0

shibbin

m f dh

Eeg: shibbi

0

shibir

m l

Taako.

0

shibqi

f g2 (-iyay, -isay)

Neef irmaan oo ido ah lisid.

0

shibqin

m f dh

Eeg: shibqi

0

shicib

m l

Eeg: shacab

0

shicir

m l

Gabay.

0

shid

f g1 (-day, -dday)

1. Dab iwm hurin. 2. Nal, raadiye iwm daarid.

0

shidaal

m l (-llo, m.dh)

(kiim.) Walax la ogsidheeyo ama haddii kale lagu beddelo marraaq ama injiinka kulka si ay u sii dayso kulama tamar waxtar leh.

0

shidan

f mg4 (-dnaa, -dnayd)

Nal, dab, raadiye iwm wax la shiday ahaansho.

0

shidasho

m f dh

Eeg: shido

0

shiddee

f g2 (-deeyay, -daysay)

Cid shiddo ku abuurid.

0

shiddeyn

m f dh

Eeg: shiddee

0

shiddo

m dh (-ooyin, m.l)

Dhibaato; rafaad. ld shiidaad.

0

shidid

m f dh

Eeg: shid

0

shidmid

m f dh

Eeg: shidan¹

0

shidnaan

m f dh

ld shid-naansho.

0

shidnaansho

m l

/dh ld shidnaan.

0

shidni

m l

Dhir udgoon iyo basbaas la isku shiiday, oo dhadhan wanaagsan oo cuntada lagu cuno leh. ld shadni.

0

shido

f g3 (-itay, -idatay)

1. Nal, raadiye iwm daarasho. 2. Dab iwm hursasho.

0

shifaysad

m l

Eeg: shifaysasho

0

shifaysasho

m f dh

ld shifaysad, shifaysi.

0

shifaysi

m l

Eeg: shifaysasho

0

shifayso

f g3 (-stay, -satay)

Wax kalsooni iyo iimaan ku qabid.

0

shifo

m dh

1. Caafimaad wax lagu cuno ama lagu cabbo; fayoobi; ladnaan. 2. (e.d) Erey duco ah oo cuntada ama cabidda horteeda la yiraahdo, ama qof saxday lagu yiraahdo; salaama!.

0

shig

f mg1 (-gay, -gtay)

Iin darteed hadal si dhib leh oo googo'an ugu dhawaaqid.

0

shigid

m f dh

Eeg: shig

0

shiica

m dh (dii.)

Dugsi ka mid ah dugsiyada fiqiga islaamka.

0

shiici

m l kh (dii.)

Sh. ah: qof nidaamka shiicada raacsan.

0

shiid

f g

/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Cid dhagax ku tuurid. 2. (f.g) Wax burburin. 3. (f.g) Laba dhagax oo is dulsaaran badar ku daqiijin. 4. (f.mg) Biyo hoos ugu degid.

0

shiidaad

m dh

Eeg: shiddo

0

shiidaadi

f g2 (-iyay, -isay)

Cid dhibaatayn.

0

shiidaadin

m f dh

Eeg: shiidaadi

0

shiidaado

m dh (-ooyin, m.l)

Kulan la isugu yimaad xus, aroos iwm.

0

shiidan

f mg1 (-dmay, -dantay; -dmi)

Badar iwm wax la shiiday noqosho.

0

shiidid

m f dh

Eeg: shiid²

0

shiidmid

m f dh

Eeg: shiidan¹

0

shiidnaan

m f dh

ld shiid-naansho.

0

shiidnaansho

m l

/dh ld shiidnaan.

0

shiifow

m l

Cudur lo'da ku dhaca oo indhaha iyo afka biyo ka keenaan; cundugul.

0

shiikh

m l (-khyo, m.dh)

1. Nin diinta aad wax uga yaqaan; caalim. 2. Sh. ah: neef ido ah oo wada cad. ld sheekh.

0

shiikh-habaabis

m l

Qof hadal badan, been- low ah hadalkana qurxiya oo run u ekey-siiya.

0

shiikhnimo

m dh (dii.)

Shiikh ahaansho.

0

shiil

m dh

Dhagax dab lagu kululeeyey oo caddaaday.

0

shiilamadow

m l (-wyo, m.dh)

Dhagax midab madow leh oo aad u adag. ld shiilmadow.

0

shiilan

f mg4 (-lnaa, -lnayd)

Wax la shiilay ahaansho. ld shiilaysan.

0

shiilasho

m f dh

Eeg: shiilo

0

shiilayn

m f dh

Eeg: shiilee

0

shiilaysad

m l

Eeg: shiilaysasho

0

shiilaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Eeg: shiilan

0

shiilaysasho

m f dh

ld shiilay-sad, shiilaysi.

0

shiilaysi

m l

Eeg: shiilaysasho

0

shiilaysnaan

m f dh

Eeg: shiilnaan

0

shiilaysnaansho

m l

/dh ld shiilnaan.

0

shiilayso

f g3 (-stay, -satay)

Shiil wax ku bislaysasho ama ku kululaysasho.

0

shiilcad

m l (jool.)

Dhagax dhadhaab dhalan rogan ah, iniinyaha uu ka koobanyahana ay roo-roon yihiin, wuxuuna ka soo askunmay dhagax buuradeed.

