noh
Hawo kulul oo muddo yar socota.
nohnoh
Wax mataatax noqosho.
nolol
1. Muddada naftu joogto ee u dhaxaysa dhalashada iyo dhimashada. 2. Si lagu noolyahay oo lagu dhaqmo.
nolol-maalmeed
Dhaqaale qofka baahidiisa ku filan muddo 24 saac ah.
nololey
Qaybta ka mid ah oogada dhulka iyo gibilkiisa ee ay nafleydu ku noolaan karto, amase, ay nafleydu ku nooshahay.
nololley
Dhammaan Gobolka sare ee dhulka, badda, iyo hawada oo ay ku noolyihiin noolayaal.
nolosha-ruuxiga-ah
1. Mid la xiriirta ama u dhow nolosha ruuxiga oo ku xiran noocyada ama dano qoto dheer. 2. Waxaan ahayn walxaha oo ah dabeecada ruuxiga.
noobiyad
Dhismo dheer oo nal iftiima oo midabbo kala duwan leh oo xeebaha iyo jasiiradaha lagu dhiso si maraakiibta, doonyaha iwm uga qiyaas qaataan; munaarad.
nooc
Qayb wax ka mid ah oo leh tilmaamo u gaar ah; cayn; namuun.
noocayn
ld noocyeyn, noocyeys.
noocee
Wax noocyo kala duwan ka dhigid. ld noocyee.
nood
Lacagta inteeda waraaqda ah. ld noodh.
noofember
Bisha kow iyo tobnaad ee sannadka miilaadiga ah. ld nofembar.
noog
Hawl darteed tamar yarayn.
noogan
Wax noogay ahaansho.
noognaan
ld noognaansho.
noognaansho
/dh ld noognaan.
nooji
Cid wax noogay ka dhigid.
nool
1. Wax nafi ku jirto ahaansho. 2. Wax aan dansanayn ahaansho (dab). 3. Ku n.: wax qof noloshiisu ku xirantahay ahaansho. Tus. “Cali wuxuu ku noolyahay mushaharkiisa.”
nǫol
ǫoli.
noola-ohis
Soo saaridda molikiyuullada uu soo saarayo unugga nooli, taas oo lagama maarmaan u ah qaabka dheefsamaynta.
noolaan
ld nool², noolaansho, nooli¹.
noolaansho
/dh eeg noolow. ld noolaan.
noolayn
ld noolays.
noole
(baay.) Jeermi sida baktiiriyada ku dul noolaada xoolo ama geed ama qof oo cudur u keena.
noolee
1. Cid gaajo ama harraad hayo cunto ama biyo siin. 2. Wax naf gelin (Eebbe). 3. Arrin horey loo illaaway dib u soo cusboonayn. 4. Dab sii damaya shidid.
nǫoli
Lacagta baabuurta, maraakiibta, iyo dayaaraduhu ka qaataan dadka iyo xamuulka ay rakaabsadaan. ld nǫol.
nooloo-ure
Jinac weyn; magangooye. ld noole-ure.
noolow
1. Wax cumri dheer yeeshay noqosho (nafley). 2. Cid barwaaqoobid. 3. Ka n.: wax ka haqab beelid (cid). 4. Ku n.: cid wax kale nolosheedu ku xirantahay noqosho. 5. Ku n.: cid meel deggan noqosho.
nootaayo
Nin ka shaqaaya xafiiska nootaayada.
noqo
1. Wax jihadii uu ka yimid dib ugu laabasho. 2. Cid ama wax sidii hore si ka duwan isu rogid, dabeecado gaar ah yeelasho. 3. Ilmo yar saqiirid. 4. La n.: cid arrin iwm si gaar ah ugu muuqasho. 5. La n.: cid saaxiibnimo, qaraabanimo, ama xiriir kale la yeelasho. 6. Ku n.: hawl mar labaad dib ugu laabasho (cid).
noqod
1. Dib ugu laabashada wax meeshii ay ka yimaadeen dib ugu laabto. 2. ld noqosho.
noqosho
ld noqod(2).
