naxariis
Dareen raxmadeed oo cid ku dhasha dhib cid kale haysata darteed.
naxariisasho
ld naxariisad.
naxariiso
U n.: cid naxariis u gelid.
naxas
Maalin ama waqti nuxus ah. ld naxsi².
naxash
(2).
naxdin
Dareen cabsi ku jirto oo qof ku dhacda marka uu la kulmo waxyeello aanu filanayn.
naxli
1. Xumaan xaasidnimo ku jirto. 2. ld laxni. 3. Dheecaanka ka soo baxa nabar buka.
naxsan
Wax naxay ahaansho.
naxsanaan
ld naxsanaansho.
naxsanaansho
/dh ld naxsanaan.
naxsasho
ld naxsi¹.
naxso
Ka n.: cid naxdin ku abuurid.
naxwe
1. Laan cilmi afeedka ka mid ah oo lagu barto weereynta, dhismaha ereyada iyo codeynta. 2. Hadal si wanaagsan u dhisan oo murti iyo macno leh. 3. Buug xeerarka naxwaha ka hadlaya.
nayaayiraysan
Wax nayaayiro hayso ahaansho. ld nayaayirsan.
nayaayiraysnaan
ld nayaayirsanaan, nayaayirsanaansho, nayaayiraysnaan.
nayaayiraysnaansho
/dh ld nayaayiraysnaan.
nayaayiro
1. Dareen farxad leh oo qofka ku dhaliya furfurnaan dheeraad ah. 2. Rajo.
nayaayiroo
Nayaayiro dareemid.
nayaayirsanaansho
/dh ld nayaayiraysnaan.
nayaayiso
Rajo.
nayl
Maqasha idaha keeda lab.
naylakobcis
Geed yar oo meelaha sallaxyada ah ka baxa oo leh laamo yaryar oo jiljilicsan oo si gaar ah isugu dhafma ilaa uu yeesho qaab dhulmaneed oo iduhu aad u jecelyihiin.
naylaqaad
1. Shimbir ay gallayrka isku bah yihiin kana yara weyn oo waxaraha yar-yar cuna; baqalyo. 2. N. ah: dayax afar iyo tobnaad ah oo aad u iftiin badan.
naylduur
Nooc shimbiraha ka mid ah oo dhoor leh.
naynaasan
Qof ceeb ku tilmaaman ahaansho. ld naanaysan.
naynaasnaan
ld naanaysnaan, naanaysnaansho, naynaasnaansho.
naynaasnaansho
/dh ld naynaasnaan.
naytaras
Naytaras ogsaydh (N O) oo ah ogsaydh dhexdhexaad ah; iyo natarojiin laba-ogsaydh (NO) oo soo saarta iskujir ka kooban asiidh iyo naytarik asiidh marka biyo lagu daro. 2. (kiim.) Neefta ugu badan gibilka, oo mug ahaan buuxisa 78% ee hawada engegan; neeftani kiimika ahaan ma firfircoona, waxay tartaa inay misho ogsajiinta.
naytareyd
(kiim.) Cusbada ama istarka natarik asiidh.
naytarojiin
1. (kiim.) Curiyaha ugu horreeya ururka V ee tusaha kalgalka curiyayaasha; curiye elektaroon jiidasho badan,una jira isagoo molikiyuullo laba atamle ah (N )oo neef ah. Naytarojiinta hawada ku jirtaa waa 78 % mug ahaan. Naytarojiin waxa ay samaysaa ogsaydho ay ka mid yihiin laba-naytarojiin hal-ogsaydh.
nebcaan
ld nebcaansho, necbaan, necbaansho.
nebcaansho
/dh ld nebcaan.
nebcaysasho
ld nebcoobid, necbaysasho, necboobid.
nebcayso
Cid niyadda ka nicid. ld necbayso.
neberi
Nafley naasleyda ka mid ah oo waxa badda ku nool ugu weyn. ld nibiri.
nebi
Qof Eebbe doortay oo waxyi loo soo dhiibay.
nebi-ammaan
Sugaan ama qasiido lagu ammaano wanaagga iyo wax qabadka nebi.
