo laysku soo rogey. 2. Meel leexsan; luuq.
laab4
Maro, bir, warqad iwm dacalladeeda isku soo celin.
laaban
Wax aan fidsanayn noqosho.
laabasho
ld laabad.
laabato
1. Meesha xubnaha waaweyni iska galaan oo laallaabata. 2. ld laabad.
laabbis
Qalin qori ah oo dhexda dhuxul madow uga jirto; qalin rasaas. ld laabis.
laabid
ld laabis², laabniin.
laabjeex
Kulayl iyo xanuun wada socda oo laga dareemo jadiinka iyo caloosha. ld laabqarrar.
laabla'
Qof aan xusuus lahayn ahaansho.
laabla'aan
'. ld laabla'aansho.
laabla'aansho
/dh ld laabla'aan.
laablaab
Xeelad dan lagu fushanayo. ld laallaab.
laablaaban
Wax isku duudduubmay noqosho. ld laallaaban¹.
laablaabasho
ld laablaabad, laallaabad, laallaabasho.
laablaabid
ld laallaabid.
laablaabmid
ld laallaabmid.
laablaabnaan
ld laablaabnaansho, laallaabnaan, laallaabnaansho.
laablaabnaansho
/dh ld laablaaban.
laablaabo
1. Wax isku dubbaridasho. 2. Wax xeeladayn. 3. Wax ka warwareegid. ld laallaabo.
laablakac
Fal fiirsi la'aan iyo caadifadi hoggaamiso.
laablakicid
Fal ka fiirsi la'aan iyo caadifadi hoggaamiso dareemid.
laabnaan
ld laabnaansho, laabni.
laabnaansho
/dh ld laabnaan.
laabo
/mg3 (-btay, -batay) 1. (f.g) Wax fidsan ama jilicsan isku soo ceshasho. 2. (f.mg) Jiho loo socday ka weecasho.
laabqoyan
Qoray iwm oo aan si fiican u engegin ee lidda ka qoyan.
laabqoyanaan
ld laabqoyanaansho.
laabqoyanaansho
/dh ld laabqoyanaan.
laabraac
U bogid wax loo bogo oo niyadda laga jeclaysto.
laabsami
Caloolsami, niyedsami.
laabtaxaw
Carjaw yar oo ka lulata lafta sakaarka dhankeeda hoose. ld laabxuunsho, labxo.
laabtuurle
(jool.) Muuqaal dhuleed qaanso u eg oo ka dhasha isa soo cadaadinta dhagxaanta dhulka hostiisa.
laac
Muuqaalka guud ee geedaha cagaaran.
laacayaal
Mid ka mid ah qaybaha ubaxa taas oo samaysa korollaha. Laacayaasha dhirta cayayaanku faxliyey had iyo jeer aad ayey u ifaan, badanaana way udgoonyihiin.
laacdamid
ld laactamid.
laacdan
1. Cayaar iyo bardoodan uu sameeyo geela da'da yar. 2. Fara ka ciyaar. ld laactan¹.
laace
(xis.) Xarriiqda toosan ee uu xood aad ugu dhawaado (ama sigo) hase yeeshe aan weligii taaban. Tusaale ahaan, labosaabka waxa uu leeyahay laba laace. Marka xoodka isle'egtiisu tahay 1 garaaf ahaan loogu muujiyo laba addimaale kulannada kaartis waxa ay laaceyaashiisu noqonayaan x = 0 iyo y = 0 (eeg: labosaab).
laacib
Qof ciyaar aad u yaqaan; xariif.
laad
Lugta oo horay wax loogu dhufto; haraati.
laadadyo
Laqanyo, wadnabaab.
laado
Kubbad darbaysasho (cid).
laaf
(jool.) Dhadhaab dhalaashan ama magma oo ka soo burqanaysa dhulka gudihiisa oo soo gaarta dhulka dushiisa, taas oo ka soo baxda karaytarka folkaanaha ama jeex-jeex dhulka dushiisa ah. Dhulka dushiisa laafadu si dhaqso leh ayay ugu adkaataa marka loo eego dhaqsaha adkaashadeeda ee dhulka gudihiisa.
laafyo
/dh Hore iyo gadaal u tuuridda gacmaha marka la soconayo iyadoo la isdhaafinayo.
laafyoo
Iyadoo la iswaydaarinayo gacmaha marka la soconayo horay iyo gadaal u ridid.
laag
1. Fac; asaag; mataan. 2. (m.l./dh) Meel biyo baxeen oo haadaan ah.
laagfaaf
(juqr.) Farac ka baxa oo ka taga webiga intiisa mudan oo aan mar dambe ku soo noqon oo biyaha uu sido ku dara badda ama haro. Waxaa lagu isticmaalaa keliyada badan ee webiga afkiisa ee loo yaqaan delta ama marawaxad suubaaneed.
laagwebi
(juqr.) Laan ama farac ku darmaya mid kale oo ka weyn oo webi.
laahi
Qof aan wax xafidin; aan is dhibayn.
laahinnimo
Laahi ahaansho.
laaji
Qof waddankiisii ka cararay oo waddan kale jooga.
laakee
Laako dhalid.
laakiin
xi. (nax.) Erey xiriiriya laba tixood oo ulajeeddooyinkoodu is diiddanyihiin; illowse, ha ahaatee, hase yeeshee. Tus. “Waxaan ku iri wax ma haysto, laakiin ima aadan rumaysan”. ld walaakiin.
laako
/dh 1. Laangeed oo labo qaybood u kala baxdo. 2. Mataano. 3. Fallaar, dabbaanta ka yara ballaaran oo aan dhega lahayn.
laakoliit
Kuus weyn oo dhadhaabo shiileed ah oo ka hooseeya dhulka dushiisa, oo marka qaarkood gaaraysa baaxadda buur; waxaa sababa magmada oo soo dhex gasha qolofta dhulka iyadoon soo gaarin dusha, lakabyada dusha waxaa kor u xooda soo gelitaanka.
laaktays
Insaym uu soo dhiijiyo mindhicirka yari, kaas oo kalkaaliya falgalka biyood ee maltows uu isugu beddelayo laba molikiyuul oo gulukows ah.
laal
Ciyaar laba kooxood loo ciyaaro oo ku dhisan orod iyo isaseemid. ld lool¹.
laalac
Lalmashada wax meel sare ka lalmadaan.
laalacshoobid
ld laalacshow¹.
laalacshoomid
ld laalacshoon¹.
laalacshoon
laalacshow¹.
laalacshow
Meel sare inta gacmaha lagu qabsado oo la iska soo laalaadiyo (ciyaar jimicsi ku dhisan). ld laalacshoobid, laalacshoon¹.
laalan
Wax meel kore saaran noqosho.
laali
Cid warwareejin.
laalid
ld laalis.
laallaabnaansho
/dh ld laablaabnaan.

