negayn
ld nagayn.
negee
Cid geeddi, socdaal iwm ka baajin. ld nagee.
negow
Wax socod, geeddi iwm ka baaqday noqosho. ld nagow.
netuun
Mid ka mid ah meerayaasha aad u fog oo lix jeer dhulka ka weyn.
neyruus
1. Sannad qorraxeedka la tirsado bilowgiisa. 2. Dabbaaldeg la sameeyo sannad qorraxeedka dhammaadkiisa.
nicmee
Wax xag kasta ka barwaaqayn. ld nimcee.
nicmeyn
ld nimceyn.
nicmeysan
Wax xag kasta ka barwaaqaysan ahaansho. ld nimceysan.
nicmeysnaan
ld nicmeysnaansho, nimceysnaan, nimceysnaansho.
nicmeysnaansho
/dh ld nicmaysnaan.
nicmo
Nabadgelyo, barwaaqo iyo caafimaad lagu suganyahay. ld nicmad, nimcad, nimco.
nicmooley
Xayawaanka dadku manaafacaadsado sida geela, ariga iwm. ld nimcooley.
nidaam
Hannaanka ay u dhisanyihiin wax kasta oo habeysan. ld nadaam.
nidaamdarro
Hab iyo hannaan la raaco la'aan. ld nadaamdarro, nadaam-la'aan, nidaam-la'aan.
nidaami
Wax la habeeyay ahaansho. ld nadaami.
nidaamin
ld nadaamin.
nidaamsan
Wax la nidaamiyay ahaansho. ld nadaamsan.
nidaamsanaan
ld nadaamsanaan, nadaamsanaansho, nidaamsanaansho.
nidaamsanaansho
/dh ld nidaamsanaan.
nidar
1. Ballanqaad qof naftiisa waajib kaga dhigo inuu fuliyo haddii arrintiisu u hagaagto. Tus. “Waxaan n. ku galay inaan wan bixiyo haddii aan arigii iga lumay helo”. 2. Waxa loo bixiyo ballanqaadka qof naftiisa ku waajibiyey inuu fuliyo haddii arrintiisu u hagaagto. Tus. “Wankani waa n.”. ld nidir¹.
nifaaq
Wanaag la muujiyo iyadoo xumaan la garsanayo.
nifaas
Dhiigga ka yimaada haweenka markay dhalaan kaddib.
niggaxnaansho
/dh ld ningaxnaan.
niib
1. Wax si adag meel ugu dhejin. 2. Meel dalooshay oo la buuxshay ahaansho.
niibaati
Fuur ama guf meel daloosha lagu buuxiyo.
niiban
1. Meel dalooshay oo la buuxshay ahaansho. 2. Wax si adag meel ugu dheggan ahaansho.
niibee
Badar iwm wax sibxanaya ka dhigid.
niibkeenid
ld libkeen¹, libkeenid, niibkeen¹.
niibnaan
ld niibnaansho.
niibnaansho
/dh eeg niibnow. ld niibnaan.
niibo
1. Ku n.: wax meel daloosha ku buuxsasho. 2. Dhegaha n.: xayawaan aad u ordid. 3. Dhego furaysasho.
niiboobid
ld niibow¹.
niibow
Ka sibxashada ay wax sibxadaan laba gacmood dhexdood iwm. ld niiboobid.
niil
Feeraha geel saddexda ugu dambaysa oo xiga lugta dambe; mayraq.
niinf
Heer ay maraan xasharaadka qaarkood intaayan weynaan sida: kaboyaaga marka ukunta ka soo baxaan
niinfigu
waxay u egyihiin kuwa waaweyn; waxay kaga duwan yihiin oo keliya: a) way ka yaryaryihiin; b) baalal uma soo wada bixin; c) mana baaluqin.
niis
Ciid jilicsan oo aan boor lahayn oo togaggu keenaan.
niishaab
/mg1 (-bay, -btay) ld nishaab².
niishaabnaansho
/dh ld nishaabnaan.
nijaasaysan
Wax nijaaso ka ba'day ahaansho. ld najaasaysan.
nijaasaysnaan
ld najaasaysnaan, najaasaysnaansho, nijaasaysnaansho.
nijaasaysnaansho
/dh ld nijaasaysnaan.
nikaax
Xarig diini ah oo isu xalaaleynaya nin iyo naag is guursanaya.
nikaaxid
ld nikaaxin.
nikaaxsan
Ku n./u n.: naag nikaax ku xiranyahay ahaansho.
nikaaxsanaan
ld nikaaxsanaansho.
nikaaxsanaansho
/dh ld nikaaxsanaan.
nikaaxso
1. Naag nikaax ku xirasho (nin). 2. Naag, nin guursasho.
nikal
Curiye ka tirsan curiyayaasha kala guurka ee tusaha kalgalka oo dabiici ahaan u jira isagoo salfaydh ama silikeyt ah. Nikalka waxa loo adeegsadaa kalkaaliye ahaan marka la samaynaayo falgalka haydarojiineynta ee alkiinada, sida soo saaridda margariin, iyo birdhafyada lacagta. nikotiin Summad Ni; bartadhalaalka 1450 C ; cufnaanta 8.9; tirada atamka 28; cufka atamka 58.7.nitaaqo m.l Maaddo aadanaha wax yeeleysa oo laga helo tubaakada.
nimceysnaansho
/dh ld nicmeysnaan.
nin
1. Qof lab oo qaangaar ah. 2. Qof lab ah oo wanaag iyo karti dheeraad ah leh. 3. Labada qof ee isqaba midka lab; say.
nin-la-xoreeye
(taar.) Waqtiyadii hore addoonka marka la xoreeyo, beertiisa wuu falan jirey xorna wuu ahaa; xoryeel.
ningax
Mayrax, maro iwm. oo qarka lagaga duubo haruub si uu weelka aad ugu qabsado. ld lingax¹, niggax¹.
ningaxan
Haan wax la ningaxay. ld lingaxan, niggaxan.
ningaxasho
ld lingaxasho, niggaxasho.

