naashnaashnaansho
/dh ld nashnaanshnaan.
naasley
Dir ka tirsan lafdhabarleyda oo ka kooban ilaa 250 sinji. Naasleydu waa xayawaan dhiig diirane ahoo maqarkoodu leeyahay qanjidho dhidid, kuwaas oo soo daaya dhidid qoboojiya jidhka. Jidhkoodana waxa ku daboolan timo. naaso, Naasleydu dhammaantood waxay leeyihiin kuwaas oo soo daaya caano ay ku quudiyaan ilmahooda. ld naasaley, naasooley.
naasnuuji
Si qarsoodi ah qof wax u siin.
naasnuujin
ld naasnuujis.
naastro
1. Qalab hadalka iwm ku duuba cajaladaha. 2. Silsilad xabbadaha qorigu ku jiraan oo boobayaasha culus la geliyo. 3. Mullaax maro ah oo khad leh loo isticmaalo makiinadaha qoraalka.
naatariyam
(kiim.) Bir firfircoon oo jilicsan; waana curiyaha labaad ee biraha alkaliga (ururka I ee tusaha kalgalka).
naatariyam-haydaroogsaydh
(kiim.) (koostic sooda, NaOH). Adke cad oo sayax-milme ah una habaysan duneed, ilays gudbintiisuna liidato. Milanka uu ku jiraa waa alkali xooggan waana gudbiye-milme.
naatariyam-koloraydh
(kiim.) (cusbada caadiga ah, NaCl). Adke cad oo laga helo biyaha badda iyo biyaha qaraar. Waxa kale oo laga helaa cusbo dhagax ah oo dabiici ahaan u tuuran meelo gaar ah. Waxa lagu isticmaalaa dhanaanaynta cuntada iyo dhawridda tayadeeda. Dhinaca warshadaha, waxa loo isticmaalaa walaxda cayriin ee laga sameeyo naatriyam kaarboonayt (habka Solfey), naatriyam haydarogsaydh (danabsoocid) iyo saabuunta. Naatriyam koloraydhu badanaaba kuma milanto alkohoolka.
naawi
Qof, wax akhrin isaga oo aan rabid iyo fahmo u hayn.
naawil
1. Wax inay dhacayaan malayn; filid. 2. U n.:cid wax u gudbin.
naawin
ld naawis.
naax
Nafley cayilid.
naaxi
Nafley cayilin.
naaxsan
Wax cayilay ahaansho.
naaxsanaan
ld naaxsanaansho.
naaxsanaansho
/dh ld naaxsanaan.
naayaa
Erey haweeney lala hadlayo dareenkeeda lagu soo jeediyo, xushmadarrana huwan. ld naa.
nab
1. Cid fal ama hadal aanay samayn ama dhihin ku sheegid; masabidid. 2. Is n.: wax hurda iska dhigid. 3. Ku n.: wax meel ku dhejin. 4. Ciid, timo iwm dhejin. 5. ld naab³.
nabaad
Wax dhulka ka soo baxa sida dhirta iyo cawska.
nabaaddiinaxir
Duco ama quraan loo akhriyo si wax lumay Eebbe u badbaadiyo; xirsixir.
nabaaddiinee
1. Nabaaddiino akhriyid. 2. Cid macasalaameyn.
nabaaddiineysan
1. Wax nabad qaba ahaansho. 2. Wax la xirsi xiray ahaansho.
nabaaddiineysnaan
ld nabaaddiineysnaansho.
nabaaddiineysnaansho
/dh ld nabaaddiineysnaan.
nabaaddiino
1. Ku sugnaan xaalad aan waxyeello iyo colaad lahayn; nabad. 2. Duco dad kala tegayaa isku sagootiyaan; nabadgelyo.
nabaadguur
Nafaqaddarro dhulka gaartay awgeed, geedo soo bixi waayaan.
nabaadguuri
Dhul nabaadguur ku ridid.
nabaadguurin
ld nabaadguuris.
nabaal
Isku dar kiimikaad oo laga sameeyo bombo wax gubta.
nabad
1. Waxyeello iyo colaad la'aan. 2. Caafimaad iyo ladnaan.
nabad-jeceyl
Dhaqdhaqaaq ka soo horjeeda dagaallada oo loo adeegsado xallinta mashaakillada, uguna baaqa adduunweynaha nabad ku wada noolaansho.
nabadayn
Nabadgeliyo.
nabadbax
Samatabax.
nabadbixi
Ka n.: Cid waxyeello ka badbaadin.
nabaddoon
1. Qof loo xilsaaray in uu cido colaadi dhextaal heshiisiyo. 2. Qof qabiil madax u ah; caaqil; ugaas.
nabadee
Meel nabad ka dhalin.
nabadgal
Badbaado.
nabadgeli
Waxyeello ka badbaadin.
nabadgelin
ld nabadgeliyo.
nabadgelyee
Macsalaamee.
nabadgelyo
Xaalad nabad iyo degganaan leh oo lagu sugnaado.
nabadsii
Laba qof ama laba qolo oo dagaallamay heshiisiin; nabadayn.
nabadsugid
Ciidan ka tirsan ciidammada qalabka sida oo u xilasaaran la socoshada deggenaanta iyo nabadgelyada dalka.
naban
Timo, ciid iwm la nabay noqosho.nacaladee
nabar
1. Dillaac haragga ama jidhka gaadha dhaawac ku dhacay awgeed; qoon. 2. Raad uu qofka ku reebo dhaawac bogsaday. 3. Kol; mar. 4. Ooddin; aydin; qabatin.
nabar-kul
(daaw.) Awood darro iyo joog ka dhicid ay keeneen hoos udhac cadaadiska dhiigga iyo tirada dhiiggaba. Waxaana u sabab ah biyo badan iyo cusbooyin oo jirka ka baxa kul aad u badan oo dheeraada ama aan loo baran awgiis.
nabaraan
Libaax badeed madow oo halis ah. ld neberoon.
nabarraysan
Wax nabar ku dhacay ahaansho. ld nabaraysan.
nabarraysnaan
ld nabarraysnaansho, nabaraysnaan, nabaraysnaansho.
nabarraysnaansho
/dh ld nabarraysnaan.
nabarree
Wax nabarro gaarsiin.
nabas
1. Meesha u dhexeysa jidhka iyo marada dumarku garraarsadaan ee ku abbaaran caloosha. 2. Timaha ka baxa gumaarka dadka; bisqan. ld namas.
nabdaad
Cabsi yar darteed hurdo ka kicid; hambabbaar.
nabdaaddi
Salaan.
nabdaaddiyid
ld nabdaaddin, nabdaaddis.
nabdaado
Salaan; bariido.
nąbdaado
Si cabsi ku jirto uga kicidda hurdada.
nabdaysasho
ld nabdaysad, nabdaysi.
nabdayso
Cid salaamid.
nabdi
1. Dad colaadi dhextaal heshiisiin. 2. Cid salaamid.
nabid
ld naabid.
nabiiso
Ul rabadh ka samaysan oo bilayska dadka ku kala eryaan.
nabiyad
Saxan weyn; siiniyad.
nabnaan
ld naabnaan.

