0

shulshul

f g1 (-ulay, -ushay)

1. Googarad, daah iwm laalaab u yeelid. 2. Maro darfaha faraq uga yeelid.

0

shulshulan

f mg1 (-lmay, -lantay; lmi)

Wax shulshul yeeshay noqosho.

0

shulshulid

m f dh

Eeg: shulshul²

0

shulshulmid

m f dh

Eeg: shulshulan¹

0

shulshulnaan

m f dh

ld shulshulnaansho.

0

shulshulnaansho

m l

/dh ld shulshulnaan.

0

shulug

m l (-gyo, m.dh)

Shaati dheer oo ilaa shullaha gaara oo badanaa carabtu qaadato.

0

shumac

m l

Eeg: shamac

0

shumbul

m l (-llo, m.dh)

Orgi yar oo gaaray da'dii uu riyaha ku orgayn lahaa.

0

shumbulnimo

m dh

Shumbul ahaansho.

0

shummayn

m f dh

ld shum-min, shummis.

0

shumme

m l

Eeg: shummo

0

shummee

f g2 (-meeyay, -maysay)

Cid dhunkasho. ld shummi.

0

shummi

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: shummee

0

shummin

m dh

Eeg: shummayn

0

shummis

m l

Eeg: shummayn

0

shummo

m dh (-ooyin, m.l)

Calaamad dhibic ah; joogsi. ld shumme.

0

shunuuf

m dh (-fo, m.l)

Suuqadda dumarku quruxda u qaato waxyaalaha laga lulo oo lagu qurxiyo.

0

shuqayn

m f dh

Eeg: shuqee

0

shuqee

f g2 (-qeeyay, -qaysay)

1. Ul afkeed iwm wax ku mudmudid. 2. Badar si ishu uga baxdo aayar kal ku tumid.

0

shuqlan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax la shuqliyey ahaansho. ld shuqloon.

0

shuqlanaan

m f dh

ld shuqlanaansho, shuqloonaan, shuqloo-naansho.

0

shuqlanaansho

m l

/dh ld shuqlanaan.

0

shuqli

f g2 (-iyay, -isay)

Cid hawl gelin.

0

shuqlin

m f dh

Eeg: shuqli

0

shuqloon

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: shuqlan

0

shuqloonaan

m dh

Eeg: shuqlanaan

0

shuqloonaansho

m l

/dh ld shuqlanaan.

0

shuqul

m l (-llo, m.dh)

Shaqo; hawl.

0

shuraako

m dh

Eeg: shiraako

0

shuraakoobid

m dh

Eeg: shiraakoobid

0

shuraakow

f mg1 (-oobay, -oowday; -oobi)

Eeg: shiraakow

0

shurbad

m dh

Meseggo, qamadi iwm oo la budeeyey si biyo-biyo ahna loo kariyey oo badanaa soonka lagu afuro; mushaalli.

0

shurbadayn

m f dh

Eeg: shurbadee

0

shurbadee

f g2 (-deeyay, -daysay)

Meseg-go, qamadi iwm shurbad ka dhigid.

0

shurfid

m dh

Eeg: shirfid

0

shurgi

f g2 (-iyay, -isay)

Qof ishiisa laga baqayo hanti yar siin si ishiisa looga badbaado.

0

shurgin

m f dh

ld shurgis.

0

shurgis

m l

Eeg: shurgin

0

shuruf

f mg1 (-fay, -ftay)

Eeg: shirif²

0

shurug

m l

1. Wax la sharaysto. 2. Sh. ah: qof la sharaysto.

0

shuruglow

m l

Qof la baasaysto oo la aaminsanyahay in uu balaayo wato.

0

shuruuc

m f w

Eeg: sharci¹

0

shuruud

m dh

1. Ballan hore loo dhigtay. 2. Qodob muhiim ah in la fuliyo. 3. (w) eeg sharad 1 (2).

0

shuruudla'aan

m dh fk

Shardi ku xirnaan la'aan.

0

shushub

f g1 (-bay, -btay)

1. Maro iwm dacalkeeda shulshul u yeelid. 2. Hoore weel ku gedgeddin.

0

shushuban

f mg4 (-bnaa, -bnayd)

Qof wax xubnihiisu isu dheeli tiranyihiin ahaansho.

0

shushubasho

m f dh

Eeg: shushubo

0

shushubi

f g2 (-iyay, -isay)

Maro, daah iwm shushub u yeelid.

