shislaansho
/dh ld shislaan.
shito
Siil.
shixnad
Markab, doon iwm xamuul ka buuxin.
shixnadan
Markab, doon iwm wax shixnad la saaray ahaansho.
shixnadnaan
ld shix-nadnaansho.
shixnadnaansho
/dh ld shixnadnaan.
shohor
Ur xun oo labka nafleydu leeyahay oo la dhibsado; shuruf.
shoob
Cid mardaadiyid.
shood
Weel bir ka samaysan oo badarka iwm lagu beegto, una dhiganta suus barkii (banaadir).
shoofanisam
Caadifad muujinayso in qofku uu si daran u aaminsan yahay in dalkiisa iyo dadkiisina ay ka muhiim san-yihiin ama ka fiicanyihiin dadyowga kale.
shoog
Xaalad cudureed la socota marka cadaadiska dhiigwareegga uu aad hoos ugu dhaco oo uu dhiiggu gaari waayo soohyada.
shookad
1. Bar yar, cad oo isha dhexdeeda (birteeda) ku samaysanta. 2. ld shooko (2).
shooki
Saldhig boolis.
shooko
1. Qalab bir ah oo af godan leh, yaambadana u eg oo geedaha lagu qoro. 2. ld shookad. Yaambo yar oo xooggan oo dhulka adag lagu falo.
shool
Faanid (cid).
shoolad
1. Markabka meesha qiiqu ka baxo. 2. Dhuun kasta oo dheer korna u taagan oo qiiqa kor u saarta. 3. Qalab bir ka samaysan, gaas ku shaqeeya oo wax lagu karsado.
shoolo
Meel loogu dhakado neefka (ugaar) la rabo in la khatalo; shoomo.
shoon
Geedo badan oo isku meel ku urursan.
shoox
Kalluun yaryar oo cutub-cutub isu raaca.
shooxaad
Nooc nibiriga ka mid ah.
shooxo
Balli yar oo meel xaani ah ku yaal.
showmadoonto
Nooc ka mid ah mariidka oo si deg-deg ah neefka u dila, baadigoobkiisana aan loo dheeraan.
shub
1. Hoore meel ku geddin. 2. Xoolo waraabin. 3. Lacag bangi dhigid. 4. Quruurux, ciid, shamiinto iwm dhismo ka samayn. 5. Bir iwm dhalaalin.
shubaal
1. Laxooxda balballaaran nooc ka mid ah oo macaan. 2. Shubidda ceel la shubo. 3. ld shubid.
shuban
Saxaro jilicsan ama biyo ah oo la dhigo si is daba joog ah. Waxa sabab u noqon kara xiidmaha oo bukooda (infekshan, kolaytis, iyo cudurka “crohn”), dheefdhuuqa oo xumaata, xaaladaha acsaabtu kacsantahay iwm. Shubanku haddii uu dheeraado ama si daran u socdo wuxu keeni karaa: biyo aad u badan, cusbooyin iyo nafaqo kale oo jirka ka baxa.
shuban4
1. Hoore wax la shubay ahaansho. 2. Xoolo wax la waraabshay ahaansho.
shubid
ld shub¹, shubaal, shubniin.
shubme
Hoore.
shubnaan
ld shub-naansho.
shubnaansho
/dh ld shubnaan.
shubo
1. Hoore, badar iwm meel ku geddisasho. 2. Xoolo wa-raabsasho.
shucaac
muujin.
shucayb-sacaaf
Noolayaal yaryar oo dul sabbeeya biyaha badaha iyo harooyinka. Shucaybsacaafka waxa ka mid ah xayawaannada iyo dhirta ili ma-aragtayga ah, sida aljiga, borotosoowaha iwm.
shucub
1. Dun, mayrax iwm oo wax lagu qurxiyo. 2. Cutub ubax ama miro ah oo isku meel ka soo baxay, sida miraha canabka. 3. Toorrey daabkeeda inta sare ee maartu ku jirto.
shucuur
/dh Dareen; qiiro.
shufeer
Qof baabuur wada; wade.
shuftanimo
Dagaalyahan ee dagaallamaaya oo ka mid ah ciidan aan rasmi ahayan, ee ka soo horjeeda ciidamada dawladda iyo booliska; jabhad.
shuftayn
ld shuftays.
shuftee
Qof dhac iyo dil u banbixid.
shufto
Dad u banbaxay dhac, dil iyo boob.
shuftow
Shufto noqosho.
shugri
Mahadcelin.shummi
shugrinaq
U sh.: cid u mahad celin.
shugrinnaq
Mahadcelinta loo mahad-celiyo qof abaal galay.
shugriyid
ld shugrin.
shuhub
Gabal ka soo go'ay maatar adag oo soo galay gibilka qaybtiisa sare kana yimid dulalaati sare,lagana arko dhulka, ilays ka dhasha isxoqidda isaga iyo hawada uu soo dhexmarayo awgeed.
shukaami
1. Haweenay xodxodasho. 2. Qof qalqaalin. 3. Doon, markab iwm wadid.
shukaamin
ld shu-kaamis.
shukaan
1. Meesha uu fariisto qofka wada baabuur, markab,dayuurad iwm. 2. Isku joog garangar ama wax u dhigma iyo xubno kale ka kooban oo gaadiidka badda, cirka iyo dhulka ninka wadaa uu adeegsado.
shukaansasho
ld shukaansasd, shukaansi.
shukaanso
1. Hawee-ney xodxodasho. 2. Cid qalqaalsasho.
shukaysan
Naag wax shuko gashan ahaansho.
shukaysasho
ld shu-kaysad.
shukaysnaan
ld shu-kaysnaansho.
shukaysnaansho
/dh ld shukaysnaan.
shukayso
Haweeney shuko xirasho.
shuko
Maro badanaa midab madow leh oo dumarka muslinka ahi qaataan oo oogada dhan wada qarisa; shaadir.
shukul
Tumidda badar kal iyo mooye lagu tumo si isha looga bixiyo. ld sukul¹.
shukulaato
Nooc macmacaanka ka mid ah oo midab bunni ah leh lana cuno.
shukulnaansho
/dh ld sukulnaan.
shukumaan
Maro duf leh oo badanaa suuf ka samaysan oo biyaha laysaga tirtiro.
shukuxi
Digir tartiib u sukulid.
shukuxin
ld shukuxis.
shukuxsan
Digir wax la shukuxay ahaansho.
shukuxsanaan
ld shukuxsanaansho.
shukuxsanaansho
/dh ld shukuxsanaan.
shulle
1. Fardaha canqawgooda hoose oo qoofalka lagu xiro. 2. Cagta dadka iyo dhudhunka meesha ay iska galaan; canqaw. ld shullo.

