shimbir
/dh Cudur ku dhaca dadka iyo xoolaha oo afka qallociya.
shimbircaloolo
Cudur xiidmaha iyo caloosha geela uga dhaca.
shimbirlibaax
1. Shimbir af madow oo dhuuban leh, shimbiraha kalena cunta. 2. Guumays.
shimbirmalab
Shimbir yar oo dayn hilatada u eg lana eg oo dadka tusta meesha malabku ku jiro iyo bahallada halista ah.
shimbiryaxaas
Shimbir aan laga ag waayin yaxaaska oo cunta xasharaadka yaryar iyo findhicilka ku hara ilkaha yaxaaska dhexdooda.
shin
1. Waqti. 2. Sid.
shindhalad
Sh. ah: wax markuu sidkiisii dhammaystay dhashay (ilmo, bil).
shineemo
1. Golaha filimada lagu daawado. 2. Filin. ld sinee-mo.
shinni
1. Xasharaad afar baal iyo oogo xaadi ku taagtaagantahay leh oo malabka samaysa. 2. Abuur; firi.
shinnidhaab
Awlallada qolalkooda yaryar oo shinnidu malabka ku kaydsato.
shinrimid
ld shinrin¹ (2).
shinrin
Neef xoolo ah waqtigii laga filayey in uu rimo rimid.
shinsasho
ld shinsad, shinsi.
shinshin
Hilib karshin ah.
shinso
1. Qof qaraaba-nimo ama saaxiibnimo awgeed wax uga filasho. 2. Wax manaafacaadkiisa isku hal-layn.
shintiri
Maalmo, sanado, gu'yaal iwm tirin.
shintirin
ld shintiris.
shiqib
Qof xun oo nasiib daran.
shir
1. Isu imaadka dad badan isugu imaadaan meel si ay arrimo waaweyn oo u dan ah uga wada hadlaan. 2. Baabuur intiisa hore, meesha uu waduhu fariisto. 3. Waqti, goor. 4. Cayaar sacab, jaan iyo jiiba leh oo ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo hab dhoolatusad ah loo soo bandhigo.
shiraac
Wax shiraac ku daboolid.
shiraaco
1. Shiraac fidsasho. 2. Meel ka tegid.
shiraako
1. Hanti dad badan ka dhexeysa. 2. Sh. ah: dad dani ka dhexeyso oo leh heshiis qoran dhib iyo dheefna wa-daaga. ld shuraako.
shiraakoobid
ld shuraakoobid.
shiraakow
Shiraako noqosho. ld shuraakow.
shiraanshirix
Lafo yaryar oo carjaw ah oo kala goysyada addimada iyo cumaacumta cagta ku yaal.
shiran
Wax la shiray ahaansho.
shirayn
ld shirays, shiro.
shiraysasho
ld shiraysad, shiraysi.
shirayso
Neef shiro u qalasho.
shirbi
Neef irmaan oo ido ah lisid.
shirbo
Ciyaar hees iyo sacab leh oo la tumo munaasabadaha aroosyada.
shiree
Neef shiro ahaan u qalid.
shirfid
ld shurfid.
shiri
Dad badan si ay arrin uga doodaan meel isugu keenid.
shirib
Cayaar raggu dheelo iyadoo warmo iyo gaashaamo la qurxiyey la sito oo taagnaan iyo socodba lagu tumo.
shirif
Nafley ur xun yeelasho. ld shuruf².
shiriid
Libaaxbadeed dad qaad ah oo madax dubbaha u eg iyo indho kala fog oo midiba gees ku taal leh.
shirin
ld shiris.
shirix
Lafo yaryar oo dhuux leh, kuna jira lugaha dadka iyo xoolaha.shoog
shirjaraa'id
Shir wargeysyada.
shirkad
1. Urur ka kooban laba qof ama ka badan oo si wada jir ah hanti isugu darsada oo ku shaqaysta faa'ii-dadana wadaaga. 2. Xarunta shirkadda. ld sharikad.
shirki
Kelinnimada Alle iyo cibaadadiisa oo wax kale lala wadaajiyo.
shirkow
Shirko noqosho.
shirmaa
Goorma? ld shimaa.
shirnaan
ld shirnaansho.
shirnaansho
/dh ld shirnaan.
shiro
Meel daloosha awdasho.
shirqool
Cid shirqool u samayn.
shirqoolan
Wax la shirqoolay ahaansho.
shirrabnaansho
/dh ld sharrabnaan.
shirsan
Wax shir isugu yimid ahaansho.
shirsanaan
ld shirsa-naansho.
shirsanaansho
/dh ld shirsanaan.
shirweyne
Kulan wufuud badani issugu yimaadaan oo ka wada hadlaan arrimo muhiim ah oo wejiyo badan leh.
shishac
Ood neefka la qalayo la kor saaro si aan hilibka ciiddu u gaarin; shillal.
shishay
s. Meel durugsan, meel aan dho-weyn. Tus. “Togga shishadiisa ayay deg-ganyihiin”. ld shishe.
shishe
s. Meel durugsan.
shishee
Wax durugsan noqosho.
shisheeye
1. Qof aan xiriir sokeeye la lahayn qolo. 2. Qof jooga dal uusan u dhalan.
shisheeye-naceyb
Cabsi, ama neceeb aad u qabtid dadka waddamada ka-le.
shisheeynimo
Shisheeye ahaansho.
shishlaansho
/dh ld shislaan.
shislaan
ld shishlaan, shishlaansho, shislaansho.