noqosho.
ld niishaaban¹.
noqoto.
ld naafoobid.
nud
Xarko, marooyin iwm isku xirid.
nuday
Nafaqada laga helo wax la quuto.
nude
(c.nafl.) Urur unugyo ah oo u habaysan inay wada qabtaan hal shaqo ama in ka badan oo u gaar ah, tusaale ahaan, nudaha dareenwadku waxay gaar u yihiin inay qabtaan gudbiyaanna nashaadinta. Organnada sida wadnaha ama kelyaha waxay ka koobanyihiin noocyo badan oo nudo kala duwan ah.
nugaal
Midab madow oo lo'da u gaar ah.
nugayl
Adkasyandarro, jileec.
nuglaan
ld nuglaansho.
nuglaansho
/dh 1. eeg nuglow. 2. ld nuglaan.
nuglow
Ku n.: cid wax u dabacsan noqosho.
nugul
Nafley aan adkeysi lahayn ahaansho.
nugushi
Roobka ugu horreeya ee guga da'a; roob garas.
nuguur
Dabeecad; akhlaaq.
nuguushi
Xiddigaha nuguushiyaha la yiraahdo (nuguushi cad iyo nuguushi guduudan) oo raqaha ku jira midkood, waxay u dhexeyaan cadaad iyo afagaal; agaalli.
nujub
Ku n.: wax aragtidooda nasiibdarro kala kulmid.
nujumi
Cilmiga xiddigaha wax ka sheegid.
nukliyootaydh
(baay.) Iskudhis orgaanik ah oo ka samaysmay raybows asiidha foosfoorik iyo naytroojiin.
nuqsaamid
ld nusqaamid.
nuqsaan
N. ah: wax aan dhammayn. ld nusqaan¹.
nuqul
Sawir ama koobi laga sameeyo qoraal asal ah.
nur
1. Xilli roobku da'o. 2. Daaq waxtar leh.
nus
Wax laba meelood oo is le'eg loo qaybshey, meeshood; bar. Tus. “N. kiilo bariis ah”.
nuud
Liid hilib ah oo isku xira xiniinyaha iyo futada xayawaanka lab.
nuug
1. Caano naas ka jaqid. 2. Biyo, naafto iwm tuubbo ku dhuuqid iyada oo la adeegsanayo bishimaha iyo carrabka. 3. Hoore isbuunyo, cudbi iwm ku soo qaadid.
nuuggan
Neef caano laga nuugay ahaansho.
nuugganaan
ld nuugganaansho.
nuugganaansho
/dh ld nuugganaan.
nuugid
ld nuugmo.
nuugitaannimo
Sumad . (Syn. la micnotahay isirka nuugidda). Cabbirka kartida walaxi ay ku nuugto kaah, waanasaamiga kaaha ama burqad iftiimeedka la nuugay iyo kaaha ama burqad iftiimeedka abbaaraa.
nuuji
Ilmo naas jaqsiin.
nuun
1. Summad ishkinka badanaa qoorta looga dhigo oo u eg nuunka xuruufta carabiga. 2. ld na'.
nuunaas
Wax aanu raalli ka ahayn dartii hadal hoos ugu dhihid (qof).
nuunaasid
ld nuunaas¹ (2).
nuuni
Fikrad, cilmi, suugaan iwm curin.
nuunin
ld nuunis.
nuur
Kaaha ka baxa walax iftiimaysa.
nuurad
Kaalsiyam.
nuuradayn
ld nuuriyadayn.
nuuradaysan
Guri iwm wax nuurad marsantahay ahaansho. ld nuuriyadaysan.
nuuradaysnaan
ld nuuradaysdnaansho, nuuriyadaysnaan, nuuriyadaysnaa.
nuuradaysnaansho
/dh ld nuuradaysnaan.
nuuradee
Wax nuurad marin. ld nuuriyadee.
nuuradoobid
ld nuuriyadoobid.
nuuradow
Nuurad noqosho (dhagax). ld nuuriyadow.
nuuri
Wax nuur u yeelid.

