leextukaaleysasho
ld leextukaaleysi.
leextukaaleyso
Arrin laga hadlayo wax yar ka sheegid. ld lextukaalee.
leg
Saraarka iyo hilibka saaran.
legdan
Ciyaar laba qof isaga horyimaadaan oo ay si gaar ah isu qabsadaan, oo mid walba ku dadaalayo in uu kan kale dhulka dhigo.
legdanaan
ld legdanaansho.
legdanaansho
/dh ld legdanaan.
legdid
ld leged¹.
legdin
1. Dhul dhigidda qof legdamaya dhulka la dhigo. 2. ld legdan¹.
legriix
Cayil ka bata lo'da oo xubnaha badankood shaqada ciriiri ka geliya.
leh
1. Wax qabid. 2. Hadal dhihid. 3. Is l.: wax malayn. Tus.: “Waxaan is leeyahay berri halkan imow”.
lehel
Bartilmaameed la isla ogyahay.
leked
Qof rabsho badan oo madax adag.
leleg
Timaha ka baxa laabta ragga.
lexejeclo
Kalgacal maal loo qabo.
leyleysasho
ld leyleysad, leyleysi.
leyleyso
Godadow ciyaarid.
leylisarkaal
Qof tababbar ugu jira in uu noqdo sargaal ciidan.
leylisarkaalnimo
Leylisarkaal ahaansho.
leysin
Warqadda oggolaanshaha baabuur wadidda.
li'i
'aan.
lib
1. Adkaashaha dagaal ama wax kale oo lagu adkaado; guul. 2. Abaal.
libaadshe
Barkimooyin jilicsan oo kooraha laga hoos mariyo, si uusan kooruhu faraska u qaban.
libaas
Xoolo iwm meel ku celcelin.
libaax
(c.nafl.) Bahal hilib ku nool ah, weyn, xoog badan leh, midabkiisuna cawl yahay, oo kiisa lab qaarka 541libaaxbadeed hore ku leeyahay shaash oo dadka iyo xoolahaba cuna, kiisa labina (aarka) qaarka hore ayuu ku yeeshaa dhogor dhaadheer oo farabbadan.
libaaxbadeed
Nafley badda ku nool oo kalluunka qaabkiisa leh aadna uga weyn, oo dadka iyo kalluunka yaryar cunta.
libays
(c.nafl.) Insaym ay dhiijiyaan ganaca iyo qanjidhada mindhicirka yar ee lafdharleyda, kaas oo dedejiya burburinta duxda loo beddelayo asiidh duxeed iyo gilisarool.
libaysasho
ld libaysad, libaysi.
libayso
Lib helid.
libcas
1. Xiddigga afaraad ee daalallida una dhexeysa gudha iyo mareegadheer. 2. Nooc qodaxda ka mid ah.
libdhi
Ku l.: wax meel wada gelin. Tus.: “Musbaarka derbiga ku libdhi”. ld libri.
libdhid
ld librid.
libdhin
ld librin.
libdho
Qorrax, cadceed.
libee
Cid guul siin.
libgad
1. L. ah: qof jisaar ah. 2. ld libgadid.
libgadid
ld libgad¹ (2).
libin
Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo woqooyiga-bari ee Keenya; qubleey, maanyo, manyiikay, waaray.
libiq
Dhoobo aad u qoyan.
libiqsasho
ld libiqsad, libiqsi.
libiqso
Si deg-deg ah il isugu qabasho una kala qaadid.
libir
1. Indho ka qarsoomid. 2. Ku l.: bidhaan hawd, jeex iwm ku qarsoomid.
libirsan
Wax qarsoon ahaansho.
libirsanaan
ld libirsanaansho.
libirsanaansho
/dh ld libirsanaan.
licib
Inta jeer oo turub la dheelo oo hal fooro ku dhacdo.
licig
1. Asal biyuhu ku yaryihiin. 2. L. ah: dareera ribban.
liciifis-habdhis-makiineed
(fiis.) Yaaranta qotonka gariirka ayna ugu wacantahay tamarta ka lunta qaybaha gariiraya, kuna baxda ka-hortagga xoogagga isliska ama xoogagga caabbiga.
lid
Labo erey oo mataana ah oo micnahoodu iska soo horjeedo sida: “dheer/gaab”, “weyn/yar” iwm; cagsi.
lid-gufaaco
(juqr.) Gobol cadaadiska gibilkiisu ka sarreeyo kan gobolka deriska la ah.
lid-jidh-dhaliye
(baay.) Walax kasta oo uu jidhku u arko walax qalaad, sidaa darteed uu ka bixiyo jawaab is kabaxeed.
lid-jidh-gale
(baay.) Borotiin ay soo saaraan qaar ka mid ah unugyada cad cadi (Limfosaytyo), waxaanay ugu jawaabaan soo galitaanka ay jidhka soo gelayaan walxo qalaad (Lid-jidh-dhaliye), si aanay wax dhibaato ah u geysan.
lidlogardam
(xis.) Fansaarka weydaarka u ah logardamka tiro ama tiro logardamkeedu yahay tiro la isa siiyey. Logardamka caadiga ah, lidlogga ee x waa 10x. Logardamkanabiir idlogga ee x waa ex. Lidlogardam waxa loosoo gaabiya “lidlog”.
lifaaq
(nax.) Qurub lagu kaabo erey salkiisa, si uu u beddelo qiimaha iyo waxqabadka ereygaas; lifaaqyadu waxay u kala baxaan: “horkabe” (ereyga hortiisa ayuu ku lifaaqmaa), “dibkabe” (ereygaliif¹ dhammaadkiisa) iyo “dhexkabe” (ereyga dhexdiisa).
lifaaqo
1. Cirbad dun gelin. 2. Maro iwm cad yar ku tolasho.
lifato
Xilliga ugu dambeeya jiilaalka (diraaca).
lig
Wax meel taagid si aysan u dhaqdhaqaaqin.
ligan
Wax meel taagan oo aan dhaqdhaqaaqayn ahaansho.
ligane
1. Guud ahaan waa qotome ama sammeeya xaglo qumman. 2. Xarriiq ama sallax ku qotonka xarriiq ama sallax kale.
ligis
Biyo qasan.
liglig
Ruxruxid, dhaqdhaqaajin.
lignaan
ld lignaansho.
lignaansho
/dh ld lignaan.
lignayt
(jool.) (ama dhuxul - dhagaxda kafeega ah) Dhuxul dhagax leh muuqaal qori, oo loo aqoonsanyahay inay ka joogto heerka ee maatar hireedka dhalanroggu ku dhacay. Heerka koowaad oo ay soo martay inta aysan noqon dhuxul-dhagax waa heerka biitka.
lihi
Wax qof leeyahay oo aan lala wadaagin.
lihiin
1. Adkaysi, karti. 2. Wax, waxtarkiisu raago.
lihiinsasho
ld lihiinsi.
lihiinso
Ku l.: cid cadaadis saarid.
liibaan
Khayr la kulmid.
liic
Foorar; janjeer.
liici
Wax dhinac u jenjeerin.
liicid
ld liicis.