nebinnimo
Nebi ahaansho.
necbaansho
/dh ld nebcaan.
necbow
Aan wax jeclayn noqosho (cid). ld nebcow.
neceb
Wax aan la rabin kashasho.
neecaabi
Wax neecow u dhigid. ld naacaabi, neecaawi.
neecaabin
ld naacaabin, neecaawin.
neecaw
Hawo qabow oo nadiif ah; laydh. ld naacaw.
neecawsasho
ld naacawsasho.
neecawso
Neecow qaadasho. ld naacawso.
neecow-badeed
Sarraynta/hoseynta socodka hawada ka timaada badda ee u socota beriga ee ay sababtay kala duwanaanta heerkulka. Maalintii kulaylka berrigu wuxuu keenaa in hawadu kor u kacdo, hawada badduna halkeedii ayey beddeshaa.
neef
1. Hawada nafleyda. 2. Qaybaha hawadu u kala baxdo mid ka mid ah sida haydarojiinta, ogsojiinta iwm. 3. Cudur dadka ku dhaca oo neefsashadu dhibto.
neef-qaadasho
(c.nafl.) Qaadashada hawo ama neefo kale, kuwaas oo ballaadhiya sambabada.
neef-qabatin
(daaw.) Dhibaato neefsasho oo ay sabab u noqon karto xiran dhuumaha neefta xiiqda, borinkiito ama cudurro kale oo sambabada ku dhaca.
neef-wahsada
(kiim.) Curiyayaasha ururka 0 ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Neefo hal atamlayaal ah oo leh heerkul kar oo hooseeya.
neefee
Wax neef gelin.
neefi
/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Wax neefta ku jirta ka saarid. 2. (f.mg) Ka n.: cid hawl ku daashay ka nasin. 3. (f.mg) Ka n.: cid hadal u ciil qabta dhageysad. 4. (f.mg) Ku n.: neefta lo'da cid ku daaweyn.
neefin
ld neefis.
neefqalow
Dhowr neef oo ari ah oo midba mar lumay.
neefsasho
ld neefsad, neefsi.
neefsasho-ogsajiin-la'
Nooc ka mid ah neefsashada oo cuntadu (gaar ahaan kaarboohaydraytyada) ay qayb ahaan u ogsidhooban iyagoo sii daynaya tamar kiimikeed, kuna sii daynaya dariiqad ogsajiin aan u baahnayn.
neefsasho-ogsajiin-leh
Nooc ka mid ah neefsashada, oo cuntadu (gaar ahaan kaarboohydraytyada) ay dhammaantood u ogsidhoobaan kaarboon laba ogsaydh iyo biyo, iyaga oo siidaynaya tamar kiimikeed, kuna sii daynaya dariiqad u baahan ogsajiin.
neefso
1. Nafley, neef sii deyn. 2. Muddo yar nasasho.
neeftuur
Nafley xiiqday neef xooggan sii dayn. ld neefgur².
neeftuurid
ld neefgurid.
neeqaab
Qoriga dakhalku ku qotomo.
neeuroosis
Cudur dhimireed lagu yaqaan isbeddel xagga caadifiyadda taas oo keeneysa dhaqan iyo hab fakar duwan oo qofka silciya.
nefi
Ka n.: cid nasasho yar siin.
nefis
Hawl muddo yar ka nasasho.
neg
1. Wax aan dhaqdhaqaaqayn ahaansho. 2. Wax socdaal ka baaqday ahaansho. 3. Cid niyadda ka deggan ahaansho. ld nag, nagi², negi².
negaadi
Geeddi ka baajin; dejin. ld nagaadi².
negaadin
ld nagaadin.
negaan
ld nagaan, nagaansho, nagi¹, negaansho, negi¹.
negaansho
/dh eeg negow. ld negaan.
negayaal
/dh (fiis.) Qayb ka mid ah mekaanikada oo la xidhiidha walxo ay saaran yihiin xoogag sidkan ama isku dheelitiran, taasina ay keento in walaxdu ku xawaarayso socod madoorsoome ah ama ay negaato.

