shaaxid
Rooti iwm aad dab loogu bisleeyay.
shaaxidi
Rooti iwm aad dab ugu bisleyn.
shaaxidin
ld shaaxidis.
shaayad
1. Jubbad yar oo aan gacmo lahayn oo shaatiga laga dul qaato. 2. Idaad xoog badan oo doonyaha lagu xiro, laguna dabto kalluunka iyo libaax-badeedka yaryar.
shabaab
S. ah: nin dhallinyaro ah; barbaar.
shabaabnimo
Shabaab ahaansho.
shabaag
Aaladaha kallunka lagu dabto nooc ka mid ah oo ka samaysan xarko dun ah oo laysku saabcaareeyey oo wada ilo ah.
shabaako
Dalool albaabka ka yar oo lagu sameeyo dhismooyinka, maraakiibta, dayuuradaha, baabuurta iwm, la xiri karo lana furi karo oo loogu talaggalay in ay hawada iyo ilaysku ka soo galaan. ld shubaako.
shabag
1. Daliigyo silig ama caag ah oo sida shabaagta u samaysan oo dhowraarin loogu talaggalo. 2. Nooc kabaha ka mid ah oo ka samaysan maas ama rabar. ld shabaq, shabaag.
shabaqle
Baabuur dusha sare shabaq bir ah ku leh oo maxaabiista lagu qaado.
shabashabo
Cayaar ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo jiib, jaan iyo sacab leh, ragga iyo dumarkuna wada cayaaraan.
shabbaax
1. Dabridka toogta lagu barto. 2. Dabrid.
shabbaaxtamid
ld shabbaaxtan¹.
shabbaaxtan
Tartamidda ay laba qof ama ka badan ku tartamaan toog. ld shabbaaxtamid.
shabbadaysnaansho
/dh ld shaabba-daysnaan.
shabbaysnaansho
/dh ld shaabbadays-naan.
shabbi
Cusbolamood adag, cad oo biyaha calawsan lagu dhex rido si ay u kala miirmaan.
shabeel
1. Dugaag ku nool Afrika, Aasiya iyo meelo kale, leh midab cawl ah oo baro baro madow ku dhex jiraan, dhulka dhirtu ku badantahayna jooga oo geedaha fuula; xoolaha iyo ugaartana aad u laaya, dadkana cuna. 2. Libaax badeed qallafsan oo oogada baro ku leh.
shabi
1. Wax eryid. 2. Lacag iwm ururin. 3. Geed iwm ul ku garaacid si wax ku jira uga baxaan ama miro uga daataan.
shabshable
1. Geed-nagaar leh caleemo iyo ubax yaryar, aan qodax lahayn oo wax lagu daaweeyo. 2. Hab ceel biyo looga soo saaro oo laba nin si dhaqso badan wadaanta u soo bixiyaan. 3. Cayaar kuwa hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ka mid ah oo leh jiib iyo jaan, ragga iyo dumarkuna wada dheelaan.
shacaab
(jool.) Dhadhaabo is haysta, oo ku dhaw dusha biyaha, oo ay suurtoggal tahay in la arko marka hirku gaabanyahay, laakiin sida badan waxaa daboola biyo.
shacaab-dhaliye
(c.nafl) Xayawaan badeed yar oo duudkiisa intiisa badani ka samaysanyahay kaalsiyam kaarboonayt. Marka xayawaankaasi dhin-to, kaalshiyam kaaboonaydkii ku jiray duudkiisa baa sameeya dhagax shacaabi, shacaabigaasina wuxu sameeyaa jasiirado shacaabi.
shacaab-taxan
(c.nafl.) Silsilad dhadhaabeed oo jiifta badda ama badda agteeda, oo badanaa ka samaysan shacaabi dhaliye aad u tiro badan.
shacab
1. Dadweyne; ummad. 2. Qar badda dhexdeeda ku yaal. ld shacbi, shicib.
shacayn
ld shacays.
shacays
1. Qori xabbad-keliyaale ah oo waayadii hore lagu dagaallami jirey. 2. Wax si aan caadi ahayn u shaqeeya. ld shucays.
shacbaan
Bilaha dayaxa oo Musliimku tirsado tooda siddeedaad oo u dhexeysa rajab iyo soonqaad; soondheere.
shacbiweyne
Dadweyne.
shacdur
Cayaar carruureed carruurtu miro kariiri ay ku dhaqaystaan oo ulo af dhuuban leh.
shacee
Ood qoyan oo wax lagu oodayo si ayan daldalool u yeelan, isuguna cufanto hangool ku riixid.
shad
Astaanta muujisa in shibbanuhu uu labalaabanyahay (far-carbeedda).
shadaaf
1. Galka timirta lagu guro. 2. Gogol yar iwm oo qof leeyahay.
shaf
1. Meesha wareegsan oo geelu marka uu fadhiisanayo uu dhulka dhigto; leg. 2. Xabad; gaaddo.
shafee
Dhaawac daaweyn.
shafeec
Qof ciriiri ku jira Ilaah gargaar uga baryid.
shafeeco
1. Raxmad iyo naxariis xag Eebbe laga helo. 2. Gargaar iyo naxariis. ld shafeec¹.
shafeecsasho
ld shafeecsad, shafeecsi.
shafeecso
Wax faa'iidadooda iyo waxtarkooda isticmaalid.
shafshafayn
ld shaf-shafo (3).
shafshafee
1. Qof ama meel dhaawac ah xayr kulul ku dhayid. 2. Qof la dhaawacay qaantiisi qayb ka mid ah siin.
shafshafo
1. (-ooyin, m.l) Cad xayr ah oo inta la kululeeyo nabar ama meel bugta lagu dhayo. 2. Hanti la siiyo qof dhaawac la gaarsiiyey. 3. ld shafshafayn.
shagcad
1. Cad. 2. Tallaabo.
shahaad
Dadaal badan oo tacab loo galo.
shahaadid
shallayto
shahaado
1. Qiritaanka la qiro tawxiidka. 2. (-ooyin, m.l) Warqad caddayn ah oo la siiyo qof marxalad waxbarasho dhammaystay. 3. Marqaati.
shahaadosuur
Marqaati-beenaale.
shahiid
1. Sh. ah: qof dadaal badan oo aad isu tiilaya. 2. (-dyo/-diin, m.dh) Qof fidinta diinta u dhintay.
shahiidnimo
Shahiid ahaansho.
shahmaad
Amakaag.
shahwo
Dareere layiig ah oo ka yimaada xubnaha taranta ee laboodka; mani, mino. ld shahwad.
shakaal
1. Summad alif gudban ah oo xoolaha looga sunto addinka hore. 2. Xiridda faras, geel, iyo baqal laba lugood oo isku dhan ah xarig iwm looga xiro. 3. Celinta gacan jaban ama dhaawacan lagu celiyo xarig qoorta suran.
shakaalan
Wax la shakaalay ahaansho.
shakaalnaan
ld sha-kaalnaansho.
shakaalnaansho
/dh ld shakaalnaan.
shakad
Suun shiraac ama harag ka samaysan oo jeebab badan leh xabbadahana lagu rito.
shakamad
Suun dun bulush ah leh oo fardaha madaxa loogu xiro qurux awgeed.
shakamadee
Faras shakamad ku xirid.
shakhsi
1. Qof. 2. Sh. ah: khaas ah; fardi ah.

