sha'ni
Si; xaal; ged; alab.
shaab
1. Nin dhallin yar oo xoog leh. 2. Sh. ah: dukaan badeeco ka buuxdo oo cammiran.
shaabbad
Shay dabo la qabsadana leh oo cijir ama bir ka samaysan oo hadal ama astaamo ku qoranyihiin oo dukumuntiga iyo warqadaha lagu dhufto. ld shabbad, shabbo.
shaabbadayn
ld shaabbadays, shabbadayn, shabbadays, shabbayn, sha
shaabbadaysan
Dukumenti iwm wax la shaabbadeeyay ahaansho. ld shabbadaysan, shabbaysan.
shaabbadaysasho
ld shabbadaysasho, shabbaysasho.
shaabbadaysnaan
ld shaabbadaysnaansho, shabba-daysnaan.
shaabbadaysnaansho
/dh ld shaabba-daysnaan.
shaabbadayso
Wax shaabbad ku dhufsasho. ld shabbadayso, shabbayso.
shaabbadee
Warqad ama dukuminti shabbad la dhicid. ld shabbadee, shabbee.
shaabbah
U ekaanshaha wax, wax kale u ekaadaan. ld shabbah¹.
shaabbihid
ld shabbihid.
shaabuug
Suun dhuuban, dheer, dabo la qabsado leh oo wax lala dhaco; karbaash; jeedal.
shaabuugayn
ld shaabuugays.
shaabuugee
Wax shaabuug la dhicid.
shaac
Sh. ah: wax la wada maqlo ama la wada arko oo caan noqda.
shaacays
1. Qori xabbad keliyaale ah oo waayadii hore lagu dagaallami jiray. 2. Wax si aan caadi ahayn u shaqeeya. 3. ld shaacayn.
shaacbax
Soo sh.: wax la wada yaqaan noqosho.
shaacbixi
Wax la wada yaqaan ka dhigid.
shaaci
War iwm faafin.
shaacin
ld shaacis.
shaacir
Qof maansoole ah; laashin.
shaacirayn
ld shaa-cirays, shactirayn.
shaaciree
Shaaciro samayn. ld shactiree.
shaaciro
Hadal iyo dhaqdhaqaaq loola jeedo in cid looga qosliyo. ld shactiro.
shaaciroole
Qof dadka ka qosliya. ld shactiroole.
shaadali
1. Qaxwo qafiif ah oo laga sameeyo qashirka bunka. 2. Shaah badan oo duco ahaan loo baxsho.
shaadir
Maro madow oo darfaha isaga tolan oo haweenka muslinka ahi dhex galaan jirkooda oo dhanna ku qariyaan; shuko.
shaafi
1. Cid bugtey caafimaadin (Eebbe). 2. Ka sh.: cid arrin ka bogsiin.
shaafici
Qof raacsan mad-habta shaaficiga ee fiqiga diinta Islaamka.
shaafii
Duco carabi iyo soomaali isugu jirta oo ardayda quraanku maqribkii akhriyaan. ld shaafiin.
shaag
Shay wareegsan oo isugu jira cinjir iyo bir oo baabuurtu ku socdaan. 2. Dhabbe jid cadde ah oo baabuurtu marto.
shaah
1. Geedgaab weligii cagaaran oo ubax cad cad leh kana baxa dalalka Hindiya, Shiinaha, Sayloon iyo bariga Afrika. 2. Caleenta geedka shaaha oo la engejiyey loona diyaariyey in la isticmaalo. 3. Cabbitaan guduudan oo ka kooban caleenta shaaha, sonkor iyo dhir kale oo laysku kariyo. ld shaahi.
shaahi
Cid shaah siin.
shaahid
Marqaati.
shaahin
ld shaahis.
shaajac
Nin geesi ah oo aan baqin. ld shajaac.
shaajacnimo
Shaajac ahaansho. ld shajaacnimo.
shaal
1. Go' la huwado oo badanaa laga sameeyo dhogorta idaha, midabbo badanna leh oo laga keeno Kashmiir. 2. Aliindi.
shaalcad
Dharka aliindiga ah nooc darfaha ku leh daliig midab ah oo wada cad.
shaamareer
Yaab aad u badan iyo filanwaa.
shaamareeri
Shaamareer ku ridid.
shaamareersan
Wax shaamareer ku dhacay ahaansho (cid).
shaamareersanaan
ld shaamareersanaansho.
shaamareersanaansho
/dh ld shaama-reersanaan.
shaambee
Cid shaambo ku dhufasho.
shaambi
Weel weyn oo dhoob ka samaysan qaab ukumeedna leh iyo dabo dhuuban oo biyaha lagu shubto; aashuun. ld shaambaay.
shaambin
ld shaambis.
shaambo
1. Dhufashada ay dabada wax ku dhuftaan libaax-badeedka, yaxaaska iwm. 2. Si gaar ah oo lugaha la isugu dhufto marka biyaha gudohooda lagu jiro. 3. Dharka la dhaqayo oo lala dhaco wax adag (dhagax ama qori). 4. Hoore layiig ah, xumbeeya oo jirka, timaha iwm lagu dhaqo.
shaandhee
1. Warqado turub baandhayn. 2. Dad jagooyin haya isku beddelid. 3. Wax dulduleel badan u yeelid. 4. Wax kala miirid.
shaandho
1. Isku qasidda warqadaha turubka laysku qaso. 2. Isku beddelidda la isku beddelo dad jagooyin haya. 3. Qalab wax lagu kala miiro. 4. S. ah: wax daldalool badan leh.
shaanis
Nooc ka mid ah siyaalaha turubka loo cayaaro. ld shaanus.
shaankax
Wax bir ku googoyn.
shaankaxan
Wax la shaankaxay ahaansho.
shaankaxnaan
ld shaankaxnaansho.
shaankaxnaansho
/dh ld shaankaxnaan.
shaaqi
Nin shaaqale ah oo dadaal bandan.
shaar
Hu' si gaar ah loo tolay oo leh kulleeti, gacmo, guluusyo la iskula xiro oo dadku qaarka sare ka qaato; shaati.
shaaraq
S. ah: Qalidda neef ishkin ah la qalo waqti abaar ah si hilibkiisa looga ganacsado.
shaaraqo
Neef ishkin ah waqti abaar ah qalasho.
shaarib
Timaha ka baxa bushinta sare ee ragga korkeeda. ld shaarub.
shaaruf
Dufta xoolaha.
shaarug
Digir la dubay oo qolofta laga qaaday.
shaash
1. Timo dhaadheer oo ka baxa qoorta libaaxa lab iwm. 2. Masarshabbi sida badan xariir ah, midabbo badan leh oo dumarku madaxa ku xirtaan.
shaashee
Ilmo markaa dhashay shaasho gayeeysiin.
shaashley
1. (u) Haweenka inta la guursadey. 2. S. ah: naag xarrago badan.
shaasho
Cudur ka yimaad nadaafad xumada oo waxyeeleeya carruurta iyo naagaha ummulaha ah.
shaashoobid
ld shaa-shood.
shaashow
Wax shaasho ku dhacday noqosho (carruur iyo haween). ld shaashoo.
shaashsaar
Xaflad la sameeyo toddabaadka arooska dhammaadkiisa oo gabadha, shaash muujinaya inay gabar-nimadii ka baxday loogu saaro.
shaashsaaran
Gabadh la aroosay oo la shaash saaray ahaansho.
shaashsaarid
ld shaashsaaris.
shaashsaarnaan
ld shaashsaarnaansho.
shaashsaarnaansho
/dh ld shaashsaar-naan.