0

shiilee

f g2 (-leeyay, -laysay)

Dhagax aad u kulul hoore ku kululayn.

0

shiilid

m f dh

ld shiillimaad, shiil-niin.

0

shiillimaad

m l

Shiilidda wax la shiilo. ld shiilid.

0

shiilmadoobe

m l

Dhagax madow oo marka laysku dhufto habeenkii dab ka baxo.

0

shiilmadow

m l

Eeg: shiilamadow

0

shiilnaan

m f dh

ld shiilaysnaan, shiilaysnaansho, shiilnaansho.

0

shiilnaansho

m l

/dh ld shiilnaan.

0

shiilniin

m l

Eeg: shiilid

0

shiilo

f g3 (-iishay, -iilatay)

1. Subag ama saliid wax ku bislaysasho. 2. Burcad-dhalaalsasho.

0

shiimo

m dh kh

1. Sh. ah: meel kayn ah. 2. Sh. ah: meel dadka ama xooluhu ku badanyihiin oo buuq badan. ld sheemo.

0

shiin

m l

Xarafka laba iyo tobnaad ee farta carabiga ah.shineemo

0

shiiq

f mg1 (-qay, -qday)

1. Xumbo hoos u dhicid. 2. Wax buuran ama dabayl ka buuxdo yaraansho.

0

shiiqid

m f dh

Eeg: shiiq

0

shiiqiye

m l (-yayaal, m.l/dh)

(baay.) Hiddo barasho ahaan, sharaxaadda aliil, kaas oo awood badan leh marka laba aliil oo kala duwan oo hiddoside laga helo unugyo noole. Tusaale ahaan: dhererka geed salbuka ah waxa xukuma laba aliil, dheer (T) iyo cillinnimo (t). Marka labadooduba ay jiraan (Tt), taas macnaheedu waxa weeye, haddii ay unugyadu kala kaa-nyihiin, geedku wuu dheeryahay, maadaa-me “T” ay tahay shiiqiye “t”na ay tahay shiiqsane.

0

shiiqsad

m l

Eeg: shiiqsasho

0

shiiqsane

m l (-nayaal, m.l/dh)

(baay.) Aliil aan awood badan lahayn, marka laba aliil oo kala duwan laga helo unugyada noole.

0

shiiqsasho

m f dh

ld shiiqsad, shiiqsi.

0

shiiqsi

m l

Eeg: shiiqsasho

0

shiiqso

f g3 (-saday, -satay)

Quwaax iwm iyadoo la calalinayo dhacaan ka nuugid.

0

shiir

m l

Ur aan aad u qurmuunayn sida kan dhididka dadka iwm.

0

shiiraar

f mg1 (-ray, -rtay)

Awr raran aad u daalid.

0

shiiraarid

m f dh

Eeg: shiiraar

0

shiiraarsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Rati raran wax aad u daalay ahaansho.

0

shiiraarsanaan

m f dh

ld shiiraarsanaansho

0

shiiraarsanaansho

m l

/dh ld shiiraar-sanaan.

0

shiiran

m l

Nooc kalluunka ka mid ah.

0

shiirid

m f dh

Eeg: shiir²

0

shiis

m l (jool.)

Dhadhaab dhalan rogan oo u kala jajabi karta saxanno badan oo fidsan khafiifna ah (thin plates) kulka badan iyo cadaadiska dartood.

0

shiish

m l

1. (-shash, m.l) Kurtun yar, bir ah oo ka soo taagan dhuunta buntukha madaxeeda hore oo marka wax la nishaabayo iyada iyo fantax yar oo iyaduna buntukha meel dhexe oo hore kaga taal laysku abbaaro. 2. Nishaab; toog.

0

shiish-bibanji

m l

Eeg: banji-bishiish

0

shiish-bibiish

m l

Eeg: banji-bibiish

0

shiish-bicaddaan

m l

Eeg: caddaan-bishiish

0

shiish-bidooh

m l

Eeg: dooh-bishiish

0

shiish-bijoohaar

m l

Eeg: joohaar-bishiish

0

shiish-bisaliim

m l

Eeg: saliim-bishiish

0

shiish-biyeeg

m l

Eeg: yeeg-bishiish

0

shiishad

m dh

Dhagax dubnadeed oo wajiga cayaarta loogu talaggalay labadiisa dhinac min lix dhibcood ku leh.

0

shiishid

m f dh

Eeg: shiish²

0

shil

m l (-lal, m.l)

Dhibaato si lama filaan ah u dhacda.

0

shilimmow

m l

Cudur qaniiyada shilinta laga qaado.

0

shilin

m dh

Xasharaad siddeed lugood leh oo jaadad badan, baalalna aan lahayn oo dhiigga xoolaha ku nool cudurrana keenta.

0

shilis

m dh kh

Nafley baruur badan leh.

0

shillal

m l (-llo, m.l)

1. Dhis qoryo ka samaysan oo korkeeda xoolaha lagu qalo. 2. ld kullan, shillan, shillin. Geed abaareed dheer oo qodxo, qori adag iyo miro macaan oo la cuno leh; dhirta daawada laga sameeyana ka mid ah.

0

shillan

m l

Eeg: shillal

0

shillin

m l (-mmo/-maad, m.l/dh)

Eeg: shilin¹