ningaxnaan
ld lingaxnaan, lingaxnaansho, niggaxnaan.
ningaxnaansho
/dh ld ningaxnaan.
ningaxo
Haan ningax u yeelasho. ld lingaxo, niggaxo.
ningixid
ld lingixid, niggixid.
ninhawleed
Nin karti badan u leh shaqada.
ninkarmeed
Nin karti, geesinimo iyo deeqsinimo dheeraad ah leh.
ninnimo
Nin ahaansho.
nintooxsasho
ld nintooxsad, nintooxsi.
nintooxso
1. Ceel keli shubasho. 2. Hawl keli ku qabasho.
nirgadhoob
Cayayaan duula oo hinjibisada u eg oo derbiyada, laamaha geedaha iwm ku dhista buulal dhoobo ah. ld nirgasamays.
nirig
Ubadka geela midka dheddig.
nis
Weel yar oo qori ka samaysan, gacan leh oo biyaha la darsado; kalax.
nisbee
U n.: wax inuu wax kale ka soo jeedo u aqoonsasho. Tus. “Deeqsinimada Cali waxaa loo nisbeeyaa aabbihiis”.
nishaab
/mg1 (-bay, -btay) Waxa la toogana hayo, toogta ku duwid, ku abbaarid. ld niishaab².
nishaaban
Ku n.: qori, fallaar iwm oo wax lagu shiishay
nishaabid
ld niishaabid.
nishaabmid
ld niishaabmid.
nishaabnaan
ld niishaabnaan, niishaabnaansho, nishaabnaansho.
nishaabnaansho
/dh ld nishaabnaan.
nishaabtamid
ld niishaabtamid, niishaabtan¹, nishaabtan¹ (2).
nishaabtan
1. ld niishaabtan 1. Tartan dadku ku tartamaan shiishka. 2. ld nishaabtamid.
nishaaddaysnaansho
/dh ld nashaaddaysnaan.
nisyar
Wax baaxaddiisa, laxaadkiisa iyo jimirkiisu yaryahay ahaansho (qof).
nisyaraan
ld nisyaraansho.
nisyaraansho
/dh ld nisyaraan.
nisyari
Yaraanta baaxadda, laxaadka iyo jimirka ee qof leeyahay.
nitaaqo
641nitaaqoo
nixi
Ka n.: cid naxdin ku abuurid.
niyadjabsanaansho
/dh ld niyajabsanaan.
niyadsamaansho
/dh ld niyasamaan.
niyadxumaansho
/dh ld niyaxumaan.
niyajab
Rajaxumo dareemid, wax sidii la rabay u dhici waayey awgeed. ld nafsadjab², niyadjab².
niyajabsan
Wax niyadjab ku dhacay ahaansho. ld niyadjabsan.
niyajabsanaan
ld niyadjabsanaan, niyadjabsanaansho, niyajabsanaansho.
niyajabsanaansho
/dh ld niyajabsanaan.
niyajebi
Cid niyajab ku abuurid. ld nafsajebi, niyadjebi.
niyajebid
ld nafsajebid, niyadjebid.
niyajebin
ld nafsajebin, niyadjebin.
niyakacsan
Cid niyakac ku dhacay ahaansho.
niyakacsanaan
ld niyakacsanaansho.
niyakacsanaansho
/dh ld niyakacsanaan.
niyakici
Cid niyakac ku abuurid.
niyasamaan
ld niyadsamaan, niyadsamaansho, niyadsami, niyadsamo.
niyasamaansho
/dh eeg niyasamow. ld niyasamaan.
niyasamow
Xumaan iyo xiqdi jirtay illaabid. ld niyadsamow.
niyasan
Qof aan xumaan ama xiqdi u hayn ahaansho. ld niyadsan.
niyaxumaan
ld niyadxumaan, niyadxumaansho, niyadxumi, niyadxumo.
niyaxumaansho
/dh eeg niyaxumow. ld niyaxumaan.
niyaxumow
1. Qof aan niyo wanaagsanayn noqosho. 2. Ka n.: wax rajo aan wanaagsanayn ka qabid. ld niyadxumow.
niyaxun
1. Qof aan daacad ahayn ahaansho. 2. Qof aan niyo wanaagsanayn ahaansho. ld niyadxun.
niyeysasho
ld niyeysad, niyeysi.
niyeyso
Wax in la helo filasho.
niyo
1. Meesha damaca, jacaylka, xumaha iwm dadku ku qaado. 2. Rabitaan wax loo hayo. ld niyad.
niyoo
U n.: hanti iwm wax dartii u bixin.
niyooroofilis
(baay.) Nooc ugu caansan unugyada cadcad, kuwaas oo bannaanka uga bixi kara qulqulka dhiigga una gudbi kara nudaha jidhka si ay u soo dabaan bakteeriyada meel kasta oo ay jidhkanooloo-ure ka weerarto. Unugyadani markay dhintaan waxay noqdaan malax.
niyurooloji
Barashada qaabdhiska, shaqada, iyo cudurrada qaybta maskaxda, xangullada iyo dareenwdayaasha.
niyuuratoon
(kiim.) Saxar saleed ku jira bu'da, leh cuf le'eg ka borotoonka mase leh saldanab. Xaaladaha qaarkood, niyuutaroonku waxa uu u mataataxaa orotoon, elektaroon iyo lid- niyuutariino aan celceliska cimrigoodu ka badanin 12 daqiiqo, marka ay ka baxaan bu'da atamka.