0

shushubin

m f dh

ld shu-shubis.

0

shushubis

m l

Eeg: shushubin

0

shushubnaan

m f dh

ld shu-shubnaansho.

0

shushubnaansho

m l

/dh ld shuhsubnaan.

0

shushubo

f g3 (-btay, -batay)

1. Hoore weel ku gedgeddisasho. 2. Maro shushub u yeelasho.

0

shushubsad

m l

Eeg: shushubsasho

0

shushubsan

f mg4 (-naa, -nayd)

maro, daah iwm wax shushub loo yeelay ahaansho.

0

shushubsanaan

m f dh

ld shushubnsanaansho.

0

shushubsanaansho

m l

/dh ld shushub-sanaan.

0

shushubsasho

m f dh

ld shushubsad.

0

shushubso

f mg3 (-saday, -satay)

Maro, daah iwm shushub u yeelasho.

0

shuuci

m l (-ciin, m.dh)

Qof raacsan madba'a shuuciyadda.

0

shuuciyad

m dh

Hab dhaqan-dhaqaale oo qalabka wax soo saarka ay dawladdu gacanta ku hayso. ld shuyuuciyad.

0

shuuf

f g1 (-fay, -ftay)

Wax ama qof ilaalin ama fiirin.

0

shuufid

m f dh

Eeg: shuuf

0

shuun

m dh

Boqorradda shinnida.

0

shuunley

m dh

Gumaarka dadka.

0

shuuq

f mg1 (-qay, -qday)

1. Awr, abeeso iwm cod aan qeexnayn bushimaha oo is haysta ka soo saarid. 2. Wax weynaa yaraansho.

0

shuuqid

m f dh

Eeg: shuuq

0

shuuqsasho

m f dh

ld shuuqsi.

0

shuuqshuuq

m dh

Kadafka qaarkiis oo raxa-raxan u socda. ld shuushuunle, shuuq-shuuqle.

0

shuuqshuuqle

m l

Eeg: shuuqshuuq

0

shuuqsi

m l

Eeg: shuuqsasho

0

shuuqso

f g3 (-saday, -satay)

Quwaax la calalinayo dhacaan ka nuugid.

0

shuur

f g1 (-ray, -rtay)

Badar dhagax biyo uga saarid.

0

shuuran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Badar wax biyo laga shuuray ahaansho.

0

shuuri

f mg2 (-iyay, -isay)

Kibir iyo isla weyni la aamusid.

0

shuurid

m f dh

Eeg: shuur²

0

shuurin

m f dh

ld shuuris.

0

shuuris

m l

Eeg: shuurin

0

shuurnaan

m f dh

ld shuur-naansho.

0

shuurnaansho

m l

/dh ld shuurnaan.

0

shuuro

m dh

Soor galley ama meseggo oo si gaar ah loo kariyey.

0

shuush

m l

1. Cudur. 2. Xumaan uurka la isugu hayo; uurkutaallo.

0

shuushaami

f g2 (-iyay, -isay)

1. Xoolo si gaar ah oo lexejeclo iyo turidi ku jirto u wadid. 2. Wax si gaar u xannaanayn. ld shuushi.

0

shuushaamin

m f dh

ldshuushaamis, shuushin.

0

shuushaamis

m l

Eeg: shuushaamin

0

shuushi

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: shuushaami

0

shuushin

m dh

Eeg: shuushaamin

0

shuushuu

m dh

Hadal cid gaar ah wax looga sheegayo oo hoos ahaan laysugu gudbiyo.

0

shuushuule

m l

Sh. ah: qof xan badan oo dadka hoos ka dicaayadeeya.

0

shuushuulee

f mg1 (-leeyay, -leysay)

Shuushuu fidin.

0

shuushuuleyn

m f dh

ld shuushuuleys.

0

shuushuuleys

m l

Eeg: shuushuuleyn

0

shuushuunle

m l

Eeg: shuuqshuuq

0

shuux

m l

Roob aan tabar lahayn oo dhibco yaryar.

0

shuuxid

m f dh

Eeg: shuux²

0

shux

m l

Duxda ka baxda shay dufan leh marka qorraxda la dhigo.

0

shuxid

m f dh

Eeg: shux³

0

shuxlee

f mg2 (-leeyay, -leysay)

Si xarrago ku jirto u socosho.

0

shuxleyn

m f dh

Eeg: shuxlee