shakhsiyad
Tayada dadnimo ee qof leeyahay.
shaki
Dareen qofka ku dhaliya inuu wax xaqiiqdiisa sugiwaayo.
shakisan
Wax shaki ku jiro ahaansho.
shakisnaan
ld shakis-naansho.
shakisnaansho
/dh ld shakisnaan.
shakiyid
ld shakin.
shalabow
Dhacaan cad oo biyo-biyo ah, laga liso geedka baarka, la cabbo oo marka layska badiyo lagu wareero ama lagu sakhraamo.
shalamad
1. Calaamad madow oo candhada idaha ku taal. 2. Gar-basaar yar oo gabdhuhu luqunta ku xirtaan. 3. Maro yar, bul jilicsan leh oo kooraha fardaha la dulsaaro. 4. Qalab yar oo qof socod ku jiro qaato.
shalamad-dhigasho
Cid meel deggan oo inta qof u yimaada iskala jooga. ld shalamad-dhigid.
shalaw
/dh Meel hoos u dheer, ciriiri ah oo wixii ku dhaca sida looga soo baxsho dhib badantahahy.
shalawtir
Buuxinta la buuxiyo weel wax yar ka dhimanyihiin.
shalax
Koor weyn.
shalay
Maanta maalintii ka horrey-say. ld shalayto.
shalfad
Cad yar oo maro ah.
shalfo
Nabar ku samaysma tagoogta geela afkeeda kore marka shafku xoqo.
shalgad
Dhillo.
shallaa
Wax tegey ka qoomamayn.
shallay
Qoomamaynta laga qoomameeyo dhacdo hore. ld shallayto.
shalmaan
Qoryo heeraabka afka ku wada haya oo doonyaha feero u ah.
shalmad
1. Calaamad madow oo candhada idaha ku taal. 2. Gar-basaar yar oo gabdhuhu luqunta saartaan. 3. Maro yar, bul jilicsan leh oo kooraha fardaha la dul saaro. 4. Qalab yar oo qof socod ku jira uu qaato.
shalwi
Wax meel hoos u dheer oo ciriiri ah ku ridid.
shalwo
Ku sh.: meel hoos u dheer oo ciriiri ah ku dhicid.
shamac
1. Xanjo shinnidu samaysato oo malabka ku kaydsato. 2. Ul dhuuban oo xayr ka samaysan oo inta dhexda dun ama wax u eg laga geliyo la daaro ama shidma. ld shimic, shumac.
shamal
Nooc cayaaraha shacbiga ka mid ah oo jiib, jaan iyo sacab lagu dheelo.
shambi
Curri.
shambisgeys
Geedgaab aan qodax lahayn oo daawo laga sameeyo.
shamiintee
Wax shamiinto marin.
shamiinto
Budo marka lagu qaso ciid, nuurad iwm dhagxanta, bulukeetiyada iwm ee wax lagu dhisayo la iskula qabto.
shammaal
Dabayl xilliga xagaaga ah woqooyi ka timaadda.
shammir
Meel cammirid (dad).
shamrad
Qolalka guriga kan sariirtu taal oo la seexdo.
shamuum
Ku sh.: nafley badan meel isugu ururid.
shamuumsan
Nafley meel ku xoonsan ahaansho.
shamuumsanaan
ld shamuumsanaansho.
shamuumsanaansho
/dh ld shamuum-sanaan.
shamuurey
Nooc meseggada ka mid ah oo midab guduudan leh.
shan
1. (t) Tirada afarta iyo lixda u dhexeysa; “5”. 2. Xoog; awood. 3. Gacan.
shanaad
Tirada jagaalaha ah, kan u dhigma shanta.
shanaq
Cid deldelid.
shanbal
(muus.) Nooc ka mid ah qalabka muusikada oo ka samaysan qori laba qalbac ah, oo mid walba dhexda u godanyahay, marka laysku dhuftana sameeya dhawaaq kan koorta u eg.
shanboogsiis
Geednagaar aan qodax lahayn oo caleemo yaryar oo teel teel ah leh iyo ur biir ah, dhirta daawadana ka mid ah.
shanboolo
Nooc ka mid ah siyaabaha turubka loo cayaaro oo afar nin ku dheelaan hal turub oo biigga laga saaray.
shandad
Santuukh ka samaysan harag, safiito iwm leh siddo la qabsado oo safarrada lagu galo; boorso.
shanee
1. Tiro afar ah shan ka dhigid. 2. Ka sh.: cid ka guul helid.
shanfarood
Geedgaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban, caleemo yar-yar iyo miro la cuno oo ka baxa cadduun-ka.
shangeesle
Shaxan shan gees leh.
shangoyo
Ciyaar dhaqameed laga yaqaan gobolka Jigjiga.
shaniin
Nooc qaraha ka mid ah oo macaan, biyo badanna leh.
shanlayso
Timo shanlo ku feerasho.
shanle
1. Xaashi turub oo shan dhibcood leh. 2. Buntukh shan xabbadood qaada.
shanlee
Timo iwm shanlo ku feerid.
shanley
1. Maro shan waar ah. 2. Gabay gaaban.
shanlo
Qalab caag, bir ama qori ka samaysan oo meel la qabsado iyo ilko dhaadheer oo isu dhawdhaw leh oo timaha lagu feerto.
shanqarin
sharafdhac²
shanqartirasho
ld sanqartirad, sanqartirasho, shanqar-tirad.
shanqartiro
Si aan shanqar loo maqlin aayar u socosho. ld sharqartiro.
shansho
Xubinta u dhexeysa bowdada iyo majinta nafleyda qaarkeed.
shaqaabad
1. Rabsho; buuq. 2. Sh. ah: qof dhib badan.
shaqaale
1. Qof cid ama hay'ad u shaqeeya oo mushaar ka qaata. 2. Qof muruqmaal ah.
shaqaaqo
Rabsho; buuq; shil.
shaqaawis
Nooc ka mid ah libaax-badeedka.
shaqad
Sh. leh: ri' midab bar madow iyo bar cad isugu jira leh.
shaqal
Sharrax lagu qurxiyo weelasha, albaabada, dariishadaha iwm.
shaqala'aan
Xaaladda uu ku sugan yahay qof shaqo uu wax ka tacbado aan haysan.
shaqali'i
Waayitaanka la waayo wax laga shaqeeyo.
shaqaqorid
Shaqo siinta qof shaqo la siiyo. ld shaqaqoris.
shaqayn
ld shaqays.
shaqaysasho
ld shaqaysad, shaqaysi.
shaqaysii
1. Ka sh.: qof in uu shaqo qabto ku kallifid. 2. Ka sh.: matoor iwm oo aan shaqaynayn hagaajin.
shaqayso
Shaqo qabsasho.
shaqee
Qof shaqo qabasho.
shaqfad
Laab; qalbi.
shaqfal
Kilkil. ld shoqfol.
shaqiiq
Cudur madaxa qabta oo wixii qabaa ilkaha isku lisaan oo jirriqsadaan.
shaqiiqato
1. Xanuun madaxa dhinac ka qabta; goonjab. 2. Iin ku dhacda geela oo isu dhowaysa addimadiisa dambe oo kilkiluhu is xoqaan oo nabar yeeshaan.
shaqlan
1. Wax sharrax lagu qurxiyey ahaansho. 2. Wax shaqal loo yeelay ahaansho.

