naqshadee
Wax naqshad u samayn.
naqso
/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Wax dib u soo ceshasho. 2. (f.g) Quraan akhrisasho. 3. (f.mg) U n.: wax mar labaad. 4. (f.mg) Gar cid u jeedsasho.
naqtiimi
Qof quraan, duruus iwm dhammeeyay mar labaad bilaabid.
naqtiimin
ld naqtiimis.
naqtiin
1. Dib u so bilaabidda quraan, duruus iwm oo hore loo dhammeeyey. 2. N. ah: qof dhammeeyey quraan, duruus iwm oo mar labaad soo bilaaba. ld naqtiimo.
naqtiinsasho
ld naqtiinsad.
naqtiinso
Quraan la dhammeeyay mar labaad ku noqosho.
naruuro
1. Waxtar ama faa'iido. 2. In yar oo wax la'aanta dhaanta.
nas
1. Meesha ugu dhow wax laga nishaabi karo. 2. (dii.) Kitaab, qaanuun iwm oo la qoray hadalkiisa hore oo asalka ah oo ka duwan sharaxa ama waxyaale kale oo gadaal cid kale kaga darto.
nasaaro
Dadka sheegta inay haystaan diinta Nebi Ciise; Kiristaan; Masiixi. ld nasaari.
nasaarow
Nasaaro noqosho.
nasab
1. Tafiir iyo farac laga soo jeedo. 2. N. ah: qof wanaagsan.
nasabnimo
Nasab ahaansho.
nasahan
Ka n.: wax aan xumaan lahayn ahaansho.
nasahnaan
ld nasahnaansho.
nasahnaansho
/dh ld nasahnaan.
nasakh
1. N. ah: qof doqon ah, nacas ah. 2. N. ah: wax la buriyay (ayaad, diin). 3. ld nasakhid.
nasakhaad
Doqonnimada cid la kulanta.
nasakhan
1. Doqon ahaansho. 2. Diin ama aayad la beddelay ahaansho.
nasakhid
ld nasakh¹ (3).
nasakhnaan
ld nasakhnaansho.
nasakhnaansho
/dh eeg nasakhnow. ld nasakhnaan.
nasan
Wax nastay ahaansho.
nasar
Durbaan dhuuban oo salka luga ka leh, waxaana laga yaqaan degaanka webiyada. ld narso.
nasasho
ld nasad.
naseex
1. Qof talo daacad ah bixiya. 2. Wax qof dan u ah. ld nasteex.
naseexayn
ld nasteexayn.
naseexee
1. U n.: cid daacadnimo ula talin. 2. U n.: cid u danayn. ld nasteexee.
naseexo
1. Talo daacad ah oo cid loo jeediyo; waano; caqlicelin. 2. Daacadnimo. ld nasteexo.
nash
Meesha madaxa carruurta kol dhow dhalatay xaggiisa sare ku taal ee boodboodda; nasiso. ld nashley, nashnashley, nasin, nasiso¹.
nashaad
Farxad iyo firfircooni. ld nanashaaddo, nishaad.
nashaaddaysan
Wax farax iyo firfircooniyi ka muuqato ahaansho. ld nishaaddaysan.
nashaaddaysnaan
ld nashaaddaysnaansho, nishaaddaysnaan.
nashaaddaysnaansho
/dh ld nashaaddaysnaan.
nashir
Akhbaar faafin.
nashiran
Wax la faafiyay ahaansho (akhbaar).
nashirid
ld nashir¹.
nashirnaan
ld nashirnaansho.
nashirnaansho
/dh ld nashirnaan.
nashlee
Daba n.: cid u qabbaanid.
nashnaash
1. Sii qurxinta wax hore u jiray sida dhismo, farsamo iwm. 2. Inta lagu kordhiyo hadal hore murtidiisa loo yiri. ld naashnaash¹.
nashnaashan
Wax la nashnaashay ahaansho. ld naashnaashan.
nashnaashasho
ld nashnaashad.
nashnaashi
Qurux iyo wanaag wax loo yeelay. ld naashnaashi¹.
nashnaashid
ld naashnaashid.
nashnaashin
ld naashnaashin, naashnaashis, nashnaashis.
nashnaashnaan
ld naashnaashnaan, naashnaashnaansho, nashnaashnaansho.
nashnaashnaansho
/dh ld nashnaashnaan.
nashnaasho
Wax nashnaash u yeelasho.
nashuug
Tubaako calaalin.
nashuugi
Nashuug ka dhigid (tubaako).
nasi
Cid hawl muddo gaaban ka fadhiisin si daalku uga ba'o.
nasiib
Hoodo; cawo; ayaan.
nasiibdarro
1. Nasiib wacan la'aan. 2. Dhibaato; mushkilad. ld nasiibxumo.
nasiibwanaag
Hoodo iyo ayaan wanaagsan.
nasiino
Xaalad hawl iyo dhibaato la'aaneed. ld nasiin.
nasin
(c.nafl.) Meel dhalada ka mid ah oo aan lafoobin, lagana dareemi karo garaaca halbowlayaasha maskaxda. Waxaana lagu yaqaan dhallaanka ilaa gu' jirka ah, kaddibna way lafowdaa way xirantaa. ld nash.
nasiso
Nafley nasiino siisasho.
nasnaan
ld nasnaansho.
nasnaansho
/dh ld nasnaan.
naso
Hawl muddo gaaban ka fadhiisasho si daalkeedu u ba'o.
nasraani
(dii.) Qof sheegta inuu haysto diinta nebi Ciise.
nasraaninnimo
Nasraani ahaansho.
nasri
1. Guul laga gaadho dagaal, arrin iwm. 2. Nabadgelyo iyo barwaaqo.
nasro
1. (muus.) Durbaan yar oo lagu tumo qasaa'idka Nabi ammaanka ah; darbuugad. 2. (muus.) Durbaan tumid iyo qasaa'id Nabi ammaan ah oo wada socda.
nastahan
Qof nastahan ahaansho.
nastahanaan
ld nastahaanansho.
nastahanaansho
/dh ld nastahanaan.
natarik-asiidh
Hoore midablaawe ah oo bida, oo dharka iyo jidhkaba cuna. Waa asiidh xoog badan.
natiijo
Fal la sameeyo wax ka soo baxa.
nawaaxi
Dhulka ku xeeran hadba meesha laga hadlayo.
nawir
Wax dhalaalaya ka dhigid (wax).
nawirid
ld nawir¹.
nax
1. Cabsi iyo welwel kedis ah dareemid. 2. U n.: qof waxnebcaysasho wanaagsan la jeclaysasho iyadoo laga xanunsanayo dhib haysata.
naxaas
Macdan adke ah, dhulka laga qodo, leh midab cagaar ah, dusha lagaga dahaadho xadiidka si uu mirirka uga ilaaliyo, lagana sameeyo qalab badan oo la adeegsado.
naxar
Dab aad u kulul.

