nadwad
1. Uumi-biyood. 2. Qabow qoyaan leh oo habeenkii soo dhaco; dhado.
naf
1. ld ruux. Waxa nafleyda ku jira oo aan la arkin, lana taaban karin, la'aanteedna aan la noolaan karin. 2. N. ah: wax dhimasho u dhow. 3. N. ma leh: qiimo ama waxtar yari.
nafaqadarro
Xaalad cudureed oo ay keento cunno aan isu miisaanneyn, qofku waxa uu cuno iyo waxa jirkiisu u baahanyahay.
nafaqaxumo
Yaraanta wax la quuto ay dheeftu ku yartahay.
nafaqayso
1. Wax nafaqo ka dhigasho. 2. Wax masruufasho.
nafaqee
Wax nafaqo siin.
nafaqo
Barashada cunnada iyo xiriirka ay la leedahay hawlaha dabiiciga ah ee jirka oo ku xiran qaadashada cunnada ee jirka: kormitaanka, tamar ameynta, dib u sameynta soohyada jirka iwm cilmiga nafaqada waa barashada cunnooyinka iyo cudurrada ka yimaada yaraantood.
nafaqo-darro
ama jirro darteed u caatoobid.
nafar
1. Hal qof. 2. Cunto bisil oo hal qof deeqda.
nafbax
Dhimashada ay nafley dhimato.
nafhurid
ld nafhur¹.
nafjeclaysasho
ld nafjeclaysi.
nafjeclayso
1. Khatar u beerdhigeddeeda ka cabsasho. 2. Ka n.: wax nafac leh oo dad ka dhexeeya gaar u qaadasho. 3. Ka n.: saaxiib dhib kaga baxsasho danaysi dartii.
nafkureeb
1. N. ah: cunto yar oo qof aad u gaajeysan quuto. 2. N. ah: nafley dhaawacan ama daallan oo si kama dambeys ah u dagaalamaya.
naflacaari
N. ah: nafley xaalad xun oo wax ka qabashadeedu adagtahay ku sugnaan.
nafley
dhaawac ah la israaciyo.
nafnac
Qof aan kala jeclayn dhimasho iyo nolol.
nafsad
1. Wax nafleyda ku jira oo aan la arkin, lana taaban karin, la'aanteedna aan la noolaan karin. 2. Niyad. 3. Tabar; itaal.
naftihafar
Qof maal ama derajo aanu lahayn sheegta oo ku faana.
naftihawir
Qof naftiisa meel halis ah geliya; naftihalig.
naftihure
N. ah: qof naftiisa u hibeeya difaaca dalkiisa, dadkiisa, dantiisa iwm.
naftir
Dhaawac israacin.
nafto
Saliidda shidaalka ee cayriin marka la sifeeyo qaybaha soo baxa mid ka mid ah oo loo adeegsado shidaalka matoorrada diisalka ah. ld naafto.
nagaansho
/dh ld negaan.
nagaar
Dhir yar-yar oo gaagaaban.
nagaardeeb
Geednagaar qodax leh oo xooluhu daaqaan.
najaar
Nin yaqaan farsamada alwaaxda; sarmali; faryaame. ld nijaar.
najaarnimo
Najaar ahaansho. ld nijaarnimo.
najaas
(dii.) Qof faddaro ah. ld nejis, nijaas¹.
najaasaysnaansho
/dh ld nijaasaysnaan.
najaasee
(dii.) Qof wasakh gaarsiin. ld nijaasee.
najaaseyn
ld nijaaseyn.
najaasnimo
Najaas ahaansho. ld nejisnimo, nijaasnimo.
najaaso
Faddaro; wasakh (sida kaadida, saxrada iwm). ld nijaaso.
najaasoobid
ld nijaasoobid.
najaasow
(dii.) Wax najaas gaartay noqosho. ld nijaasow.
nal
1. Qalab dusha quraaradi kaga dahaarantahay oo iftiin bixiya marka korontadu soo gaadho. 2. Iftiinka korontadu dhaliso.
namas
1. Ul gaaban oo rabadh ah oo boliisku isticmaalo. 2. ld nabas.
nambarsanaansho
/dh ld lambarsanaan.
namiin
Ku n.: Cid, cid kale ku dirid. ld nabiib².
namiinid
². Namiin ahaansho. ld nabiibid.
namiinnimo
Namiin ahaansho. ld nabiibnimo.
namuun
1. Nooc. 2. Midab. ld namuunad, namuuno.
nanashaaddo
1. Farax, fahmo, firfircooni. 2. Wax si xiiso iyo rabitaan leh loo qabto. 3. Daal iyo jiljileec la'aan.
naq
1. Caleenta iyo cawska ay soo saaraan biyo ama roob; doog; tigaad. 2. Hadal dood iyo dacwad isugu jira.
naqad
Lacag caddaan ah. ld naqdi¹ (2).
naqan
1. Gar la xalliyay ahaansho. 2. Wax yar ahaansho.
naqas
1. Neef aan ur wanaagsan lahayn. 2. Neefta dadka uurkiisa ku jirta.
naqash
Xarar ama midab wax lagu qurxiyo.
naqaysasho
ld naqaysad.
naqayso
/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Wax inta fiican kala bixid; xulasho. 2. (f.mg) Naq daaqid (xoolo).
naqdac
Caws guryaha carshaanta ah dusha laga saaro oo lagu dedo oo ka baxa meelaha webiyada agagaarkooda ah; gargoof.
naqdi
1. Dood looga faalloodo wax wanaaggiisa ama dhalliishiisa. 2. ld naqad.
naqee
Wax xulid.nashaaddaysan
naqid
ld niqid.
naqiisad
Biro yaryar oo isgala oo shukaanta iyo doonida isu haya.
naqil
Ku n.: wax meel ku qoran meel kale ku guurin.
naqraac
Meel naq leh u guurid.
naqraacid
ld naqraac¹.
naqsan
1. Wax la celiyay ahaansho. 2. Gar la xalliyay ahaansho.
naqsanaan
ld naqsanaansho.
naqsanaansho
/dh ld naqsanaan.
naqshad
1. Naqash. 2. Shaxan tilmaamaya hab ay wax u dhisanyihiin, ama u samaysanyihiin.

