n
Xarafka afar iyo tobnaad ee xuruufta af soomaaliga, waa shibbane.
na
Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koobaad ee wadarta ah, oo kuwa lala hadlayaa aanay ku jirin. Tus. “Idinkaa na siiyay buuggan”.
naa
Erey qof dumar ah loogu dhawaaqo ama loogu yeero ama lagu soo jeediyo; magac ayaa badanaa ka dabadhaca. Tus. “Naa Kaaha!”, “Naa Ubax”. ld naayaa.
naa'ib
1. Mudane ka tirsan barlamaanka. 2. Wakiilka qof madax ahi leeyahay.
naab
Qolof qallalan oo fuusha bishimaha qofka marka uu harraado ama uu bukoodo; jiil.
naaban
1. Wax fur lagu naabay ahaansho. 2. Wax wax kale kor lagaga dhejiyey ahaansho.
naabid
ld naab¹, nabid.
naabnaab
1. ld naannaab 1. N. ah: qof caqli yar oo shiddo badan. 2. ld naabnaabid.
naabnaabi
Naabnaab ka dhigid (qof). ld naannaabi.
naabnaabid
ld naabnaab¹, naannaab¹, naannaabid.
naabnaabin
ld naannaabin.
naabnaan
ld naabnaansho.
naabnaansho
/dh ld naabnaan.
nąadh
ąar.
naadi
1. Rug dad isku dan ahi ku kulmaan. 2. Dad isugu tegay arrimo siyaaso, jinsiyad, ama bulsho.
naadir
Aan had iyo goor la heli karin (wax); dhif ah.
naadirnimo
Naadir ahaansho.
naado
1. Ogeysiis dad loo bandhigayo. 2. Bandhig iib oo tartan ku jiro.
naaf
1. Xiddig ka mid ah ururka naafo. 2. (m.w) Toddobada xiddigood oo “naafcadduhu” ugu horreeyo, “dirirkuna” ugu dambeeyo; waxay u dhexeeyaan toddobada “raqaha” iyo toddobada “daalallida”; waa xiddigo xagaa.
naafayn
ld naafid.
naafcadde
Xiddigga naafaha ugu horreeya; wuxuu u dhexeeyaa afagaal iyo naafmadoobe.
naafee
1. Nafley naafo ka dhigid. 2. Xag dhaqaale, xoog iwm dhaawicid.
naafeysan
Wax naafo noqday ahaansho (nafley).
naafeysnaan
ld naafeysnaansho.
naafeysnaansho
/dh ld naafeysnaan.
naafmadoobe
Xiddigga labaad ee naafaha; wuxuu u dhexeeyaa naafcadde iyo afqays.
naafo
Nafley addimadeeda midkood ama qaarkood wax ka qaba oo aan wax ku qabsan karin.
naafoobid
ld naafasho, naafow¹.
naafow
Noqoshada nafley ay naafo
naag
1. Haweenay la guursaday; afo; oori; arad; maranti. 2. Haweenay karti iyo xishood leh. 3.Labada qof ee isqaba midka dheddig.
naagaysasho
ld naagaysad.
naagayso
1. Naag ka dhigasho. 2. Naag xiriir galmo la yeelasho.
naagnimo
Naag ahaansho.
naajax
1. Miro bislaaday. 2. Qof la oggolaysiiyay inuu fuliyo arrin laga lahaa. 3. Qof dhaqaalo ahaan ladan.
naajaxsan
1. Wax bisil ahaansho. 2. Wax dhinac kasta ka raalli ah ahaansho.
naajaxsanaan
ld naajaxsanaansho.
naajaxsanaansho
/dh ld naajaxsanaan.
naajixi
Wax naajax ka dhigid.
naakhuude
Qof markab ama dooni madax ka ah.
naakhuudee
U n.: Si cid loo khiyaamo wax aanad ahayn iska yeel- yeelid.
naakirad
Naag sharcigu caddeeyay in ay ninkeeda caasi ku noqotay oo aan nin kale guursan karin. ld naakiro, naashiddo, naashiso, naashuusho.
naakuuso
Xog yar oo laga helo arrin qarsoon.
naallee
Ku n.: 1. Farax iyo guul ku jirid. 2. Wax rajo ku eegid. ld naalloo.
naalleyn
ld naallood.
naallo
1. Ladnaan xag dhaqaalo iyo caafimaad. 2. Yididdiilo wanaagsan.
naanays
Magac dheeri ah oo loo yaqaan qof, kaas oo aan ahayn magaciisa dhabta ah; koofaar. ld naynaas¹.
naanaysid
ld naynaasid.
naanaysnaansho
/dh ld naynaasnaan.
naannaab
; naabnaabid.
naanni
Meel la dhisay oo dhoobo laga sameyey oo marka xoolaha la waraabinayo biyaha loogu shubo, berked yar; dar.
naaqiib
Nooc kalluunka ka mid ah.
naaqis
naatariyam-koloraydh
naaqish
La n.: arrin falanqeyn.
naaqus
1. N. ah: wax aan dhaamayn. 2. N. ah: qof garashadiisu yartahay. ld naaqis¹.
naaqusi
Wax naaqus ka dhigid. ld naaqisi.
naaqusid
ld naaqisid.
naaqusin
ld naaqisin.
naar
1. Meesha la geeyo jinniga iyo insiga xagga Eebbe danbiilayaasha ka ah marka ay aakhiro tagaan; cadaab. 2. N. ah: wax aad u kulul.
nąar
Harag lo'aad ama geel oo inta hab gaar ah loo sameeyo xoolaha lagu waraabiyo. ld nąadh.
naar-afuuf
1. Qof dadka isku dira. 2. Mulac weyn; amuur; xayroxade.
naarajiin
1. Geedka qunbaha. 2. Saliidda laga miiro qunbaha.
naarsime
Naduur.
naarsimo
Magaca guud ee qalabka birtumuhu adeegsado oo dhan leeyihiin.
naas
1. Labada xubnood ee caanuhu galaan ee ku yaal laabta dumarka midkood. 2. Labada cad ee ka soo taagan laabta ragga midkood. 3. Cad dhuuban oo xayawaanka caanaha leh candhadooda ka soo laalaada. 4. Dhuun ka soo taagan weelasha wax lagu shubto qaarkood; Ib; gulgulo.
naasacelis
Maro dumarka naasaha ku xidhaan oo dhexda ku leh laba god oo naasuhu geli karaan, dacalladeeduna ku dhamaadaan biro isa sudimi kara; keeshali; rajabeeto.
naasaley
Nafleyda inta ilmaha dhasha oo nuujisa. ld naasley.

